Friday, 19 October 2012

INAAD OGAATO ABUURKA REER ADAN AYA KACAWIN KARTA INAD KASBATO!


Qormadii hore waxan ku eegnay Doorka ninku ka qaadan karo kobcinta xidhiidhka jacayl ee Xaaskiisa, manta bal aan dul istagno hadii alle idmo Dhanka Reer-Xaawa,

Waxan isku dayeyna inan ka jawabno su’asha adag balse muhimada fog le,  Side u noqon karta Haweenay indho buuxisa Saygeeda?, anoo ogsoon inay tahay su’aal baaxad baladhan hadana aan isku dayno inan ka dhahno wixi alle inaga wafajiyo.

Haweenay kasto aduunka ku nooli waxay Hurdo iyo Soo jeedba ku hamida inay maruun noqoto hooyo, inay maruun Masuul ka noqoto guri ay kasoo toosan Aabe, Caruur iyo Ehel qurux badan, inay Maruun u adeegto si kalsooni kujirto Qoys ay taladisa u danbeya iyadu iska leeday, in marun masuliyadeda lagu majiirto, looguna sacabatumo, balse inyar aya xaqiijisa riyadas, tan aya kutusaysa ahmiyada ay leeday iyo siday ugu bahantay samir, karti, iyo aqoon dherada.

Hadaba walal hadii arintani muhimada leeday, caqliga suubani wuxu keenaya inaad wakhti walba u diyar garawdo sidaad u horu marin lahayd adeega aad u hayso Ninka aad nasiibka u yeelatay inuu Noloshada masuul ka noqdo, carurtadana aabo u noqdo wixi alle idin kala siiyo, kaasod uga soo baxday waxkastood horti jeclayd: Hadaba walashayey isku day inad fahanto Arimahan ado ka duulaya inanad dooran Karin ninka balse ad dooran karto sidada ula dhaqmayso ninka aad calafka la wadaagto. Fadlan isku day:

1-   Dhaqanka Reer Aadan wuu kakan yahay, inta badan waxa u sala adadayg, dagal, iyo feejignan, gabadha Caqliga badani waxay darenta in Abuurkan Alle ujedo kalaha, in Alle ugu talo galay inu Gashan iyada iyo ubadkeda uga noqdo jugta iyo dhacdoyinka nololed, sida darted waxay intu la joogo siisa deegan nabdoon, waxay isku dayda inay tusto in Nafteda, Gurigisa iyo Ubadkisu ay darensaniyihin xilki u hayo.

2-    Hadan nahay dhashii Aadan waxan wakhti badan sina, siday noloshinu noqon doonto mustaqbalka adinka iyo ubadkina, waxan ad uga fikirna waxa dhici dona mustaqbalka, anago ku xisabtamayna inan maalinwalba Cagaar ahayn (Dhib ka dheer), balse nolosha aduun u ban taal lugooyooyinka, sida darte Naagta caqliga badan waxay wakhti dher siisa siday u baran lahayd darenka fog, waxay marwalba soo dhawaysa mustaqbalka kiisa fican, waxay dhagaha ninkeda ugu roonata dhiiri galinta, taagerida ninkeda iyado ka foganaysa niyad jabinta, iyo ididiilo xumaanta.

3-   Reer Aadan inta badan waxay xiiseyen in dhibta loo sheego, inti wakhti badan lagu lumin laha dhibtu waxay keentay (Boogtan eegna intan Mililka wakhti sin lahayn), Gabadha fiican inta badan waxay barata sida ugu fican uguna kooban ay farinteda ku gaadhsin lahayd dhagaha Saygeeda, waxay la eegata Wakhti, Goob, Xaalad iyo Sida ugu fican ey u gudbin karto, waxay dhawr jeer si tijabisa, dhadhamisa, dadka ugu dhawna kala tashata farinta ay rabto inay ka ansixisato, gaar ahaan arimaha samayn kara kalsonida Boqorka Guriga.

4-   Reer-Adan waxa ku abuuran laabraaca, waxa noloshada ka qayba tijabinta, iyo ka warkenida, Gabadha insha dheeri waxay buuxisa Goldaloolyinka nagu dhiiri galinkarta inan khadka cagaran dhafno, inta badan waxay wakhti badan siisa Quruxinta nafteda, gurigeda iyo ubadkeda wixi alle siyey, Waxay taqan waxa sida garka u xiiso galiya Xaajiga, waxay xarifad ku tahay sida layskula badalo wajiyada iyo dharaaraha isabadalaya, Dacartana logu kiciyo Atooraha.

5-   Ina Rag wuxu jecel yahay lahanshaha, iyo laab u buuxinta, wuxu inta badan ku faana Tirada, iyo Tayada maamulkisa hoos imada, wuxu nafis ku darema inuu daremo in armarkisu yahay ka ay hawsha gurigu ku socota, Gabadha Caqliga badani waxay talada maamul ee gurigeda u nisbaysa Saygeeda, waxay ugu yaran tusta in waxkasta u socodan sidu rabay, Hadi ay jiran tagero nocay doonto ha ahate waxay hoos keenta maamulkisa, waxay ka dheerata isku dhererinta, umano sheegashada iyo u laab garaca wakhtiyada ay ka hoosto Xaajiga.

Dhaman Qodabadani iyo kuwa lamidi waxay hor uqaadan kalsonida uu ninku ku qabo gurigiisa, waxay siisa daren buuxa in uu isaga, ubadkisa iyo hantidisu ku jiran gacmoamaana, wuxu amateeda u waayo inuu baala dayamoodo ama la bakhaylo wuxu Alle ugu soo dhibo.

Walashayey wixi an ka tagay waxan diyar u ahay inad adu ku darto.

Tuesday, 16 October 2012

SI FUDUD U KOBCI JACAYLKA QOYSKAGA


Saxib ugu horeyn aan idinka raali galiyo waxoga dib u dhaca oo ku yimi qormooyinkeeni Horu socod, safaro iyo socodalo isdaba joogay dartod.

Qormadan manta aan ku dul istagno Xidhiidhka “Togan-Taban”  ee dhex mara lamanaha go’aansada inay noloshoda wada qaatan inta ka hadhsan ayamahooda aduun, iskana kashadan mawjadaha nolosha ee caanka ku ah sal la’aanta, soona saaraan jiilka Mustaqbalka cusub wixi alle uga qadaro, ugu danbayntiina noqdan dunta isku haysa  dhinacayada kala duwan ee ay kasoo kala jeedan.

Maalinta ay labada iscalmaday bulshada ku xeeran la wadagan badhadhaha guurkooda kadib waxa midkasta dhiniciisa u fuula culays nafsaaniya, wuxu midkasta isku diyariya inu kasoo baxo wajibadka culus ee fuulay iyo inuu si xilkasnimo le u helo xuquuqdisa ugu wajibtay ka kale.

Marka laga imado quruxda guriga, farxada, rayn-raynta iyo dareenka dheer ee farxada gudbinaya ee lamane kasta u dirayan bulshada inteda kale si ay utusan inay yihin laba isdoortay, waxa midkasta madixisa sida bir labta ku dhagta inu buuxiyey balanqaad yadii tirada badnaa ee wakhtigii shukaansiga: Ad iyo Ad ayan ku jeclay, Indhahayga ayad tahay, waligay ka dheran mayo, Naftan kula wadagaya, dhib iyo dhef inan kala qaybsadan diyar u ahay, iyo erayada lamida.

Saxibkayow wan ogay in Alle ino aburay ad adayg badan si aan uga soo baxno masuliyada badan ee dusha ino saran, in alle inagu karameyey hogaminta nolosha qoysnimo, qaranimo iyo bulshaba, in Alle unug kasto inaga mida ka badalay ka haweenka, hadana waxa lagama marmaana inan ku dadaalno kobcinta iyo barbarinta xidhiidhka jacayl ee Lamahana nolosha inala wadaga.

Saxib arintani mahaa qaali marka laga eego dhanka qiimeheda lacaged, balse  waa adayg marka laga eego dhanka fulinta, nooca abuur ee alle ino sameyey o culays ku ah awadeed, balse isku day inaad samayso arimahan si aad u kasbato jacaylka dhabta ee xaaskaaga taa badalkeedana u hesho adeega u sareeya ee naagi siiso ninkeeda:

1.   Amaan!, Amaan!, Amaan!,  ha saxib qofkasta wuxu jeclayey inu maqlo isago laga sheegayo wanag, Adamaha Alla ku abuuray amaan jacaylka, Duulkuna wa u nugulyihiin inay maqlan iyado Ninkeedu ku leeyey, Quruxay, Caday, Mashala wad Nuuraysa Maanta/Caawa, Talow ma jirta Gabadh ka quruxbadan. Inteena badani waxan ku bakhaylna erayadan noocan ah, deed waxan wayna Adeegan xaq u lahayn.

2.   Dhagayso! Dhagayso! Dhagayso!, sxb ha wa iga dhab, waxa la ogaday in dumarku 1000 eray odhan kara inta inagu 1 odhan karno, taas waxay kushegaysa awooday u leeyin inay sheekeeyan, isku day inad dhagaysato, kana gurto, una hal celiso, si ay u darento in sheekadedu macno ku leeday,  waayo qofku ma jecla inu la hadlo maqane jooga,

3.   Isbar inad caawiso wakhtiga ad furaqa leeday, gaar ahaan wakhtigay ugu bahida badantay, sida Markay Xaamilada tahay, Foosha, Carurta badan, Xanuunsanayo, ku jirto Xaaladaha garka ee hawenimo, ay haystan culays qoyskeeda, wakhtigan inta badan dumarku waxay imitixan ku mariyan ragooda, iska jir inad ku dhacdo.

4.   Sii wakhti aad la Dheesho, Suuqa kala so adegto, lasoo booqato Ehelkeeda, Asxaabteeda, Sxb  abuurka dumarka waxa kamida Faanka, iyo mano sheegashada qayrkood, Marka sii fursad ay qayrkeed ugu faanto, uguna shekayso asxabteeda. “Aniga iyo xaajigoo......”

5.   Ka fogoow wixi shaki galin kara, guud ahan dumarku waxay u nugul yihiin xaalad abuurnimada, waxay shaki iyo buufis badan kaqaban in haba yarate cidkale kula weheliso bixinta adeega haweenimo ee Saygeeda,  Marka saxib iska jiri inad kalsonided u dhawacdo si fudud, inad afka ku badiso magac anay kalsoni ku qabin, inad ku diido cuntoyinka, isgaliso mashqul badan, soo caraabto xili danbe, kana dhaxdo xafadaada si an sabab cad lahayn,

6.   Isbar dhaqanka wax bixinta, Abuurka habenka waxa caan ku ah qarash badnaanta, ka ragana lexe-jeclada, marka sxb is bar dhaqanka wax bixinta, maaha inta waajibka, balse dhaqan ka dhigo inad Xaaskaga usii iibiso Dharka, Udugga, Agabka-qurinta, Macmaanka iyo cuntoyinka fudud, Wayo dumarku waxay kalsooni buuxda ku qaatana waxay ka helan ragooda, waxanay kor u qaata heerka jacayl ee qalbigeda.

7.   Ugu danbaytnii Bar naftaada dhaqanka sheeko wadaagta Xaaskaga, isku day inad uga sheekayso dhacdooyinki maalintaada,  ha yaraysan arintan, waayo Xaaskagu waxay maalintedo dhan ku qaadatay inay adiga kusii diyariso Cunto, Cabitan, Meel ad ku nasato iyo Bilicinta Nafteda, Ubadkeda, iyo Gurigeda, Markaa adna hakala bakhaylin inad la wadaagto dhacdooyinki maalintada, kana saarto daalki iyo Xiiso daradin shaqada joogtada ee Gurigeeda.

Sxb arimahani iyo kuwo kalo badani waxay kor u qaadayan jacaylka guryeheena, waxay abuurayan jawi dagan, xasil, mudana in lagu nasto, waxay ina ilawsinayan daalka iy tacabka inaga soo gaadha raadinta kabayasha dhaqale ee guryeheena.

Sxb wa hubal in hadii aad gabadhada siiso jacayl iyo kalsooni ay kugu abaal gudayso mid ka qaalisan, kuu noqonayso qofka qudhe naftada darensiya macanka iyo dhadhanka jacaylka dhabta, sida darted naftada bar inad ogato waxyabaha sida gaarka u xiiso galiya Xaaskaga, inad badhaso dhaqanada ad adag, baratana kuwa dhibirsan.

Wixi aan ka tagay waxan soo dhawaynaya in laygu kordhiyo, wixi aan qaldayna in laysaxo.