Friday, 4 January 2013

MAXAA ILA GUDBOON: AYAAMIHI TAGAY IYO MAANTA MAXAY WADAGAN TALOW!

Mudo haatan laga joogo afar sano iyo dheerada (2008) ayey ku beegnayd markii dhaman asxaabtaydii u dabaal dageeyeen guushi ay kasoo hoyeen waxbarashadoodi Jamacadeed, wakhtigaas ooy soo afmeeren Afar sanoo Buug, Qalin, Akhris iyo Imtixaan  ay u ban baxeen. Taa badalkeeda anu uma faraxsanayn siday inta badan ahaayen asxaabtii kale, gaar ahaan kuwii iigu dhadhawaaa, inta badan Asxaabtu waxay xooga saareen inay maalintaas  kusoo gaba gabeeyan farxad, labis fiican iyo tahnniyada ay la wadaagan Eheladooda, Ardayda,  Asxaabta iyo Macalimiinti wax soo bartay, balse anu taas macno badan iima lahayn, Talow waayo?

Inta badan anu waxan ku mashquulsana maxa xigi doona, xagee talo ku biyo shuban doonta, waxan ka dhigna nin kusoo beegmay wado isgoys afar haada, meeshu kusocdana aan si toosa u saxayn, waxan ayamaha la darsay Fikir xeel dheer, waxan kala doorasho ugu jiray waxan subaxa kaa xiga ku dhaqaaqi doono mar hadii Jamacadi soo afmeerantay, Alle halku maray ayay martee, Shaqoba waxay shaqo ii dhiibto, waxan waayaha kal duwan la kulaalo Asxaabta, Qoyska iyo guud ahaan Dhalinta qaranka, waxan kusoo afmeermay inan kamid noqdo Ardayda Jamacada wayn ee Makerere ka diyaariya Madada Siyasada iyo Xidhidhka Duwalka, Weger waa muxu ku falay Ma dal loo bartan joogna!

Ayaamuhu waa qayb kamida Aayadaha Allow isaga mooye cidkale kama amar qaatane, Maanta waxay taagantay halkay maalinta taagnayd, Arin wuxu maraya Talow Maxa Xig, Talow maxay dhali, Talow Ya lala saaxibi, waa bini aadam iyo dabeeciiye, wax maanta la saxna aya bari la tuurle, Mudanihii shalayna waa Mucaaridka Maanta, gudtii iyo gunaanadkii Maanta waxay maalintaa kaga duwantay dhawrkan arimod.

Maanta waxan si toosa ugu tafa xadayn doona u shaqaynta Qaranka iyo Qoyskisa, (Shacabka), waxan isku dayi doona inan is waydiiyo Su'aashi "  HA WAYDIIN DALKAAGA WUXU KU QABAN KARO EE IS WAYDII WAXAD U QABAN KARTO",  maanta waxan ahay Dr. hadii Gabose iyo dhigiisu barteen Qofka buka Astamihiisa markay arkan nooca xanuunka haya, deedna ay la tacaalan inay siiyan dawooyinkii Tirtiri laha ama ugu yaraan dhimi laha xanuunka uu ka cabanayo bukuhu, anu waxan laba sano kusoo bartay Nooca Dawlada Dadkeeda meel gaadhsisa, waxan si toosa u soo bartay Sababta Maraykan iyo Somaliya u yihin laba dawladood oo sharci ahan siman balse nolol ahan, awood ahan iyo dhadhan ahanba u kala fog, waxan jawab uhelay sababta Asxaabtaydu iskugu biimeeyen Badaha waawayn iyago haysta waxay cunan, caban, xidhan ama nolosha Asaasiga.

Arintani waa farqigau dhexeeya Mustafaha Maanta iyo kii shalay, maanta wuxu sita Magac ka baladhan naftiisa, ka reerkooda, qoyskiisa, qabillkisa, balse ku eeg Magaca Qarankisa iyo wixi u lugo ku wato, maanta waxa u siman wiilka Saylac iyo ka Saraar, waayo wuxu ogsoon yahay inay isku baahi qaban!

Waxan ad iyo aad u salamaya dhaman asxaabta qaaliga meelkastoy joogan!