Meelkasto
aduunka wa wax caadiya inad aragto wax u gaara ama ay caan ku tahay kuna
tilmaamantay, hadaba magalaada muqdisho aya kamida meelaha deganada somalida
ugu caansan uguna baaxada wayn.
Hadii aad
tahay qof ku cusub muqdisho wa hubaal inay muqdisho kugu qaabilasyo dareeno
iskugu jira uur kutaalayn iyo rajo nololeeed, kuwaso is barbar socoday mudadii
22 sano ahayd ee ay saaxada caalamka ka maqnayd magalo bari ahaan jirtay
caasimadaha afrika ugu tilmaaman.
Mudo dheer
anoon muqdisho joogay, ayaan isku dayey inan dadka uso bandhigo waxaybo kamida
nolosha muqdisho gar ahan dadka sidaydo kale ku cusub, kuwaso magaceega hawada ka maqli jirey iyadoon wax wanagsan
lagu tilmamayn.
1- Muqdisho iyo cunadeed:
Meelkaste
waxad muqdish ku arkaysa Barafka oo kamida ganacsiyada laga ganacsado, caankana
ay ku tahay muqidsho, Saliid Macsaro ayad iyana la darsaysa, noocayada kala
duwan ee kudarta, macmaanka, ayaa iyana si cadiya noloshada ula jaaraya.
2- Muqdisho iyo habka labiska;
Muqdisho
waxay kugu qaabilaysa Macawso inta badan ragu xidhan yihin, kuwas kamida hab
labiska ugu badan e laga isticmalo magalada, dhanka kabaha ragu waxay ad u
isticmal kabaha dusha furan, dhanka hablaha waxay ku badan yihin indha sharer,
hafaf, iyo dalad, guud ahaan haweenku wa asturan yihin oo wa wax adag inad
aragto qof hawena oo kusocota dirac iyo shalamad sida Harg.
3- Muqidsho iyo Gadiidka:
Muqidsho
wax wax caadiya inad aragto gaadiid gaboobay oo iskugu jira noocyo kala
duduwan, kuwaso kaso hadhay burburki somaliya, Gadiidkan aya qaarkod si layable
u socodan ama ay kugu adkanaysa inad rumaysato waxay indhahagu arkayan, wa
suuro gal in darawalku mel qoraxa fadhiyo kadib marki inti hore gadhigu babaday
ama dhamatay, funny things to believe.
4- Muqdisho iyo hubka:
Muqdisho
oo ahayd caasimada qudhe aduunka bila dawlada adag ahayd 22 sano ayaa
dhaxalsiisay in hubku noqdo wax nolosha kamida, si fudud ayad u arkaysa dhalin
ku hubaysan noocyada kala duwan ee hubka fudud, Gadiidka dagaal ee Tiknikada oo
dhex mushaxaya wadoyinka waywayn ee magalada, Gadiidka Ciidamada shisheeye oo
xaware sarek u gooshaya dadka dhexdooda, kooxaha ku labisan dharka kala
noocnooca, dhaman arimahani waxay caadi ka ag noqoden dadka sida maalinlaha ula
darsay xaaladahan.
5- Muqdisho Isbarooyinka iyo goobaha
layku baadho:
Muqdisho
xaaladeed aman aya sababtay in hotel kasta, iyo dhismo kasto muhima ama cid
koox gaari beegsan karta degantahay la dhigo biraha waawayn iyo shubabka laga
hor tago isbiidaminta, iyo dilalka is qarxinta, Muqdisho waxa yaratay is aminka
sida darted wa caadi in hotel ama dhisme kasta lagu waydiyo cidad rabto si
ficana lagu baadho tin iyo cidh.
6- Muqdisho iyo nolosha qoyska.
Muqdisho
wa iska caadi inad aragto hooyo le dhawr caruura oo kala abe ah, ama nin qaba
dhawr xaas , qaar horena ay kala dhamaden, wa wax iska cadiya in lays furo, ama
gabadho si fudud u noqoto Carmal, arinta aya ad uga duwan harg, oo runti ay
go’an culus tahay in gabadhi noqoto Carmal, tani waxay Rer muqdisho siisay inu
guurka iyo furniinkuba fududadan, arintan oo dhib iyo dheerba le.
7- Muqdisho iyo hab guriyeedkeda;
Muqdisho
oo ahayd caasimada wixi ku hadla afsomali mduo dheer aya dhaxalsiisay inay
noqoto magalada ugu wayn gayiga Somalidu degto, wa wax iska caadiyainad aragto
wadooyin wawayn oo lamida kuwa ay canka ku yihin magaloyinka wawayn ee geska
afrika, inad melkasta ku aragto dhismayaal baxad le oy ka tagtay dawladi
somaliya, gurya Gaydadka waawyn ee filoyinka kuwaso ay ku nolayen madaxdi
dawladi hore,
8- Muqdisho iyo Taloyinka:
Muqdisho
waxay caan ku tahay taalooyin wawayn oo lagu xuso dadki samaynta ku laha
nolosha iyo taarikhda Somalida, waxad daremaysa sidi lo xusi jiray dadki
haldoorka ku aha nolosha umada somaliyed, sida Taloyinki Axmed Gurey, Xaawo
Tako, Dhalintii SYL, Sayidka iyo qar lamida. Dhaman taloyinkani waxay muqdisho dhaxal siinaya
taarikhdeeda qadimka iyo magaca aan ka guurayn eey ka dhaxashay dawladihi lala
danbeeyey.
9- Muqdisho iyo Magacyada Caanka.
Muqdisho
waxay caan ku tahay magacyo macruufa kuwaso, xata cidi aan waliged arag ay
maqashay sawro kala duduwana ka haysato, muqdisho waxay marti galisya Suuqa
labad ee ugu wayn bariga Afrika, Suuqa Bakaraha, waxay ehel u noqotay Gurigi
Ummada, hooygi mawelada iyo madalada, Madaxtoyada Caanka E vila Somaliya,
dhismaha Tarabunka,
10-
Muqdisho
iyo Ganacsiga:
Reer
muqdisho muran kuma jiro inay caan ku yihin ganacsiga iyo hal abuurnimada
ganacsi (enterpreneurship), muqdisho waxay 22 sano ee bila maamulka gaar u
lahayd hibada ganacsi, iyado xarun u ahayd dhaman ganacsigada noocyadiisa kala
duwan, waxay fursad gaara siisay dadki
ku noola inay hadana siiso fursado ganacsi abuurid, taso dhafisay warwarki iyo
murugti maamul la’aanta.
Wixi
an ilabay wad igu soo kordhin kartan
mahad sanidin dhaman.
No comments:
Post a Comment