Friday, 19 October 2012

INAAD OGAATO ABUURKA REER ADAN AYA KACAWIN KARTA INAD KASBATO!


Qormadii hore waxan ku eegnay Doorka ninku ka qaadan karo kobcinta xidhiidhka jacayl ee Xaaskiisa, manta bal aan dul istagno hadii alle idmo Dhanka Reer-Xaawa,

Waxan isku dayeyna inan ka jawabno su’asha adag balse muhimada fog le,  Side u noqon karta Haweenay indho buuxisa Saygeeda?, anoo ogsoon inay tahay su’aal baaxad baladhan hadana aan isku dayno inan ka dhahno wixi alle inaga wafajiyo.

Haweenay kasto aduunka ku nooli waxay Hurdo iyo Soo jeedba ku hamida inay maruun noqoto hooyo, inay maruun Masuul ka noqoto guri ay kasoo toosan Aabe, Caruur iyo Ehel qurux badan, inay Maruun u adeegto si kalsooni kujirto Qoys ay taladisa u danbeya iyadu iska leeday, in marun masuliyadeda lagu majiirto, looguna sacabatumo, balse inyar aya xaqiijisa riyadas, tan aya kutusaysa ahmiyada ay leeday iyo siday ugu bahantay samir, karti, iyo aqoon dherada.

Hadaba walal hadii arintani muhimada leeday, caqliga suubani wuxu keenaya inaad wakhti walba u diyar garawdo sidaad u horu marin lahayd adeega aad u hayso Ninka aad nasiibka u yeelatay inuu Noloshada masuul ka noqdo, carurtadana aabo u noqdo wixi alle idin kala siiyo, kaasod uga soo baxday waxkastood horti jeclayd: Hadaba walashayey isku day inad fahanto Arimahan ado ka duulaya inanad dooran Karin ninka balse ad dooran karto sidada ula dhaqmayso ninka aad calafka la wadaagto. Fadlan isku day:

1-   Dhaqanka Reer Aadan wuu kakan yahay, inta badan waxa u sala adadayg, dagal, iyo feejignan, gabadha Caqliga badani waxay darenta in Abuurkan Alle ujedo kalaha, in Alle ugu talo galay inu Gashan iyada iyo ubadkeda uga noqdo jugta iyo dhacdoyinka nololed, sida darted waxay intu la joogo siisa deegan nabdoon, waxay isku dayda inay tusto in Nafteda, Gurigisa iyo Ubadkisu ay darensaniyihin xilki u hayo.

2-    Hadan nahay dhashii Aadan waxan wakhti badan sina, siday noloshinu noqon doonto mustaqbalka adinka iyo ubadkina, waxan ad uga fikirna waxa dhici dona mustaqbalka, anago ku xisabtamayna inan maalinwalba Cagaar ahayn (Dhib ka dheer), balse nolosha aduun u ban taal lugooyooyinka, sida darte Naagta caqliga badan waxay wakhti dher siisa siday u baran lahayd darenka fog, waxay marwalba soo dhawaysa mustaqbalka kiisa fican, waxay dhagaha ninkeda ugu roonata dhiiri galinta, taagerida ninkeda iyado ka foganaysa niyad jabinta, iyo ididiilo xumaanta.

3-   Reer Aadan inta badan waxay xiiseyen in dhibta loo sheego, inti wakhti badan lagu lumin laha dhibtu waxay keentay (Boogtan eegna intan Mililka wakhti sin lahayn), Gabadha fiican inta badan waxay barata sida ugu fican uguna kooban ay farinteda ku gaadhsin lahayd dhagaha Saygeeda, waxay la eegata Wakhti, Goob, Xaalad iyo Sida ugu fican ey u gudbin karto, waxay dhawr jeer si tijabisa, dhadhamisa, dadka ugu dhawna kala tashata farinta ay rabto inay ka ansixisato, gaar ahaan arimaha samayn kara kalsonida Boqorka Guriga.

4-   Reer-Adan waxa ku abuuran laabraaca, waxa noloshada ka qayba tijabinta, iyo ka warkenida, Gabadha insha dheeri waxay buuxisa Goldaloolyinka nagu dhiiri galinkarta inan khadka cagaran dhafno, inta badan waxay wakhti badan siisa Quruxinta nafteda, gurigeda iyo ubadkeda wixi alle siyey, Waxay taqan waxa sida garka u xiiso galiya Xaajiga, waxay xarifad ku tahay sida layskula badalo wajiyada iyo dharaaraha isabadalaya, Dacartana logu kiciyo Atooraha.

5-   Ina Rag wuxu jecel yahay lahanshaha, iyo laab u buuxinta, wuxu inta badan ku faana Tirada, iyo Tayada maamulkisa hoos imada, wuxu nafis ku darema inuu daremo in armarkisu yahay ka ay hawsha gurigu ku socota, Gabadha Caqliga badani waxay talada maamul ee gurigeda u nisbaysa Saygeeda, waxay ugu yaran tusta in waxkasta u socodan sidu rabay, Hadi ay jiran tagero nocay doonto ha ahate waxay hoos keenta maamulkisa, waxay ka dheerata isku dhererinta, umano sheegashada iyo u laab garaca wakhtiyada ay ka hoosto Xaajiga.

Dhaman Qodabadani iyo kuwa lamidi waxay hor uqaadan kalsonida uu ninku ku qabo gurigiisa, waxay siisa daren buuxa in uu isaga, ubadkisa iyo hantidisu ku jiran gacmoamaana, wuxu amateeda u waayo inuu baala dayamoodo ama la bakhaylo wuxu Alle ugu soo dhibo.

Walashayey wixi an ka tagay waxan diyar u ahay inad adu ku darto.

No comments:

Post a Comment