Amina Hirsi waa Gabadh ganacsata dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka S.land balse waxay Amini ku dhalatay Dalka Kenya, Amini waa Maal qabeen ad iyo aad caan uga ah dalka Uganda, waa Mulkiihala Oasis Shoppingmall oo marti galiya Supermarket ugu wayn dalka Uganda ee Nakumat, Nooc kamida guryaha lagu raaxaysto oo loyaqan Labnan Courts, iyo Shirkad kamida ugu wawayn ee ka ganacsada Sibidhka iyo qalabka dhismaha.oo la yidha Kingston Enterprises, sido kale waxay dhismayal wawayn ka wada Duledka Jamacda wayn ee Makerere iyo Wadada adaa dhanka Airport.
Amina iyo Madaxweynaha Zambia Mr Banda.
Amina waxay aqoon ahaan baratay madada Xisaabadka, iyadoo kusoo dhex kortay qoys ganacsiga caan ku ah, ayaa waxa xusid mudan in Hooyadeed Sahra Hirsi Ali, iyana tahay ganacsato aad u wayn oo dalka kiiniya laga yaqan, halka Adeerked Adam Hirsi Ali isna uu xoog haya guud Wasarada Maliyada kasoo noqday Dalka Kenya,
Amina ilaa carurnimadeedi waxay hooyadeed iyo xunbaha kale ee roorkooda kala shaqayn jirtay ganacsiga balaadhan, iyadoo markay yarayd ahad gabadh ad u karti iyo maskax badan, balse nasiib daro Amina 1998 ayay laba gabadhood oy dhashay kaga dhinteen shil baabuur, shilkas kadib waxay Amina Reerkodu kula taliyen inay dalka Uganda kusoo qadato wakhti nasasha si ay murugta isku dhafiso, markay cabar joogtay ayey amini xirfadeed ganacsi kaga faaidaysatay inay ka bilawdo dalkan Uganda, halkaaso imika ka tahay dadka ugu lacagta badan.
Amina iyo Madaxweyne Museveni, Uganda (ka koofiyada Xidhan)
Amini wa gabadh ku jirta dada 40 ee cimrigeeda, Amina waxay leeday Sadex caruura oo imika unool, laba gabdhod iyo hal wiil, Waxay hore usoo kala tageen laba nin, balse waxay ad mashqul ugu taha maamulka iyo kobcinta Xooleheeda, Amini 2008 sideed wuxu madaxweyne Museveni gudoonsiyey shahadaa gabadhi ganacsatadaha ahayd ee ugu malgashiga badana dalka ugana, iyado ka dhistay Shoppingi ugu wayna magalada Kampala, Amini wakhtigan waxay kalinta 6 kaga jirta dadka ugu lacagta badan dalka Uganda.
Iridaha hore oo Oasis ShopingMall
Amina qof ad u shaqo badan, aaminsan in shaqo iyo karti laysku dhaafay, inta badan marka la dhaqanto waxan odhanaysa mala yadu waxoono xoola male, markad aragto siday u shaqaynayso iyo siday diyaarka ugu tahay in nolosheeda u horu mariso, dhanka kale waa gabadh kulul canan badan inta badana kacsan oo Nerve ah, waa qof jecel inay wax walba iyadu qabato, ma jecla in wax lo sheego ama ay ku dhagaysato balse wa inad si wacan udhagaysata, Amina dhaqanka dadka rer Uganda oo Tuugnimada iyo Khiyamadu ku badantay aya ku reebay Kalsooni daro, iyo inay cid walba ka shakido, mana jirto cid ay ku kalsoontay oon ahayn Hooyadeed iyo walashadeed iyada ka yar.
Parkinkga Dusha ee Mall oo Gawadhidi Macamishu Tagantay.
Amina dhinaca kale waa qof Deeq siyada Somalida ad ugu roon, inta badan gacan qabata qofkii dhib u sheegta, shaqaaleheeda inta badan haday wax lasoo darsan jecel inay ka caawiso, Amina oo mid kamida ganacsata Somalida ugu badan u shaqayso ee dalkan Uganda kunool.
Mustafe
No comments:
Post a Comment