Wednesday, 30 April 2014

Maalintaan Reer Hawdka Noqday!


Kal hore mar aan ku sugnaa Magaalada Kampala, ee Dalka Uganda waxa marti iigu yimi Koox War-fidiyeeno ah, kuwaaso hawlo shaqo Kampala usoo gaadhay, kooxdani waxay gaar ahaan ka socodeen Caasimada Somaliya ee Muqdisho, ku darsoo anna waxaan ahaa Qawdhanka qudhee Kampala kaga biiray, dhawr cisho oo shaqo adag ay qabteen kadib, maalintii danbe waxa laysla gaadhay in booqasho loo aado meel indhaha u roon, waxa laysla qaatay,goob loo yaqaan Miyoonyo Biij, oo inta badan wufuudu timaado, Fahanoo Wiilal yaryar ayaa Qorshaha hoosta ka watee, Markii fariintii isoo gaadhay, ee Amintii iyo Goobtii lay cayimay, Waxaan sidii innan Gashaantiya oo Munaasibad aadaysa Cabaar doodnay Shandadii Dharka, labadiii aan Bilic iyo Style bidayey ayaan hor iskaga qoofalay, hareeraha ma fiirine anoo sanka taagayan ayaan tilmaamsaday kooxdii, Waar maxa iga Raacay!

Waa Kooxdii Martida ahayd iyo Qaar yaryar oo Magaalada hore usii joogay oo hoosta kaga naban, Ma arag aqoona uma lihi, Dee isku Shaashadaba ma daawano, Xanta Wasiir Xirsi-na Xataa nama kulmiso, iskaba dhaaf Xeebta Liido iyo Aqalka HE. Ina Sheekh ee Villa Somaliyoo, Waa Duul la haysta Kaka, Cristiano iyo 50 cents, ana Xaalkaygu waa Ninkii Hangoolka loo direy, ee Inba Meel kusoo Arkay", Yaan ku dheeraan dhalintii markiiba waxaanu isku jiidhnay hab labiskii, Hablihiina waxay iga qaateen Sawr qaldan, Hugaygii wuxu bixiyey Sawr sidii nin nool casri laga tagay, Waar ilayn cadho lama dhinto, Igaga darane xataa hadaani sii yara cararihi lahaa, oo Qolkii iyo Shandii dib ugu noqon lahaa, iga walee inaan laga Heleen, waxay sitaa wax u dhigma, Surwaal Car iga Siiba, Shaadh yar oo Kii 9 jirka, Kabo jawaan iyo Harag aan u kala Saari Waayey iyo Muraayado Nooci NAGAAD qaadan jireen u eeg, balse khafiif ah.

Dhegaa, Meesha jacdii iga raacday, dhalinta waxa weheliya Xaaji da'a ahaan ka wayn, balse maskax ahaan si fiican layskula haystoo, inkasto aanu sidooda u labisnayn, hadna sheekadu way iskugu jirtaa, Anigii ayaa lay faquuqay, Midab iyo Luuqad toona maaha, ee Waa labis iyo Sheeko ahaan, Ninka weyni anaga iyo Hablaha isku si ayuu noogu sheekayna, Qosol ayaa jaanta la wadhaya, hadaan is idhaa ku darso, Durbaan mooye kayga wax kale ma moodi, Xataa mala Qosolka Casri ahaa, 4 sacadood oo aan MaqanE jooge ahaa, habilhiina waxay ku celceliyeen "Mustafe Aboowe Hadal Noo, Meesha Baashaal waaye, Ha Shiixin, See Waaye, Ha Ismartiyeen Nooh, Iska Saar Saxmadii Magaalda, Juuqba!, haye, "Kaalay, Adi Miskiin lee, Duqa Uma jeedid, Iska Caadi Waaye, Markaan adkaysan waayey ayaaan ku idhi "Abaayo Ani Reer Hawd ayaan ahaY, Aabahay iyo hooyaday, Baadiye ayuu Jacaylkoodi ka bilaabay, Marka Dacar-nimadaydaa Ii Dhaaf".