Thursday, 23 February 2012

Erayadii Dahabka Ahaa Ee Hooyo Macaan!


Waxa laga jooga in ka badan 500 oo cisho markii igu danbaysa wajigan ugu jeclay daawashadiisa, wajiga hooyo  Sahra Aw Ismacil, Sahra Cadee!

Waxan u so jihaysana safarkaygan wali qabyadaa ee dalka Uganda, waxay igu qaadatay hawl adag inan ku qanciyo inaan safarkan galo, iyadoo xasuusan dhibta iyo mashqada taal dhul aanay ii joogin qofka aan ku beernay beerkeeda (Hooyo Macan!)
Laakin waan ku qasbanay inan ku qanciyo, waliba sida ugu dhaw uguna fudud, maskaxdeedana uga saaro sawrada aan fiicnayn ee dhex mushaxaya,  waa hawl adag, waan inan hooyo u sheega waxkasta oo jira. Waayo Hooyo amarkeeda cidi ma diidi karto, waa in la helo si fudud oo logu sharaxo sababta dhabta ee safarka, waa in loo xaqiijiya inan dhalinyara nimo jirin, balse dani kujirto, waliba dan aan shakhsi ahayn balse mid caama.

Hooyo doodeedu waa caday, waayo wakhtigan waxan ka shaqeeya mid kamida shirkada ugu sumcada fican dalka (Telsom), waxan ahay nin sida boqorka loogu adeego, nasiibna u helay in dhaman baahiyisa gaarka ay kormeere ka tahay hooyo  270 cisho aan qudanayey dhiga iyo dheecanada muhimka ee jidhkeeda, waana waxan laga heli dooni goob kalo adunka.
Waxba yaan ku dheeran mudnanata iyo qimaha Hooyo leede, ugu danbayntii waxan xili danbe oo habenkiya (11:00pm), nasib u helay inan lakulmo iyadoo fadhida kabada guriga, wan huba inay aniga isugayso, wayo darenkaygu wuxu aha mid kacsan, aadna u mashqulsana wiigagii u danbeyey, Hooyana inay  arinta ogato  ayay hurdeedi u dhaftay.

Hooyo maxa xiligan kuso jediyey iyo wan iska fadhiyey markan is dhafsanay, ayan u arkay fursad an hooyo ugu sharaxo qorshahayga cusub, balse anigu sidan u go’aansaday inan ka dheerado qof naftiisa iga jecel , waxkaste hore looga maah maahe, xaalkaygu wa Nimaad dhashay kuma dhalin.
Maanan ku odhan dhawr jeer xiligan ha socon, yaan lagu diline, aya dhanka hooyo igaga yimi, maha wax cusub dhaman nolosheda waxay u hurtay daryeelka qayrkeeda, wana hoyo iyo cadadeed, hooyo  meel fog ma joogin ayan  ugu jawabay.

Waxan guda galay waxay aadka u sugaysay, waxan u bilabay sharax dheer oo ku saabsan qorshahayga safar, wixi karankayga aha wan u sharaxay, balse wad qiyasi karta hooyo wiilkedi safar qurbaa tagayo, waxan wadaba ugu danbaynti way ku qanacday, waliba si niyad saman ah.
Hooyo horta Alle ha kuu fududeyo, wax ku dhibana Alle kuma tuso ayay ku bilawday, waxan u bixiyey erayadii dahabka ahaa, kuwason ku xifdiyey meel ad u adag.

Hooyo waxay bilawday dardarankeedi qaaliga aha “ Hooyo Mustafow waxa laga yaba inayna dib isu arag, oo ilahay aya wax maqan og, dhamanten ma garanayno waxa dhici bari, Hooyo hadiba ay dhacdo inan is arki wayno mar labad, waxad yeesha: Diinta iyo Cibaadada Alle ogoow, Dumarka iska jir, Waayo sir naagod si ay kugu siran ayay u badantay, Balwada iyo Qaadka ka dheerow, nin qaad cunay qayrkii ka hadh, Riximka iyo Qaraabada ogoow,Qofkasta wuxu mel dhigto ayu kaso qaataye Hooyo Lexejeclada ha ilabin, Dadku adinkaga iyo afkaga ha ka amaan helo, Meshad ku noshay waliga xili hore u carab, Hooyo waalidka ducada u ogoow(Aabo), xaqbadan ayu kugu leeye, hadiiba aad reer samaysato Hooyo gabadhaada xaqeeda iska ilaali, ilaa ad Reerkaga hore ku filnato, Mid kale ha u haqal taagin, Mustafoow hooyo ducan isku ognee, dantada raaca, oo ina rag wa baratamaya yaan laga dheerayn, aniga akhriyo iyo adunba waxa wax wayn ii ah inankaygii oo magac iyo maamus yeshay,!”
Hooyo alle cimriga ha  u dheeraye, wali waxan nahay saxibo gaara, wali macaan gooyuhu nama kala kaxayn (wadka), Hooyo imika waxay nolosheedi maalinlaha ahayd kuqaadata gurigeeda oo kuyaal badhtamaha xaafada New Hargaysa, iyadoo marba carurtay ayayda u tahay midba mar 40 ka saarta.

Hooyo iyo dhaman walidkeen waxan ilaahay uga baryaya inuu ku sooro janooyinkisa waawayn, nabigiisi subanana (CSW) daris uga dhigo, hadaan sikaste u dadaalno wanaageeda gudim mayne, Amin Amin Amin.!!






No comments:

Post a Comment