Amina Hirsi waa Gabadh ganacsata dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka S.land balse waxay Amini ku dhalatay Dalka Kenya, Amini waa Maal qabeen ad iyo aad caan uga ah dalka Uganda, waa Mulkiihala Oasis Shoppingmall oo marti galiya Supermarket ugu wayn dalka Uganda ee Nakumat, Nooc kamida guryaha lagu raaxaysto oo loyaqan Labnan Courts, iyo Shirkad kamida ugu wawayn ee ka ganacsada Sibidhka iyo qalabka dhismaha.oo la yidha Kingston Enterprises, sido kale waxay dhismayal wawayn ka wada Duledka Jamacda wayn ee Makerere iyo Wadada adaa dhanka Airport.
Amina iyo Madaxweynaha Zambia Mr Banda.
Amina waxay aqoon ahaan baratay madada Xisaabadka, iyadoo kusoo dhex kortay qoys ganacsiga caan ku ah, ayaa waxa xusid mudan in Hooyadeed Sahra Hirsi Ali, iyana tahay ganacsato aad u wayn oo dalka kiiniya laga yaqan, halka Adeerked Adam Hirsi Ali isna uu xoog haya guud Wasarada Maliyada kasoo noqday Dalka Kenya,
Amina ilaa carurnimadeedi waxay hooyadeed iyo xunbaha kale ee roorkooda kala shaqayn jirtay ganacsiga balaadhan, iyadoo markay yarayd ahad gabadh ad u karti iyo maskax badan, balse nasiib daro Amina 1998 ayay laba gabadhood oy dhashay kaga dhinteen shil baabuur, shilkas kadib waxay Amina Reerkodu kula taliyen inay dalka Uganda kusoo qadato wakhti nasasha si ay murugta isku dhafiso, markay cabar joogtay ayey amini xirfadeed ganacsi kaga faaidaysatay inay ka bilawdo dalkan Uganda, halkaaso imika ka tahay dadka ugu lacagta badan.
Amina iyo Madaxweyne Museveni, Uganda (ka koofiyada Xidhan)
Amini wa gabadh ku jirta dada 40 ee cimrigeeda, Amina waxay leeday Sadex caruura oo imika unool, laba gabdhod iyo hal wiil, Waxay hore usoo kala tageen laba nin, balse waxay ad mashqul ugu taha maamulka iyo kobcinta Xooleheeda, Amini 2008 sideed wuxu madaxweyne Museveni gudoonsiyey shahadaa gabadhi ganacsatadaha ahayd ee ugu malgashiga badana dalka ugana, iyado ka dhistay Shoppingi ugu wayna magalada Kampala, Amini wakhtigan waxay kalinta 6 kaga jirta dadka ugu lacagta badan dalka Uganda.
Iridaha hore oo Oasis ShopingMall
Amina qof ad u shaqo badan, aaminsan in shaqo iyo karti laysku dhaafay, inta badan marka la dhaqanto waxan odhanaysa mala yadu waxoono xoola male, markad aragto siday u shaqaynayso iyo siday diyaarka ugu tahay in nolosheeda u horu mariso, dhanka kale waa gabadh kulul canan badan inta badana kacsan oo Nerve ah, waa qof jecel inay wax walba iyadu qabato, ma jecla in wax lo sheego ama ay ku dhagaysato balse wa inad si wacan udhagaysata, Amina dhaqanka dadka rer Uganda oo Tuugnimada iyo Khiyamadu ku badantay aya ku reebay Kalsooni daro, iyo inay cid walba ka shakido, mana jirto cid ay ku kalsoontay oon ahayn Hooyadeed iyo walashadeed iyada ka yar.
Parkinkga Dusha ee Mall oo Gawadhidi Macamishu Tagantay.
Amina dhinaca kale waa qof Deeq siyada Somalida ad ugu roon, inta badan gacan qabata qofkii dhib u sheegta, shaqaaleheeda inta badan haday wax lasoo darsan jecel inay ka caawiso, Amina oo mid kamida ganacsata Somalida ugu badan u shaqayso ee dalkan Uganda kunool.
Mustafe
Wednesday, 25 April 2012
Sunday, 22 April 2012
MA RABTA GUUL, ISKU DAY INAAD SAMAYSO ....?
Guushu waa shay qofkasta raadinayo, waa shayga aan dhamanteen ka midaysanay, waa waxa ka soo hor jeeda guul darada, waa shayga Alle wayna oo xume ka nasahaanye ugu baqay dhaman bani-aadamka isagoo sabab uga dhigay raacitanka Wadada uu jeexay, waa shayga ka shaykaynteedu fududay balse xaqiijinteedu aaad u dhibadantay, waa dhufsane yaraha ka dhaxeeya Adamaha dhamaanti, waana waxa qofkastoo inaga midi subax kasta ugu kalaho qabashada shaqo cayiman, tasu aminsan yahay inay waxun ku kordhinayso meshu ku socodo ha yarado ama ha bate..
Guushu waa wax laysku dayey in inbadan la ogaado, ama la helo dariiq loo maro, balse intanan guda galin sida loo guulaysto aan horta eegno su'aal munisba, Waa Maxay Guushu? Su'aashani maaha mid si toosa looga jawaabi karo, inkastoo laysku dayey in inbadan laga jawaabo hadana wali lama hayo qof sheegan kara inuu hayo dariiq toosa oo loo maro guusha, waa markan ka hadlayno nolosha iyo halgankeda, inago kuxisabtamayna dhaman dadka kunol adunka nockastoy yihin iyo waxkastoy aminsan yihiin, balse Islam ahaan waxan qirsanay in Alle Dariiqisu yahay ka qudhe inagu haga Libanta Adun iyo ta Akhiro, hadana markay timado libanta Adun ma jiro hab 1, 2, 3 ah oo quranku yidhi racaa, balse waxa la hoos dhigay qofkasta iyo xikmadiisa nololed, wana sirta nolosha.
Waxan tusale uso qadan karna Sunada iyo Quranka in dad badani ku libanan dariiqyo kala duwan, sida, kuwo naftooda kuwayey Dagal, kuwo Bisad ama Ay ay wax siyen ku helay waxan ilna arag dhanga maqal, qalbi bina adana kuso dhicin, halka kuwo 99 qof qudha dhafiyeyna ay kubiran dadka nolosha faa'izay, iyado dhanka kala ay jiran kuwo walidkod lagu hor googooyey iyana naftoda khatar la galiyey si loga rebo waxay gusha u arkayen, halka kuwo kale lahayen anu ka tagi kari mayo halku abahay maray, sidana ku halagsamen.
waxan arimaha uso qadanaya in Guushu tahay wax kakan, oo noocyo badan, laguna kala aragti duwan yahay sida lo radinayo, balse sikastoo meel kala duwan laga raadiyo waxa loo jeeda haday Guul tahay maxsuulku inta badan wa isku mid, ama wuu isku dhawshaw yahay, balse hadan in yar indhaha kor u qadano soona hoos galin qormaden dadka oo dhan, Guushu maha wax Cilmi badhid lagu shegay, ama wax sida Culumta qaar l tijabiyey oo lagu najaxay (waxan ujeda sida lo gulaysto), balse wa wax ninba meel la maray, taasina wata u sababta in dad yar oo kooban loo nisbeeeyo, halka inta badan dadku kooxda yar ka sheekeeyan.
Iyadoo lagaduulayo wadciga noocas ayaa dad badan isku dayeen inay qeexan, balse nasiib daro waxay soo jeediyeen oo qudha siday iyagu u arkayeen ama u mareen dariiqooda guusha, taaso hadii lays idhaa raaca ay suuro gal tahay in la gadho ama lagu guul daraysto, si kastooy tahay maadamo guushu tahay wax loo bahan yahay hadaba waxa laysku raacay arimo dhawra inay sabab u noqdan in qofku guulaysto ama qofki arimahan raca gadho guusha, waloo qofkasta duruf gaara ku jiro hadana waxa la arka inuu gaadho halku kusocodo ama isago ku qanacsan garawshana helay noloshu u samixi waydo.
Arimahas muhimka aya waxa kamida dhawrkan arin oo biyo kama dhibcan u ah Guusha iyo Himilada qofkasta:
Waxan inta kusoo afmeeraya maqaalka aan kudul istagnay Guusha iyo sida guusha loo gaadho, fadlan wixii Faala kaga tag xaga hoose ee Maqaal, waxan so dhawaynaya wixi wayo aragnimo aad na dheertay,
Barud

- Aragti Sugan, qofkasto yaqan halku kusocodo wuxu 50% gadhay hadafkisa
- Karti iyo Awood dheerada, horayso iyo danbayso, Akhiro iyo Adun, qofkasta wuxu goosta wuxu beerto, qofksta wuxu hela wuxu shaqaysto, qof shaqeyey 12 sac iyo mid shaqayey 6 sac isku meel ma gaadhan,
- Daacadnimo iyo Amaano, qofkasto labadan waya wuxu kow ka yahay cadawga naftisa, waxanu noloshisa u horseeda burbur iyo magac xumo.
- Waji Furnan iyo Niyad Wanag, ogow guriga waxa laga gal albabka, qofkana wajiga, Guushadu waxay ku xidhantay kolba sidad uga faa'idaysato deeganka kugu xeran, deganka kugu xerana waxa ugu muhimsan dadka kula nool, dadkana waxa lagu kasbada waji furnan iyo niyad saman.
- Geesinimo iyo Dhiiranan, guul iyo dariiq fog wa matano, dariiq fog iyo hagardamoyina wa is huran yihiin, qofkasto raba inu gadho mel fog wa inu awoda inu dadka ku qanciyo halku ku socdo iyo inuu si taxadar le ugu babac dhiga waxkasto isku daya inu ka hor istago himiladas.
- Samir iyo Xiiso galin: ha ilabin Samra sadkii hela, Ogow waxa samir lagu helo orad laguma hele, ha ilabin guusha ma gaadho qof niyad jab badani, ama dadka niyad jabiya, wa inad barada sida naftada lo dhiiri galiyo dadkana loogu dhiri galiyo waxa fican.
- Tilmaamsi iyo Hogansanansho: qofkasta wuxu u bahan yahay cidi ku daydo, wa inad hesha cid gadhay waxad rabto si ad ugu dayato una racdo wayo aragnimadisi, dhanka kalena wa inad noqota qof ku tagan wuxu go'aansado, labaclabacnimadu wa dariiqa guul darada ha ilabin!
- Ka faaidaynta Fursadaha: Xasusnow Erayga rer galbedka, Malinkasta Maha Axad, iyago ujeeda malinkasta adu ma lihid, ama Mahmada Carbeed Malina ada le Malinta Qayrka, wa inad taqan sida markaga Rikoodhaha loo dhaliyo.
Waxan inta kusoo afmeeraya maqaalka aan kudul istagnay Guusha iyo sida guusha loo gaadho, fadlan wixii Faala kaga tag xaga hoose ee Maqaal, waxan so dhawaynaya wixi wayo aragnimo aad na dheertay,
Barud
Wednesday, 18 April 2012
MAALIN AAN KU QAATAY BEACH KA ENTEBBE!
Nancy, Metthew iyo Vyette.
Waxan goobti balanta gaaadhanay wakhti ku suman sedexdii iyo dheerad, marka laga reebo Music dabeecada u ah dadka reer Uganda oo aad u dalacnaa kadib intan ku guda jirnay Safarka wax dhiba maanan arag, lakin waxa Xusid Mudan darawalkii Gadhiga Miss Nancy oo ahayd gabadh sheeko badan, kaftan iyo ilaq yahan ahayd inay kobla eray kaftana igu soo tuuraysay, iyadoo barbardhigaysa bilicda iyo deganka quruxda badan ee dalkeeda, kuwi an ka imi.
Markan gaadhanay Iridii Beach markiba waxay indhahaygu qabten Halyeygi iyo Halgamaagi reer South Africa ee Mandelle, oo sawr wayn eridaha hore u saaran yahay, waxan jeclaystay inan sawrkan xususta la galo.
Cabar kadib waxan bilawnay in qofkasta dheelo wixi u fiican, waxan igu soo dhacday inan dabaasho balse malinta waxa qudhee i seegay wuxu ahaa dabaal , cabaar kadib midkasta wuxu bilabay inu iska saaro Cuntada culus een cunay, waxan bilaabnay inan ciyaarno qofkasta wixi uu yaqaan.
Okurut, Nancy iyo Vyette.
cabaaar markaan baashalnay waxan bilabnay inaan kusoo guryo noqono xagaa iyo Kampala,
waxan aad ugu mahad celinaya ardayda aan isku class ka nahay, oo runti si heersara iila dhaqma madamoon ani ahay ardayga kaliyee Ajaanibka, gaar ahaana Somaliga, Mahad gaara waxan u jeedinaya Saxibkay Okurut oo runti si fican iigu gacan qabtay nolosha iyo waxbarashada Jamacada .
Saxibkii iyo Miskiin Ina Barud.
Sunday, 15 April 2012
MADAXWEYNE ANIGA I WAYDII XALKA DHULBAHANTE!!
Tan
iyo maalintii xilka loo dhariyey madaxweyne Silanyo, wax maamulkisa la kowsaday
qas iyo muran siyasadeed dhaliyey gacan ka hadal gaystay khasare isku jira naf
iyo mood, murankan ayaa salka ku haya Beelo kamida deeganka S.land oo iyagu ku
andacoonaya inanayn la dhacsanayn gooni isku taag iyo ka madaxbanaanida qaybaha
kale ee Somaliya.
Beelahan
ayay ugu wayn yihiin beesha Dhulbahante, oo degan ahaan degan gobolka Sool, oo
ah gobol ka qatan dhaman hananka iyo adeegyada Dawladeed, taasooy ugu
wacantay fadhi la’aan siyaasadeed oo soo
jitamaysay tan iyo maalinti lagu dhawaqay dawladnimada S.land
Masiirka
siyasadeed ee beeshan ayad ahayd mid u dhaxaysa maamulada P.land iyo S.land oo
aqon yahanka iyo wax garadka beeshu midba dhan u sacaba tumayey, isagoo
eeganayey hadba kooda bursiga badan, balse waxad moda in arinta so gaba
gaboowday bilawgi sanadkan kadib markii beeshu ku tashatay inay ka madax
bananato dhaman siyaasada dhinacyada ka xiga.
Qabsoomida
shirkii khatumo aya labada mamul ee Silanyo iyo Faroole ku noqday laf dhuun
gashay isago masulkasta sidiisa xal u mooday qabsoomida shirkas iyadoy barbar
socoto oganshaha iyo ka warqabka waxa kasoo bixi doona shirka oo labadooda
mamul midna dani igu jirin, balse siyasadood u ee kaatay laba daran mid dooro.
Wixi
malinta ka danbeeyey waxa gabi ahaanba waji cusub yeelatay siyaasadii beel
waynta Dhulbahante, taaso si toosa u mujisay cadaawada wax kastoo ka so horjeda
maamulkoda Khatumo, una aragta wax kasto ka dhana fara galin iyo dandaansi Isireed,
taso beelo kale ku raban inay ku qabsadan kuna gumaystan maatidoda iyo
dhulkooda,
Madaxweyne
Silanyo iyo dhigisa Farole aya midba wixi inta ka danbeyey raacay waji
siyasadeed cusub, isago Faroole xal ku gaadhay inu dawado halkay caga dhigato
siyasada dhulbahante oo doorkan Seefi
kasoo horeysa, halka Silanyo door biday isbarbar wadka cudud Cidan iyo baaqyo Nabadeed,
kuwaaso ila imika u eeg hal bacaad lagu lisa, ama siyasad aan wakhtigedi joogin
lana jaan qaadi karin isbadalada shaxda siyasadeed ee ay dhigayan Dr. Galaydh iyo
inaderki Dr. Xasan Ciise.
Ugu
danbaynti hadi Madaxwaynu i way din laha xalkan waxan si fudud ugu so jedin
laha rimahan:
1-
Ciidamada
in laga soo qaado deganka dhulbahante,
2-
Xubnaha
dhulbahante u matala S.land in loo
diro rer tolkod awood buxdana lo siyo ka
tashi masirkoda siyasaded
3-
Dhaman
wixi tagero dhaqale, siyasaded iyo dawladnimana laga jaro,iyado loola dhaqmayo
sidi mamul gaara.
4-
In
dhulbahante si tosa loogu shego inay maanta wixi kadanbeya xor yihin xagay
racayan, haday so labtana ay leyin wixi codkodu uso xareyo, balse anay jiri
donin nasnujin iyo kolkolin danbe
Hadi
arimahan la sameyo waxa ka dhalanaya in dhulbahante dareemo:
1-
Inu Dhulbahante
reer waqooyi yahay, oo dhaqan ahan, siyasad ahan, dhaqale ahan iyo
nolol ahanba wadagan Isaaq.
2-
In
Majeerten waxba isku darsan karin, waligodna ku heshin karin maamul goboled,
intay mamul raci lahayena udhanto dawladnimada S/land
3-
In
Dhulbahante aanu haysan meel u maro Marexan iyo Hawyi, oo iyagu fahan ahan uga
dhaw Marjerten
4-
In
Dhulbahante gobol ahan anay isku filnan karin xag siyasaded iyo mid dhaqale
tona, Ogsona in degankodu yahay lama dagan Dhibicda Robka kuxidhan.
Arimahahi
waxay mustaqbalka dhaw ku qasbayan Dhulbahante inuu ogolaado saxan siyasadeedka
S.land, isagoo wixi dhacayna shacabka S.land ugu macnayn doona muujinta cududa
iyo kalinta dhulbahante ugu jiro S.land.
Wednesday, 11 April 2012
HOGAMIYAYASHA SOMALIYED MIDKASTE WAXAN KA BARTAY...?
DHAMAN WAXAN IDINKU SALAMAYA SALANTA ISLAMKA.
Qormadan maanta oo ah mid ad u xiso badan waxan ku eegaya Casharada aan ka bartay dhamaan hogaamiyayasha geyiga Somaalidu degto intaa ka aqaan, gaar ahaan Siyaasiyiinta magaca iyo awooda ku le Somalida dhexdooda.
laga so bilaabo wakhtigii calanka laga tagaay Ciida Somalida, waxa awooda sare qabtay shakhsiyaad siyaabo kala duwan taarikhdu uga warantay, kuwaason oon ka xusi karno Abihi Kacanka Somaliyed, Marxum Maxamed Siyad Bare, Abihi Dawladnimada S.land Marxum Maxamed Xaji Ibrahim Cigal, Madaxweynihi u horeyey e S.land Marxuum Abdirahman Axmed Ali, Madaxweyne u horeyey e dawlada Federalka ku meelgadhka Somalia, Marxum Abdilahi Yusuf Ahmed, Madaxeyne Dahir Riyale Kahin, Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamoud Silanyo, Madaxweyne Sh.Shareif Sh.Ahmed, Madaxweyne Ismacil Cumar Gele, iyo dhaman Hogamiyayaasha kale een laso koobi karin.
Dhamaan Madaxdan nasibka u heshay inay ku fadhistan kursiga ugu sareeya ayay tarikhdu midkasta si gaara u xustay, iyadoo laga yaabo in deegan ahaan iyo aragti ahaan lagu kala duwanaado shakhsiyada hogamiye kaste, hadana waxan muran ka taagnayn in midkasta soo qaatay ayaamo cirbo iyo cashar badan laga koradhsanyo, ayaamahas oo ku xardhanaan doona buugta taarikhda inta lagu jiro nolosha aduun.
Hadaan is gaara u dul istaago shakhsi ahaan carashada aan ka qaatay hogamiye kaste, iyo raadka laga yaabo inuu Hogamiye kasta kaga tago himiladayda Siyasaded, Ugu horeyn Alle ha u naxariste Macalinkayga siyaasada Marxuum Cigaal, waxan si dheer ula dhacay siduu u ixtirami jiray dadka saamaynta ku le rayul caamka, haday noqoto Saladin, Cuqal, Ganacsato, Culimo iyo dadka radka kaga tagaya bulshada, inta badan uu saxib uga dhigan jiray, isago isku dari jiray Aman, Gacmo furnan, iyo Madaxbuuxin, dhanka kale Marxum Abdilahi Yusuf alle ha unaxariste aya macalin iigu ah dhanka mayal adkatan iyo Hiigsiga, isagoo aha gomiye ku sifobay go'an adayg iyo u daacad ahaansho balwadiisa siyaasadeed, gaar ahaan markay timado inuu wax walba ka horeysiiyo sidu u gadhi laha mansabka u sareeya dalka, kasu aakhirkii u rumooday kadib mudo dhawr iyo sadon ah.
Isaga Madaxweyne Riyaal waxan ad ugu ixtirama dhaqankiisa wacan ee dhagaysiga, isagoo ah hogamiye ku sifoobay inuu dhagaysto qofkasto u taga,wuxu dono ha ku hadle, inta badana go'aan qaadashada iyo dhagaysigu way kala duwan yihin, tasanu Mudane Riyale ad u fahansana, wuxu Alle siyiiyey awood dhagaysi o ah dabeecad inta badan ku ray siyaasinta iyo dadka mansabyada sare qabta, Xaga Marxum Abdiraxman Tuur Ale ha u naxariste,waxaan ka majiirto hibada Go'aan qaadasho isago alle inta badan wafajin jiray go'aanada fican, caana ku ahaa maskaxbadnaa iyo fikir xeel dheeri isukuna dayi jiray inuu inbadan ka fikiro wuxu samayn doono ama talabadu qadi dono.
Markay timado Sh.Shariif waxan ad u majiirta niyad wanaagisii, isagoo kalinta kobad kaga jira xaga filashada wacan (Optimist), wuxu inta badan caan ku yahay inu mustaqbalka ku eego indho cagaaran, iyo inuu adeegsado erayada naxaliga iyo hurgufta siyaasadeed ku yaryihiin, alle na hibo u siyaye xulashada erayada macmacan, Isaga Ismacil Cumar Gele, waxan ad uga hela siduu ula jaanqaado siyasada calamka isago inta badand ku shaqeeya Eeg saxibtinimadeena Balse ha eegin cidan la saxibayo, oo ah mabda inta badan ku yar hogamiyayasha dunida sadexad, wa hogamiyaha qudha ee Somaliyed ee is isku mida ula jaanqada Siyasada calamka, wuxu xidhiidh fican la sameeyey qudaha kala duwan ee jira manta, Thanx ad bu ugaga wacan yaha dhaman inta kale Xaga arimaha dabada.
Isaga Odaygi Ina Siyad alle ha u naxariste, waxan ad u jecla siduu dadka u gubaabin jiray, isagoo ad ugu wacana hawl galinta dad waynaha taas u suura galisay inuu dhiso cudud aad u awood badan mido ad u yar, iyo isagoo caan ku ahaa xaqiraada Cadawgiisa dibada, inta badan wuxu ahaa hogaamiye han wayn kaaso jecel inuu maamulkisu ka talo bixiyo arimaha caalamiga, waxay doonto awoodisu ha ahaate, aadna u xaqira dawladaha jaarka, balse dhaman Siyasinta kale waxay isku wayneeyen awooda dalal tamar ahan ka hoseya ama lamidaba.
Ugu danbaynti Madaxweyne Silanyo waxan ad u majiirta siduu inta badan naftisa uga dheereyo canaanta khaladaadka siyasadeed isago hir galiya hanaanka maamul daajajinta, adna naftisa uga fogeeya sifaha kali talisnimo, inta badan wuxu caan ku yahay hanaanka dhisida Insititutions taaso dhalisa in canantu baahdo,lagana yaabo in khayr badani kaso baxo, dadbana ka hela fursado shaqo, wayo aragnimo iyo xirfadeedba, inkasto dadbadan u yaqanan go'an qadasho xumi balse wa hanan inta badan kena dareenka wax wada lahanshaha.
Waxan jecelay inan ka dherado ee madaxdaasi caanka ku ahayd wa Maqaal madaxbanaan inshala mar danbe ayan ka hadli doona.
Saxibkin
Barud,

Sunday, 8 April 2012
NOLOSHAYD CARURNIMO SIDAY U SAMAYSAY NOLOSHAYDA MAANTA?
Aakhirkii sideetamaadkii ayan ku dhashay guri ka kooban
dhawr qol oo ku yaal dhanka bari ee Magaalada Hargaysa, oo wakhtiga aha guryaha kooban ee dhagaxa ee ka dhisan guud ahan xaafada, ano nasib u helay inan ka dhasho qoys wakhtiga kujiray dabaqada dhexe ee nolosha nagu xeeran, Gaar ahaan gurigu wuxu ku yaal agagaarka
Hotelkii Caanka ahaa ee Baar Waraabe, iyo Dugisaga Hose dhexe ee Sheekh Yusuf
Al-kawnayn, oo aan ku dhamaystay Waxbarashadaydii Dugisaga Dhexe.
Wakhtigan waxay ku beegnayd xili kala guur, oo guud
ahaan wixi laysku odhan jiray Somalia marayso marxaladeedi ugu liidatay, ama
ayaamihi u danbeeyey ee wakhtigii Taliska Maxamed Siyad Barre (Alle Ha u
Naxariste), sida darted wuxu gud ahaanba
ahaa mid aniga iyo dhalinta
facayga dhaxalsiyey dhibaatoyin cawaaqib xumo iyo uur kutalayn ku reebtay
nololshoda Mustaqbal.
Inta badan nolosha qofka bini aadamka waxa ugu qimo
badan wakhtiga kori taankisa jidhed iyo maskaxeed, taaso samayn wayn ku
yeelata hab fikir nololeedkiisa mustaqbal, tani aya keentay in inta badan
jiilkii wakhtiga ahaa ku jaha wareeran Halganadii Xoraynta Dalka, Dagaaladii
sokeeye iyo Siyaasadiihi laga dhexlay Kacaankii oo intuba si Xun u taabtay
guud ahan bulshada gaar ahaana dhalintii wakhtiyadaas dhalatay..
Hadaan si gaara ujeeda maqalka ugu so dhawaado, cabaar
markii an jiray waxa dhacay burburki Dawladi Somalia. Oo aanan nasib u yelan inan dhadhamiyo ayamehedi
iskugu jiray xanunka iyo cagarka ee xukinki Ina Siyad Bare, balse taa badalkeda
waxan mudo sanada kusoo qaatay xeryaha Qaxoontiga kilirka Shanad, mudo yar kadib
waxan usoo labanay gurigi an ka cararnay, oon u qalmin goob nololeed.Waxba may ahaten hadii inta ku eegtey, dhawr sano
kadib, markay noloshi rabtay inay sided kuso noqoto kana soo kabato dhawacas,
wax mar labad dib loogu noqday Xeryihii Qoxontiga, balse markan wan ka duwan
marki hore, madamon aha qof daremaya nolosha iyo dhibta mesha taal, wax kasta
waxay ku noqoden bilaw, noloshu waxay iskugu so ururtay, maxa so kordhay, maxa
la cuna iyo ya manta wax noqday ama dhinta, rajadu ad bay u yarayd,
Nasib daro
waxa markan diriraya wa dad wada dhashay, wa dad haba yarate aan loogu garabayn dagaalkasta
noocu doono ha ahaade. Mudo ayay nagu qaadatay inan kaso kabano godki madoba
ee nololoshu mar labad ku dhacday, waxan si tartib tartiba u bilawnay dib u
dhiska seeski nololeed, waxan dib u qaatay buugi, ano ku biiray Ardaydii
Macahadka Cumar Binu Khadab, mudo kooban kadib waxa Alle ha u naxariste isaga
iyo dhaman walidkeenbe Geeriyooday Aabo oo mudo xanun culus la jiifay, arintay
waxay culuys kusii kordhaysay hab korintan nololeedkaygi la dala dhacayey
durufihii adkaa een guud ahan la qabay dhalinta Dalka. gaar ahaan dadki ku jiray dabaqada dhexe iskaba dhaaf kuwi dabaqada hoose ee bulshada.
Geeridu wa xaq, balse waxan ka Xumay inan wakhtigu isiin
inan aabahay u shekaysano sidii laba nin oo is dhalay, wakhtigi la oofsaday oon
wali kuray ahaa darted, balse waxan ad ugu mahad naqaya Walaalahay oo iyagu isku
wajibiyey inay kalinta ii biuxiyan, dadaalkodina an ka hadhin ila aan noqday nin
noloshisa kafala qadi kara. Nasib markan u yeshay inan waxbarashadaydi heerka koobad ee jamacadeed ku qaato Jamacada Hargaysa, mudo afar sano kadiba waxay dhaman barayashaydi isku raacen inan diyar u nahay qaabilada nolosha qalafsan ee dalka taal, guud ahaan majiran shaqoyin si fudud u soo kabaya halganki dheera ee nololed, ama si tosa u damanad qaadaya gacan siinta dhawrka qoys ee si tosa ama si dadban u hoos iminaya maamulka arday kastoo kubiira suuqa tirada yar ee shaqoyinka.
Wa run malinkasto nolosha kusoo marta waxay raad kaga
tagta maskaxdaada, maskaxdaaduna waxay jaan goysa dariiqa dhisitan ee noloshada
fog, arimahaso dhani waxay dhalinti u qaybiyeen koox quusata nafahoodana ku halaaga tahriib, kuwa kale oo balwad iyo dawashada ciyaaraha maskaxdooda kaga suuxiya su'alaha faraha badan ee maalinlaha, iyo koox kooban oo go'aansatay ogolaanshaha iyo badalida nolosha deeganta qalafsan ee nasiibka iyo caqli daradu siisay,
isagoo Alle wayna uu xume kanashane ino balan qaaday in maalmaha adag kadanbayn doona kuwo wacani, hadana waxa inagu waajiba inan shaqayno in kabadan intay shaqeeyan dhalinta faceena, balse ku nool haykal degan oo kaabaya dadaalkooda, iyo inaan samayn dariqa qudhe laysku waafaqsan yahay inuu guusha keeno rabitanka Alle gadaashi, dariiqasi oo ah Shaqo Adag iyo Hawl karnimo.
Miskiin iyo Saxib Culus
Mustafe Barud
Tuesday, 3 April 2012
MAXA ISKAGA KEEN QASAY XUKUMAD IYO QARAN!?
Maqaalkaygii hore waxan si toosa ugu tibaaxay fashilka Maamulka Madaxweyne Silaanyo ee Gobolada Bari, kaason si cad ugu tibaaxay in arintaasi tahay shaqo ay ka gaabiyeen Shacabka iyo Golayaasha Qaranka, sida cadna keensanaysa Maamus ka xayuubin iyo Xil iska Casilid markay timado Aduunka Xorta ama kudhaqma Sharciga iyo Axdiga ay u dhaarten!
Sikastaba ha ahate maanta aan eegno farqiga u dhaxeeya Xukumad iyo Qaran, oo inta badan aad moodo inay iskaga keen dhex jiran, adoo marar badan maqlaya Qaranka S.land iyado loo jeego Xukumada S.land, ama Xukumada S.land iyadoo loo danleeyey in la tibaaxo Qaranka Somaliland.
Qaran waa wax ka sal balaadhan Xukumad, Qaran waa waxa inaga dhexeeya, iskuna keen haya, Qaran waa Dhulka, Cirka, Bada, Khayradka, Calanka, Heesaha, Lacagta, Astamaha, Axadiga (Dusturka), Luuqada, Magaca, Dhaqanka iyo Diinta ay wadaaaga bulsho ama Tiro Cayiman oo dadi, kuwaso loo Aqoonsan yahay Caalami ahaan ama Beesha Caalamka inteeda badani u taqan lahanshahoda, (waxa suura gala in aan loo aqonsan balse iyagu isla qaaten, una xarbiyayaan in loo aqonsado, Sida S.land, Taiwan iyo wixi lamida).
Halka Xukumada ka tahay, Koox tiro yar oo isku xil saartay ama loo xilsaaray inay Qaran kasta ku hagaan Ahdaaf Mucayina, kuwaaso salka ku haya, Inay ka difacana Khatarkasta oo soo wajihi karta ( Gaajo, Jahli, Cudur, Masiboyin ama si kooban waxkastoo khatar ku aha Gudo iyo Dibadba), una horeseedan Badhaadhe iyo Barwaaqo ay ku naalodan Dadka, Xoolaha, Duur joogta iyo Deeganka hoos Imaada Maamulkooda, Inta badan siyaabo kala duwan ayay kooxahani ku imaadan awooda, Sida Doorasho Xora, Inqilab ama Awood, Kacdoon ama Gadood, Dhaxaltoyo ama Baqortoyo, Sida Caadiga kooxdani intay xilka haynasyo waxay ku xidhantay hadba sharciga Qarankaasi ilsa Qaatay ama ku dhaqmo.
Inagoo ka duulayna Qodobadan aan so xusnay Dalkena (Qarankena) S.land waxan Axdigeena ku Cadaynay inu ka madaxbanan yahay Somalia, kana kooban yahay inta u dhaxaysa Sool, Sanag, Togdher, Saxil, Marodi iyo Awdal, wixi inta ku dhex nool ama ku dhex sugan ay ku abtirasadan S.aland, Mudada 21 sano ah ee u jiray Qarankani waxa soo maray Afar Xukumadood ooy kala Hogaminaye Alle ha u naxariste C.raxman Tur, M.X.I Cigal, Dahir Riyale iyo Madaxweyne Silanyo oo hada isagu kadhawaden ka ah, isagoo 26 June, 2010 mudo Shan sana loo doortay Xafiska.
Arintani waxay keensanaysa in Xukumad kasta Masul ka tahay wixii sharaf dhac ku keenaya Qaranka iyo Axdigaa S.land, oo si cad u dhigaya Madaxbanaanida iyo Karamada S land, arintaaso ah mid aan cidna lagala gorgortami karin, cidkastoo ka hortimaadana Cadaw ku tahay dhaman dadka iyo dalka, Xukumad kastoo isku dayda inay kala xajoogto wax ku lidiya jirteenka S.land ay tahay mid ku kacday Khiyaamo Qaran, Danbina ka gashay Dadka, Dalka iyo Axdigaba.
Mustafe Barud
Political Analyst

Sunday, 1 April 2012
SHACABKU MUXU UGA JAWABI WAYEY FASHILKA XUKUMADA EE GOBOLADA BARI
Tan iyo malinti la doortay xukumada cusub 2010, waxa sI isku mida ino soo gadhayey warar ukala socoda dhanka wacan iyo dhanka xun, Markaad eegto dhanta wacan waxay Xukumada cusub ku dhaqaqday arimo aad iyo ad loo taban karo, kuwaso laga xusi karo Waxbarashada lacag la'anta, Kordhinta Misaniyada Dalka, Ogolanshaha Xisibiyada Badan (Inkasto arintani dodeda leday, balse balanqad ay xukumadu kaso baxday weye), Kordhinta Mushaharoyinka qaarka mida Shaqalaha Qaranka, iyo ugu danbayntii Siyasada Arimaha Dibada oo waji cusub yelatay (inkasto habka lo maray ad logu kala duwanan karo).
Balse wararka lfiican ka sokoow waxaan iyana indhaha laga qarsan karin khaladaadka iyo maamul xumada hafisay Xukumada cusub, kuwaason ka xusi karno Shaqaqada Bariga, Xadhiga Masuliyinta aan Makaxamdi Ogolan, Wareegtoyinka Madaxtoyada ee kusabsan Xil ka qadid iyo isku shandhayn o si tosa ku tusaya ka firsi la'anta Magacabida Marka hore, Samaysanka Maamulada Didan Dawladnimada, Baabinta Golayaashi Qaranka iyado laga duwayo habkodi shaqo ee sixida ahayd, iyo kootaynta Ilaha dhaqaale ee dalka.
Hadaan si gaara Maqalkan ugu dul istagno arinta Bariga, ood meel iska dhigto arimaha kale een soo xusnay, waxad mood in xukumada cusub aad uga gaabisay wax ka qabashada dhacdooyinka xanuunka badan ee Goboloda Bariga, waxa laga yaaba in aad is waydiiyso maxay xukumadu samayn lahayd, balse Muwaadin waxaad ogaata in arimo badani ino kala cadadan, kuwaso ay tahay wax an gorgortan galin karno oo ku dhisan Sharciyada Qaranka iyo kuwa Caalamkaba. sida
1- Dawlad kasta iyadoo masuul ka ah ilaalinta iyo joogtaynta xuduudeheeda dhuleed (kay sheegato inay hoos imaadan maamulked).
2- Dawladna Caalamka Gorgortan ma galiso Sharciyadeeda Dawladnimo oo ku fadhida (dhul cayiman, Shacab iyo shaciyada awoded)
2- Axdiga Qaramada Midoobey wuxu si cad u qeexaya xaqa ay Dawlad kastaa u leeday difaacida dhulkeeda iyo shacabkeeda, waxkasto awoodeeda kana difaacdo waxkasto dhib ku ah, iyado u maraysa sifa kasto wafaqsan xeerarka caalamka.
3- isla Axdiga Qaramada modoobay wuxuu dawlad kasta xaq u siinaya baabinta Cadweega melkastu ku sugan yahay wixi awoodeeda (Tas aya kentay Cidamada shisheye Afghan, Ciraq iyo wixi lamida)
4- Goolayasha Sharci dajintu waxay u xilsaran yiin kusugida dawlad kasta Fulinta Qodobada Asasiga ee dawladnimo (sugida Aminga, Dhuled, Dadeed iyo Deganeedba).
Inago ka duulayna Mabaadida Calamiga, si wafiyaha uga warqaban Dusteerkeena iyo xeerarkenu siday Xukumada ugu wajibinaya ilaalinta xududeeda, waxay si toosa kugu cadaynaya ku fashilka Xukumadu ku fashilantay wajibka Distuuriga, iyado ku kacday dhaman arimahan.
1- Ogolaanshaha Qabsomida Shir ka dhana Qaran nimada S.land (Xukumada iyo Qofkasta wuxu ka dharagsana Ujedoyinki shirki Khatumo)
2-Hadal galinta Qadiyada Madax bananida S.land (Xukumadu waxay markasta ku baqaysay inay la hadlayso Dad si cad u diidanay Gooni isku taga Qaranka).
3- Xukumadu Marna may fulin Wax ka badan hadal ay ka tidha warbahinta (Madaxweynuhu intii jeer uu sameeyey Isku shandhaynta Marna kuma soo darin wixi lo hanka wayna, dhelitirka Beelaha, gar ahan Kuwa Bari).
4- Weerarada Sida joogtada ugu socoda Ciidanka Qaranka ( Arintan oo sumcad xumada kadib, niyad jab ku ah cidanka, shacabka iyo Besha Calamka oon ka ibin jirnay Nabad, dhanka kalena Dhiiri galin sinaysa dhinaca kale)
Dhaman arimahani waxay si cad kuugu muujinayan Fashilka Xukmadeena mid siyasadeed iyo Ciidanba, iyadoo malinkasta Ciidanka Qaranka si toosa loogu soo weerarayo Degano ka tirsan Dalka,
Ugu danbaynti xukumadu waa inay latimaada Siyaasad Cad ooy si dhakhsa wax uga qabanasyo Shaqaaqoyinka Maalinlaha ee gobolada bariga ama si cad u qirata Fashilkeeda iscasilaadna ku dhawaaqda sida ugu dhakhsaha badan.
Hadi arinta dhici waydo waxa Goolayasha Sharcidi Dajinta Qaranka u banan inay si dagdaga ugu yedhan Madaxda Qaranka iyagoo wax loga waydiyo wixi loo xilsaartay (Balse waxa nasib daro ah inan maanta Goolayal awooda fulin kara jirin iyago si tosa ugu milmay Xukumada), Hadii taasi dhacdana hawshani waxay si tosa uugu taal shacabka inay darenkoda ku mujiyan Banan baxayo si toosa dawlada dusha looga saarayo Ceebta ka socota Bari, laguna khasbayo isbadalo la taban karo.
Mustafe Barud
Political Analayst.
Uganda Kampala

Subscribe to:
Posts (Atom)