Wednesday, 28 May 2014
Horaan idiinku Sheegay, Ee waydaan iga Qaadanayn.
Kal hore ayaan Doodayda hortiina ka dhiibtay in anniga, Jacaylka, iyo Siyaasadu faro baas isku hayno, labadaba iskuma wacnin, mana kala maarano, Kama kaaftoomo, iyana ima Gafaan, dhanka Jacaylka waxaan Dareen weyn ka qabaa in Saaxiibkay Ilyas Caanteynle Kiis ka dhan ah xaquuqdiisa igaga Wado Maxkamadii la geeyey Janankii Reer Boosinya-Sebiyaa Mr. Miloodajif, Ma Garan karo in Saaxiibkay Ahmed Nour Guruje uu Xeer jabab ii heli karo, iyo in Xeerarkiisa Dalku i fardaamin karo, balse baxar ayaan ku jiraa, Dhanka Siyaasadana Wuxuunba igu leh, Kacaankaad ka dheeraysay, oo Ragg-badan oo aanu saaxib nahay ayaa wax i dareensiiyey, Qaarkoodna Si Diplomaasiyad ku jirto ayay iigu digeen, aniga se Labadauba waa Yeelkooda, Ma Waxaan xadhig ahayn ayaan ku danbaynaa, xataa hadii laygu helo kiis, Soo ina Cabdi Gaboobe-ba maanta Jeel kagama jiro, Dawladii uu UDUB uga Hiilyey, Waar Jacayl iyo Siyaasad midna abaal ma leh, Labadubba waxay wadaagan Xeerka "Geedoow hadaan Midho kugu Arkana kaa Goostay, Hadii kale........!
Yaan ku fogaane, ilayn Qormooyinka Dhaadheer waad necebtiine, oo siyaasad Xumadaa ina dhaxalsiisay nolol adayga iyo Dulqaad yaraantee, Waxaan habeenada ahaa laba qof, Nuska hore waxaan ahaa Siyaasi Ruug cadaaya, oo waxaan shacabkeena la wadaagayey Dareenka wajiyada badan ee 18 May, Faduumo Siciid waxaan kala oo aayaayey Shaashadaha, Reer Caabud waaqna si dareen ku jiro ayaan ula Qoslaayey, Odayga (Siilaanyo), Iyo Marwadisana Khadra Daahir iyo Sahra Axmed ayaan kula sacabinaayey Aqalkiisa, Diplomaasiga Cirro-na Qolyeheena Qurbe joogta Reer Yurubu ayaan Qosol iyo warwar la'aan lahaa Hambalyo, Saaxiibkay Muuse Biixiina Suldaan Maxamed C.qaadir ayaan uga Hiiliyo waxaan lahaa, Suldaan Dhaqanka ku Eekoow, oo Dimiqraadiyada ha Bikir Jabin,
Nuska danbe se, Xaalkaygu gabi ahaanba wuu ka dheera sidaas, Waxaan jiifka ku yaboohinaayey, Midii Dhaaraaraha Badan laydha i cabsiisyey, Yartii Awrkayga Ratigga ka dhigtay, Midii Haween idilkood Tidhi aniguun igu eekoow, Yaa Salaam ilayn markaad kaligaa Xasuus mirad tahay, Waa darartaa, sidii Geel daran maalintii oo dhan Daaqaayey, Ma Garanayo waxa laydha jacayl igu mir kiciyey, ma 18 May iyo kacaan is dhaafinbaa, Ma Gu'ga curtay iyo Caashaqa Caadadiiba, ma Ciyaar Siyaasadeedka Muuse iyo Siilaanyaa, Mise Waa waraysigii Xiisaha Badnaa ee Saaxiibkay Jamal Ali Hussein siiyey Horn Cable TV, Waxay noqotaba Odaygii miskiinka haa wuxu kaligii Uunkoo hurda Fariimihiisa jawaabtooda ka fiirfiirinaayey Aaladaha tirada badan, Ma Twitter-ka, Mise waa Yahoo, mooji; malaa waa Hotmail-ka, mise FB aduunka koobay, miday noqotaba waxaad iga gaadhsiisan, Iyadi ; "Halkaad iga Xigtaabay Dhaxintu iga haysaa Abaayo".
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment