Tuesday, 21 February 2012

Noloshaydii Saxibtinimo ma Sidan ayay ku dhamatay?



Saxib waa eray qaata macnayaal badan, waa eray u tagaan xidhiidhka u dhaxeeya laba qof, darajada u saraysa waa saxibtinimada u dhaxaysa labada qof ee nolosha wadaaga, tan u hoosaysana waa ta dhex marta laba qof oo si kalsoniya isku bartay, kadibna dabeecad ahaan isla jaan qaaday, kuwaso wadagay daren iyo duruufo gaara, ilaa wakhti kala geeyey.

Saxibku waa shay aad u mihima, waa wax aan sina looga maarmin, waa wax astaan u ah awood yaranta Aadamaha, Alle mooye ma jirto cid ka maaranta Rafiiq, waxa ina tusaya ahmiyadiisa in Alle Wayna oo xume ka Nasahnaye ku daray Maalka iyo Ubadka, markuu ka hadalayey dhibta maalinta Qiyamaha.

Diinteena suuban aya kaalin muhima siisay saxibka iyo saamaynta uu kuleeyey xayndaabka nolosha  qofka, Rasulki Suubanana (CSW), wuxu tusale u sooqaatay Cadar le iyo kaboole, isago tusalaynayna kaalinta ay ku kala jiran Xasibka xun iyo ka wacani, iyo sidu midkasta samayn toosa ugu leeyey nolosha qofka.

Murti badan aya ku soo aroortay saaxibka, murtidaas oo laga helo inta badan luuqadaha caalamka, erayga laftiisanu macne ahaan wuxu u taagan yahay dhawansho,  taasoo macneheedu yahay qofka inta badan dadka kale kaaga dhaw ama aad jeceshay inuu wax ka ogaado arimaha kuu gaarka.

Kasokoow araarta guud, noloshayda saxibtinimo ayaa ah mid xiiseheeda gaarka le, laga soo bilaabo ila maalintan raad qaaday ila manta tirada shakhsiyadka noloshayda saaminta kule  kor ayay u cosdeen, iyadoo kasoo kala galaya goobo iyo marxalado kala duduwan.

Nasiib wanaag waxa shabakada saxibaday xiisaha gaarka uyeelay ayay ugu wayntay qoyska aan kaso joodo oo baladhan, gabi ahaantina ah dad magaalo ku kora, kuwasoo ku xidhan dadyaw kala duwan, caana ka ahaa deegankaan ku kornay.

Laakin maalin kastoo noloshayda Idhaaftaba waxad mooda inaan kasii iba furamaya dareenkii macana ee saxibtinimo, waxan habeenba habeenku ka danbeeyo kasii furmaya ashkhaas qiima gaara noloshayda ku le, anoo kuwa cusubna kusoo dhawaynaya noloshayda si aan iswaydiin lahayn.

Waxad mooda in mudoyinki u danbeeyey ay noloshayda gadhwadeen ka ahayd dan, taaso marba meel u jeedinaysay ama iyadu jaan gooyn ku samaynysay hadba cidan raacayo ama la saaxibayo.

Arintani waxay toos iigu cadaaday markan raxantii u horeysay ee saxibaday ahaa, kuwason laso qaatay ayamihi carurnimo, midba mar si gaara u macasalameyey, maray u jihaysten waxan u bixiye “Dheemalkii Nolosha”,

Waxa yar kadib ayan iyana nabadeey ku dhaafay lodki labad oo aha kuwan lasoo qaatay noloshi jamacadeed mar aan uso xidhxidhna safarkaygi waxbarasho ee dalka Uganda.

Iskuso wada duubo manta waxa hubaala in qofkasta ku danbaynayo inuu ku mashquulo noloshiisa gaarka, isagoo meel iska dhigaya waxkasto ku qaaliya, iyadu dantiisu u noqon doonta saxib iyo cadaw wada socoda ama midi laba af le.



         




No comments:

Post a Comment