Wasiirka inaad wax ka qorta, oo waliba si Cilmiyeysan u Eegtaa arin sahlan maaha, Waayo Isaga laftiisaan Nin Fudud ahayn, Waa Wasiir siyaabo badan wax looga tilmaami karo, Bal hadana aan yara dul istaagno aragtida Shacabka ee Wasiirka iyo Yuhuunta Dawladnimo (Statehood.Institutinalism), Qolyaha Aadka ula dhacsani waxay Wasiirka ku tilmaamaan Wasiirka Kaliya, Waxay ku doodaan inuu yahay Wiilka Sanadka, iyagoo xujaysanaya Kaalintiisa hor-muudnimo ee hawl kasta oo la qabto, laga Bilaabo Wadooyinka ilaa Soo Xaraynta Garaadada Mayalka Adag ee Reer Laas Canood, Tan waxa u maraga Shaadooyika Tirada badan ee Gudo iyo Dibada Wasiirka lagu Gudoonsiiyey, Tan badalkeeda Qolyo ka dhaw kuwaa hore, waxay ku tilmaamaan Wasiir dadaal badan, kaaso faraj u noqday Xukuumada Kulmiye, Isaga la'aantiina aanay waxba ka kala socdeen, arintan waxay u daliishadaan Jaha wareerka Maamule ee Dawlada uu Udub dhexdaadka ka yahay, Taaso Dhibaatooyinka Dabiiciga ay u dheertay kuwa ay iyadu Dalbanayso, Waxay farta ku fiiqan inuu isagu yahay Ceeb asture, oo Firfircoonidiisa iyo Kaalintiisa ay ugu wacantahay Wax dhaama oo aan jirin, Taasina ay libin u tahay Xukuumada Afar Jirsatay.
Halka Qaar Bidixda Fogii, ay ku tilmaamaan Inkaar iyo Masiibo Alle usoo diray Madaxweyne Siilaanyo, Kasoo ka hor istaagay Aqoontii, Waayo Aragnimadii iyo Asxaabtii Mudada Dheer, kuwaaso Talo iyo aqoonba kusoo kordhin lahaa Saaxiibkooda HE Siilaanyo, ee ku jaho wareersan Siyaasada Beelaysan ee Dalkan yar ee Saboolnimada iyo Aqoonsi la'aantu isku raacday, Qolyahani waxay soo Qaataan kala Dheeraanshaha Madaxweynaha iyo Ragii ay nolosha soo wada Qaateen, laga soo Bilaabo Ardaynimadiisii, Xukuumadii Kacaanka, Jabhadii SNM ilaa Xiligiisi Mucaaradnimo, Iyago kusoo hal qabsada Wasiir Da'a yaraanta, aqoon darada, iyo Waayo Aragnimo la'aanta ay u dheertahay Awooda dheeraadkaa ee uu helay, Awoodaaso sida ay ku timi Dood badan ka jirto, Tana ay badalkeedu noqday Ana way kan, iyo Kaligii Wax aqoon.
Sida ay noqotaba, aan idinka idiin dhaafo ka aad Xoojinaysaan, oo aan dawladnimada iyo Shakhsinimada hoos u eegno, Dawladnimadu Waa hanaan iyo Xeerar qeexan oo ay bulsho ku heeshiiso, kuwasoo Awoodooda Tasaruf mudo cayiman u xilsaarato Ciday dan u aragto, Hanaanakni ma yaqaan Qof, Qabiil iyo Koox toona, balse wuxu ku fadhiya Xafiis, Xisaanad iyo Gacan sharci oo xadidan, Wasiirku wuxu la awood yahay Xilka uu hayo, gaar ahaan Mudada loo garto, Tan ayaa keentay Baahida Wasiiro Tiro ahaan iyo Tayo ahaanba kala jaajaad ah, Waa is dhamays tir Aqooneed, Xirfadeed iyo Maskaxeed, Min Caafimaad ilaa Xiddigis, Dawlada Xilkaste Qof-ba uga wakiiila, Balse "hadana Way kan", iyo "Anaa Karti badan ee Ii banee", Waa shuqulkii Afrikaanka ee Nin jeclaysi, Dawlad xumaan, Awood gaara oo madmadaw ku jiro, Masiirkeeduna waa Dawlad la'aan, ama Saboolnimo iyo Muran Joogto ah, Tana waxa kaaga maraga Dawladii kacaanka iyo Fikirkii shakhsiyaadka awooda badnaa, Muwaadin Intuu Shakhsi ka ixtiraam badan yahay Dawladnimada ha sugin inaan kob cagaar leh kasoo durdurino.
Mustafe Baroud Abdi
Columnist.
barud04@hotmail.com.
No comments:
Post a Comment