Saxib ugu
horeyn aan idinka raali galiyo waxoga dib u dhaca oo ku yimi qormooyinkeeni
Horu socod, safaro iyo socodalo isdaba joogay dartod.
Qormadan
manta aan ku dul istagno Xidhiidhka “Togan-Taban” ee dhex mara lamanaha go’aansada inay
noloshoda wada qaatan inta ka hadhsan ayamahooda aduun, iskana kashadan
mawjadaha nolosha ee caanka ku ah sal la’aanta, soona saaraan jiilka
Mustaqbalka cusub wixi alle uga qadaro, ugu danbayntiina noqdan dunta isku
haysa dhinacayada kala duwan ee ay kasoo
kala jeedan.
Maalinta ay
labada iscalmaday bulshada ku xeeran la wadagan badhadhaha guurkooda kadib waxa
midkasta dhiniciisa u fuula culays nafsaaniya, wuxu midkasta isku diyariya inu
kasoo baxo wajibadka culus ee fuulay iyo inuu si xilkasnimo le u helo
xuquuqdisa ugu wajibtay ka kale.
Marka laga
imado quruxda guriga, farxada, rayn-raynta iyo dareenka dheer ee farxada
gudbinaya ee lamane kasta u dirayan bulshada inteda kale si ay utusan inay
yihin laba isdoortay, waxa midkasta madixisa sida bir labta ku dhagta inu buuxiyey
balanqaad yadii tirada badnaa ee wakhtigii shukaansiga: Ad iyo Ad ayan ku
jeclay, Indhahayga ayad tahay, waligay ka dheran mayo, Naftan kula wadagaya,
dhib iyo dhef inan kala qaybsadan diyar u ahay, iyo erayada lamida.
Saxibkayow
wan ogay in Alle ino aburay ad adayg badan si aan uga soo baxno masuliyada
badan ee dusha ino saran, in alle inagu karameyey hogaminta nolosha qoysnimo,
qaranimo iyo bulshaba, in Alle unug kasto inaga mida ka badalay ka haweenka,
hadana waxa lagama marmaana inan ku dadaalno kobcinta iyo barbarinta xidhiidhka
jacayl ee Lamahana nolosha inala wadaga.
Saxib
arintani mahaa qaali marka laga eego dhanka qiimeheda lacaged, balse waa adayg marka laga eego dhanka fulinta, nooca
abuur ee alle ino sameyey o culays ku ah awadeed, balse isku day inaad samayso
arimahan si aad u kasbato jacaylka dhabta ee xaaskaaga taa badalkeedana u hesho
adeega u sareeya ee naagi siiso ninkeeda:
1. Amaan!, Amaan!, Amaan!, ha saxib qofkasta wuxu jeclayey inu maqlo
isago laga sheegayo wanag, Adamaha Alla ku abuuray amaan jacaylka, Duulkuna wa
u nugulyihiin inay maqlan iyado Ninkeedu ku leeyey, Quruxay, Caday, Mashala wad
Nuuraysa Maanta/Caawa, Talow ma jirta Gabadh ka quruxbadan. Inteena badani
waxan ku bakhaylna erayadan noocan ah, deed waxan wayna Adeegan xaq u lahayn.
2. Dhagayso! Dhagayso! Dhagayso!, sxb
ha wa iga dhab, waxa la ogaday in dumarku 1000 eray odhan kara inta inagu 1
odhan karno, taas waxay kushegaysa awooday u leeyin inay sheekeeyan, isku day
inad dhagaysato, kana gurto, una hal celiso, si ay u darento in sheekadedu
macno ku leeday, waayo qofku ma jecla
inu la hadlo maqane jooga,
3. Isbar inad caawiso wakhtiga ad
furaqa leeday, gaar ahaan wakhtigay ugu bahida badantay, sida Markay Xaamilada
tahay, Foosha, Carurta badan, Xanuunsanayo, ku jirto Xaaladaha garka ee
hawenimo, ay haystan culays qoyskeeda, wakhtigan inta badan dumarku waxay
imitixan ku mariyan ragooda, iska jir inad ku dhacdo.
4. Sii wakhti aad la Dheesho, Suuqa
kala so adegto, lasoo booqato Ehelkeeda, Asxaabteeda, Sxb abuurka dumarka waxa kamida Faanka, iyo mano
sheegashada qayrkood, Marka sii fursad ay qayrkeed ugu faanto, uguna shekayso
asxabteeda. “Aniga iyo xaajigoo......”
5. Ka fogoow wixi shaki galin kara,
guud ahan dumarku waxay u nugul yihiin xaalad abuurnimada, waxay shaki iyo
buufis badan kaqaban in haba yarate cidkale kula weheliso bixinta adeega
haweenimo ee Saygeeda, Marka saxib iska
jiri inad kalsonided u dhawacdo si fudud, inad afka ku badiso magac anay
kalsoni ku qabin, inad ku diido cuntoyinka, isgaliso mashqul badan, soo
caraabto xili danbe, kana dhaxdo xafadaada si an sabab cad lahayn,
6. Isbar dhaqanka wax bixinta, Abuurka
habenka waxa caan ku ah qarash badnaanta, ka ragana lexe-jeclada, marka sxb is
bar dhaqanka wax bixinta, maaha inta waajibka, balse dhaqan ka dhigo inad
Xaaskaga usii iibiso Dharka, Udugga, Agabka-qurinta, Macmaanka iyo cuntoyinka
fudud, Wayo dumarku waxay kalsooni buuxda ku qaatana waxay ka helan ragooda,
waxanay kor u qaata heerka jacayl ee qalbigeda.
7. Ugu danbaytnii Bar naftaada dhaqanka
sheeko wadaagta Xaaskaga, isku day inad uga sheekayso dhacdooyinki
maalintaada, ha yaraysan arintan, waayo
Xaaskagu waxay maalintedo dhan ku qaadatay inay adiga kusii diyariso Cunto,
Cabitan, Meel ad ku nasato iyo Bilicinta Nafteda, Ubadkeda, iyo Gurigeda,
Markaa adna hakala bakhaylin inad la wadaagto dhacdooyinki maalintada, kana
saarto daalki iyo Xiiso daradin shaqada joogtada ee Gurigeeda.
Sxb
arimahani iyo kuwo kalo badani waxay kor u qaadayan jacaylka guryeheena, waxay
abuurayan jawi dagan, xasil, mudana in lagu nasto, waxay ina ilawsinayan daalka
iy tacabka inaga soo gaadha raadinta kabayasha dhaqale ee guryeheena.
Sxb wa
hubal in hadii aad gabadhada siiso jacayl iyo kalsooni ay kugu abaal gudayso
mid ka qaalisan, kuu noqonayso qofka qudhe naftada darensiya macanka iyo dhadhanka
jacaylka dhabta, sida darted naftada bar inad ogato waxyabaha sida gaarka u
xiiso galiya Xaaskaga, inad badhaso dhaqanada ad adag, baratana kuwa dhibirsan.
Wixi aan ka
tagay waxan soo dhawaynaya in laygu kordhiyo, wixi aan qaldayna in laysaxo.
No comments:
Post a Comment