Thursday, 12 September 2013

Dardaaran Ku-aadan Walaashay iyo Hablaha-faceeda!


Walal Horta habmalyo noloshaada cusub Alle-ha kaaga dhigo Guri Barwaaqo iyo mid aad ku nasato inta noloshaada kaaga dhiman, Saygaagana Midkii aad noloshada ku riyoon jirtay inshala, Walal Xikmadu maaha wixi shalay dhacay iyo Ragii madasha ku kulmay, Duunyadi laka Qaatay, Mana aha Halkaad Dagayso, Nooca guriga ama Gaadhiga uu ku siin doono, balse Ujeedadu waa Inaad ka baxday noloshii Innan-nimo una Digo-rogatay Marwo, Xaas iyo Hooyo-nimo isku diyaarin inshala, Walal Seedigay Wuxu yaqaan Magacaaga iyo Qosykeena, Midabkaaga iyo Sidaad u labisato, Waxaan Rabaa inaad Barto Naag-nimadaa, Farshaxankii aad kusoo ababtay, Dhigaalnimo iyo Dhaqaalayn, Gaarinimo iyo Urursanaan, Dhaga-nugayl iyo Dabacsanaan, Jajab-naan iyo Farxaanimo, Adkaysi iyo Samir, Asturnaan iyo Baydhsanaan, Naagnimo iyo Saaxibtinimo, Sidaaso qudhaa lagu maamuli karna Qalaba Ina-ragg.

Walal Hadaan in badan ku nidhi Ha-bixin, Yaad-la-hadlaysa, Xagaad-aadaysa, Maxaad-xidhantahay iyo erayo lamida, nagamay ahayn Colaad, Cabudhin iyo Awood-sheegasho ee waxaan rabnay inaan Adoo boqorada kugu wareejino Saygaaga aad soo xulato sida maanta dhacday, Waxaan kaaga aqoon badnayn Ina-rag iyo siduu halista ugu yahay Hablaha adoo kale ah, "Baadi iyo Ninkii le, Waa u Aragti", walal Ragu waa Ugaadhsato Duur-joog ah, Habluhuna waa Ugaadh, Haday Cidla ka helaan, Dil, Qabo iyo Cun mooye Xeerkooda kuma jirto Dhawrid iyo Ilaalin, Walal sidaad u jeceshay inaan Reerka keeno Dumar fiican ayaan u jecelnay inaan Gurya kale iyo Seediyaashay Siino Hablo Dhawr san, Si Codka iyo Magaca Reerkeenuba u dhisnaado.

Walal waxaan ku leeyey Dardaarankii Hooyadii Carbeed ku tidhi gabadheeda, markii laga soo doontay " U-noqo Adoon, Ha-kuu noqdo Sayide, U-noqo Hooyo, Ha-kuu Noqdo Aabee", Walal hadaad wax saluugto, Samir, Dulqaad iyo Karti Muuji, oo la tasho cidaad aqoon bidayso, gaar ahaan walalaha, intaanad talaabo qaadin, Waayo Aduunka Wax-burburinta ayaa ka Fudud Dhisida, Hadii walal Gurigeena aan wax ku wada cuni jirnay, imik Kaga martaan ku noqonaya, Diinta, Dhaqanka iyo Nolosha ayaa marti iga dhigaysa, Balse Ogoow hadaad Shalay Dahab ahayd, Maanta waxaad tahay Dheeman, waxaad xushmad ka leeday Laba-guri, Laba-ardaa iyo Laba-nololood, Waxaa tahay Biriish ee noqo mid adag oo ayaatiin le inshala.

No comments:

Post a Comment