Friday, 30 August 2013

Nasiibka, Calafka iyo Jacaylka Erayo Maanka Seegan.

Goordanbe oo xalay ah ayaan kasoo laabtay Munaasibadii 15-guuradii Mamulka Putland, kadib markaan marti qaad ka helay walashay Ladan Ruun iyo Nuzaiba Naano, Hadiiba aan qolkaygii soo galay waa Actor-ki waynaa ee Govinda oo Oohin la fadhiya kaligi Meel cidla, Hadaan sii fiirshay waxan garwaaqsaday inuu Fillinku yahay filinkii "Naseeb" ee ay la matalays Mamta Kulkarniay, Garoo 10 sano ka hor ayay xasuustaydu dib u noqotay, Caku talo Aduunay, Marka Saboolnimo Gabadh laguugu diido, ee hadana wakhti yar kadib Lacag kuusoo Celin waydo adoo Hodana, Macnahana laguugu sheego in Nasiib Calaf Barkaday sidaa wax yidhi, Nolosheeda ilaali mooye Taada ku raaxayso Waa habeen xalay tagay!

"Naseeb" ama "Pooja House" waa filin qaaliya, Govinda oo saboola aya soo doonaya Jacaylkiisa Mamta, balse Abeheed ayaa ku gacan saydhaya isagoo leh waxaad tahay sabool, Dagaal adag kadib Govinda wuxu soo noqonaya isagoo Xaajiya, balse nasiib dar Mamta waxa Madaxeeda Marsan Rinjigii Gabadhnimo, oo waxay la cawaysa wiil kale Depook, oheey Caku, Govinda wuxu dagan yahay Gurigii ay ku riyoon jirtay Mamta, "Pooja House", Qasri wayn, balse isaga dhankisa wa qiima la'aan oo Mamta ayaa ka maqan, Sawrkeeda ayaa u wehel ah, Xasuustuu nolol ka dhigtay, Daalki iyo Wadadii dheerayd ayuu dib u milicsaday iyo maxsuulka kasoo baxay, deed wuxu u Bixiyey Nasiib inu sidaa wax yidhi, Nolosha aduuna wuxu uga tagay si uu teeda iyo ta ninkeeda u badbaadiyo, aduunki iyo maalkiina wuxuu u hibeeyey Jacaylkii Nasiibku Dardaray!

Aniga shakhsi ahaan filinkan ayaa ii raaca Filimkii ay isku qisada ahaayeen ee "Mann" ee Amiir Khan iyo Manisha Koirala, kasoo Amir u shaqo tagayo, balse wakhtigi balantooda Nasiib kala gaynayo, Manisha oo Caruurtay macalinka u ahayd iyo Saxibkedi hore Anika Poor, ay usii galbinaya goobti balanta, halkaso Amir khan lasii joogo Fayoorihii Jacaylka, balse ma calfan oo halkaasu waa ugu baryayaa habeenkas, kadib Markay Manisha shil baabuur gasho, Cajiib waar kan Jacayl ah dhib badana, marku Calaf iyo Nasiib isku darsado, Aakhirka Manisha waxay go'aan sanaysa inay kaligeed noolato, balse Amir ayaa baadi goob dheer kadib soo helay, Iyado Curyaan ah, kuna nool nolol kali ah, oohin kadib wuxu kula wareegaya Dabka isagoo ilmadu ka da'ayso, Jacayl wax kuma yeelee Faqriga Iska jir Saxiib!

No comments:

Post a Comment