Kacdoon Dhalinyaro Waa Lama Huraan Muwaadin!
Ugu horeyn Hambalyo Shacabka Sharafta badan, Marka Xiga aan tacsi uga diro Muwaadiniinta 54 sano kadib, inay wali Garr iyo Garawsho u raadinayaan Xornimadooda iyo Madax-banaanidooda Dhuleed, Waa hora la yidi "Freedom is not Free", waa Run aduunka Xornimaa ugu qiimo badan, Noloshu qiimo ma yeelato hadii Adoonimo iyo Xoriyad la'aan ay la daristo, Balse Muwaadin Xornimada lafteedaa Noocyo badan, iyadaa kala heerar duwan, iyadaa kala Mudnaan horeysa, dharaartii mid kastoo inaga midii aduunka uu yimi Xor ayuu ahaa, Balse Duruufaha nololeed ayaa Ninba meel u gacan galisay, Iyadaa Nin iyo Waagii walaalaysay, Maalinta iyo Habeenka Dunida lababa meel isku raaciyey, 1500 sano ka hor ayuu agoonkii Runta badnaa Jaziirada carbeed ka xoreeyey Ilaahyo Been ahaa, una xoreeyey Midkii iyagoon jirin, wax nool ka dhigay, halka Galbeedka Fog ee America 250 sano ayay Tuureen Heeryadii Guumaystaha, Bariga fog ee Shiinaha 100 sano ku dhawaad ka hor ayay bilaabeen socdaalkoodi dheeraa ee Xoriyada, Malaayiinta reer Masarna Dhawaan ayay ku dhawaaqeen Eraydii caanka noqday ee " Enough is Enough, We Need Freedom".
Nasiib daro Aniga iyo Jiilka nolosha igu weheliya wali maanan odhan Bes, intaasa nagu filan, Waxa iiga sii daran wali garawsho kamaanan helin kii nolosha naga dayriyey, Waxay noo qayb-qaybiyeen Gobol, gobol, Xaafad, Xaafad, Qabiil Qabiil, Koox Koox Diimee, Waxay Aragtiyadii u rogeen cadaawad dhexdayada ah, Waxay naga dhigeen umad liidata, umad aduunka marti ku ah, umad daba socosho xaq u leh, waxay sharaf nooga dhigeen Baasaboor shisheeye, Dalal kumaankum Mayl naga durugsan, Kuwo Diinteen, Luuqadeen iyo Midabkeena Cada u arka, Waxay noo xidheen Muraayad Iyaga quruxsi, Anaggu se markaynu isku fiirno waxaanu aragnaa Gaajo, Tahriib, Qaad, Qabyaalad, Aqoon daro, markaanu hadalnona waxay idhaahdaan waa Reer hebel.
Aaway Caqligii fayoobaa, Aaway Garashadii Suubanad, Aaway awoodii, Kartidii iyo Dhiiranaantii Dhalinyaranimo, Ilaa Goormaan Adoomo u ahaanayna kuwa inoogu liita, Tuugta Xooleheena, Sharafteena iyo Karaamdeena Dhaafsanaya Maalin waxay cunaan, Kuway Waxgarakeeni ku sheegeen Dhiddaro, Daanyeero, Dameero, Dhuuni qaatayaal, Muwaadin u hiil Wiilkaaga, Innantaada 30 sano kadib, Xoree fikirkaaga, Dareen Xaqa kaa maqan, Wadaniyadu Maalin qudha maaha, Kacdoon Fikir Waa lama Huraan, Xasuusnoow Socodka Dheeri, intuu Hal talaabo ka bilaabo, Yes, We Can! Unity is everything, We have same age, same dream, same country, same bad leaderships.why don't we move.