Anoo ka duulaya ahmiyada shir beeleedku ku leeyey siyaasada dalka, iyo inuu yahay waxa samanka wax lagu cuno, dhanka kalana tix raacaya Kii Gar-adag iyo Khaatumo ee HE. Siilaanyo iyo Pro. Galaydh-ba ku heleen awoodaha iyo gacan saraynta siyaasadeed, wax lagama maarmaan noqotay inaan shir iskugu nimaadno Aniga iyo Ardaagaygu, si aan Wada hadal dhakhsa ula bilaabo Xirsi, Ciro ama Jamaal midkii Ardaaga u sad burinaya, laakin waxa is waydiin le sidii loogu qancin laha caaqilada iyo wax-garadka Ardaaga iyo guud ahaan shacabka S.land.
Horta shacabka toodu waa mid fududay, oo waxaan leenahay aniga iyo dhawr oday oo kale, intaan Horn Cable balansano, geed cagaarana hoos fadhiisano, Ardaagu wuxu ka shirayaa Danta S.land, Nabada iyo Nabad kula noolanshaha Ardaayadda jaarka, Ictiraaf raadinta iyo in Beesha Caalamka la gaadhsiiyo in S.land 1991 gooni ula soo noqotay xornimadeeed, Ta Dawlada iyo Waran-cadana sidaa uma sii xuma, oo waxaan odhan wa ka tashiga aayaha Ardaaga, Distoorkuna ma diidin, Mago, Qaan iyo arimo Ardaaga ku ururay ayaa lagu dhamaynayaa sacaadatal wasiir ee Odayga "Siilaanyo" sida ugu sheeg.
Ta ugu darani waa sidi Cuqaasha loogu qancin lahaa, balse waxay ila tahay inaan garawsho helayo markan ka bilaabo Horta Cuqaal inagu Suldaan ma lihin, guriga Xirsi-qaniyaduna wa inaga fogaaday oo ila burco waa masaafo, wadada dhexana si ayay u shilal xuntay, Kan shirayaaashana (Xiirzy) heeshiis cad lama lihin, oo goolihi deegankay wax inoo hanbayn lahaayeen, Dhamaan ardaayadiina sulaadin ayay leeyin, ta kale Inaga Wasiir ha sheegin, oo Xildhibaano tayo le ha sheegin, oo Goolihii Deegaanka Talo xumo ayaa inaga reebtay, waxaaso dhani waa shir la'aan, Hadaan shirno, Oo talo yeelano, oo nabada ka shirno, danteena ka shirno, Ana Wasiir ayaan heli lahaa, Idina Suldaan ayaad iska dhex dooran lahaydeen, Hebelna Xildhibaan ayaan ka dhigan lahayn, waxan filaya inay iyago i hor boodaya geed noo waabi lahaayeen, Anna Qaadka iyo Hilibka dhawrkaa cisho Alle iskaagyo Badi lahaa, Maxaa iga kidhiisha hadaan Wasiir ku helo, Caaqilkuna Suldaan ku noqdo!
Saturday, 31 August 2013
Friday, 30 August 2013
Nasiibka, Calafka iyo Jacaylka Erayo Maanka Seegan.
Goordanbe oo xalay ah ayaan kasoo laabtay Munaasibadii 15-guuradii Mamulka Putland, kadib markaan marti qaad ka helay walashay Ladan Ruun iyo Nuzaiba Naano,
Hadiiba aan qolkaygii soo galay waa Actor-ki waynaa ee Govinda oo Oohin
la fadhiya kaligi Meel cidla, Hadaan sii fiirshay waxan garwaaqsaday
inuu Fillinku yahay filinkii "Naseeb" ee ay la matalays Mamta
Kulkarniay, Garoo 10 sano ka hor ayay xasuustaydu dib u noqotay, Caku
talo Aduunay, Marka Saboolnimo Gabadh laguugu diido, ee hadana wakhti
yar kadib Lacag kuusoo Celin waydo adoo Hodana, Macnahana laguugu sheego
in Nasiib Calaf Barkaday sidaa wax yidhi, Nolosheeda ilaali mooye Taada
ku raaxayso Waa habeen xalay tagay!
"Naseeb" ama "Pooja House"
waa filin qaaliya, Govinda oo saboola aya soo doonaya Jacaylkiisa
Mamta, balse Abeheed ayaa ku gacan saydhaya isagoo leh waxaad tahay
sabool, Dagaal adag kadib Govinda wuxu soo noqonaya isagoo Xaajiya,
balse nasiib dar Mamta waxa Madaxeeda Marsan Rinjigii Gabadhnimo, oo
waxay la cawaysa wiil kale Depook, oheey Caku, Govinda wuxu dagan yahay
Gurigii ay ku riyoon jirtay Mamta, "Pooja House", Qasri wayn, balse
isaga dhankisa wa qiima la'aan oo Mamta ayaa ka maqan, Sawrkeeda ayaa u
wehel ah, Xasuustuu nolol ka dhigtay, Daalki iyo Wadadii dheerayd ayuu
dib u milicsaday iyo maxsuulka kasoo baxay, deed wuxu u Bixiyey Nasiib
inu sidaa wax yidhi, Nolosha aduuna wuxu uga tagay si uu teeda iyo ta
ninkeeda u badbaadiyo, aduunki iyo maalkiina wuxuu u hibeeyey Jacaylkii
Nasiibku Dardaray!
Aniga shakhsi ahaan filinkan ayaa ii raaca
Filimkii ay isku qisada ahaayeen ee "Mann" ee Amiir Khan iyo Manisha
Koirala, kasoo Amir u shaqo tagayo, balse wakhtigi balantooda Nasiib
kala gaynayo, Manisha oo Caruurtay macalinka u ahayd iyo Saxibkedi hore
Anika Poor, ay usii galbinaya goobti balanta, halkaso Amir khan lasii
joogo Fayoorihii Jacaylka, balse ma calfan oo halkaasu waa ugu baryayaa
habeenkas, kadib Markay Manisha shil baabuur gasho, Cajiib waar kan
Jacayl ah dhib badana, marku Calaf iyo Nasiib isku darsado, Aakhirka
Manisha waxay go'aan sanaysa inay kaligeed noolato, balse Amir ayaa
baadi goob dheer kadib soo helay, Iyado Curyaan ah, kuna nool nolol kali
ah, oohin kadib wuxu kula wareegaya Dabka isagoo ilmadu ka da'ayso,
Jacayl wax kuma yeelee Faqriga Iska jir Saxiib!
Tuesday, 27 August 2013
Reer-xaawa Maxay Intay Inaga Dal Doorsadaan Calaf Ugu Tilmaamaan!
Waa arin xiiso badan, hadana xanuun kulul marka wakhti danboo habeenkii
ah, ama saacad cagta iyo jabaqdu yartahay laguu sheego in Calaf kusoo
weeraray oo Sidii Ciidankii Xaarisul-jamuurkii Marxuum Sadaam Xuseen
Cagta lagu mariyey, Hadal ma le, Duco' iyo Eersi naftaadaa mooye, balse
waxooga dibin cun iyo calool xanuuna kadib waxaad is waydiin Waar Horta
Calafku Muxu ahaa? Taloow Maantuun yaa nin ka dhigan, Kiina Rooni Reerka
ha u hadhee, oo soo ka u hadhee, oohin been beena lagugu yidhi i ilaw
Xaaji, oo Calaf igu calaamadso, hadana waxaad odhan Kii Jacayl ahaa ee
Badaha iyo Beriga-ba jiidhi jiray mee?, Hadana waxaad ku calool
fayoobaan "Dumarku waa Shini oo Geedkii Ubax Macaan ka Ag Fiiri Boowe",
hora loo yidhi Haween Waji Lacag leey u sacabo tumaan, Allaa ina Dilayee
halka way ku saxan yihiin, oo Faqri wax loo Sacabo tumo maaha, oo anu
waxaan ahay qolyaha aamin san Aragtidii Majajilayste C. Haybe "Adoon Curaacan, Qadana Hayn, Hablaha Qureesheed ......!
Waar waxba yaan idin wareerin, oo nabara hore damqine, soo xalay madal
rag waawayni fadhiyaan warkaas lama soo qaadin, Wixii ka dhacaa ka
dhacay, hadaad fadhil lahayd inaabti oohin: Aniga Bari ayay igu dhacday,
Taadu waa saleelee aniga miyaad ogtahay, Walee ta igu dhacday, idinka
bikh, ayey ragii iskugu hal celiyeen, si dibin calaalisle, Alla Ciil
waynaa Markaad Ruux haweena Mudo u Heesto, Hadaanad Cirka Daruuraha ka
Riixinba ilayn waan u sakhiranee, Aakhirkana Ay nin kale u Uunsato,
Dhegaaa, Waa Xagii Reer Abtigay ka odhan jireen markay xaajada diidaan
maankuna liqi waayo.
Ama Calaf u Bixi ama Faraskaagi laga
badiba dhehoo, sidii Inanteena Khadar Daahir Cigoo, Duul Cuud u hayso
Waxay ku dhaamaan anu waayey, Taah iyo Tawaawuca haday wax ku leeyiin
soo Marxuumkii Cilmi Boodhari Xikmadiisii aad Waxyiga Alle moodaysay
kumay soo joogsadeen, Walee Jeeb Xumaanan idinku Martiyin, Reer Xaawa
aniga Qolyahaa Calaf loo bixiyo igu tiriya, ee wax Boobta.
Sunday, 25 August 2013
Meherkii Maanta Iyo Macnihii ku Duugnaa.
Goobtu may ahayn Maansoor iyo Ambasador toona, se waxay ahayd Gurigii Boqorada la calmaday, waa maalin ay Kampali roobanayd oo Qoraxadu dood kulul kula jirtay Daruuraha Irmaan ee iftiinkeedii u diiday inay Nasoo gaadhaan, Hadh, Rays iyo Neecaw rooban ayaa ii nooraacday madasha ilyartu is qabatay ee Meherka, Markaan irda ka galanayba waxa qosol iyo marxabayn nagu so dhawaysay Gabadha Hooyadeed, garoow dhankoodaan nahee, "Soo Dhawaada Hooyo Mustafe" iyo Waa waan dhawnay ayaan is dhaafsanay, kadibna fadhigaan boobnay.
Aniga, Saxibkay iyo Wiilkii nawadayba waxan salan diiran ka gudoonay Maama-adi (Eesh-Calaa-Sodoh), lasoco marti la gartaan ahee, Cabaar marka fadhinay ayuu wiilkii xidhiidhiyaha qaatay Microfone-ki deed erayo Swahili ah ayuu ku yidhi Meherku waa qadada Dabadii, Qosol dheer kadib waxan gartay in Hilib noo yaal, Eesh Qiyaaska maaha sinxigii wayna ee dhawrka qof, balse waa Bidheedhkaaga Qaado oo ha isku yarayn, Warkasa i maree, 4 Rakcadood oo khafiifan Duhurki aniga iyo koox kale boobsiinay, Waar mee, Kaso Qaad, Soo Dhawaada iyo Iska Eeg caabaara kadib, Qadadii aya kuyuu loo galay, oo nin walba qaatay wixi tuhun bixin laha calooshisa, Ninkii ka maqnaa Yeelkiis, anaga awalba wax kale nalooma keenin Cunto Cunoo, Duca Raacshooo! taasna alle naguma xilin ee sideedan uga xoo baxnay.
Ani wax kale dhihi maaye Xeerkii Reer xaawa igu istaahilaya hadan caruuska ama caruusade abuurkoda iyo labiskoda wax ka sheege, Gacantaydaan ku ciil baxay, kadibna kaftan iyo qosol ayan la istaagay nasiib daro se raga meesha buuxa waa Sujuu (somali east Africa), oo soomaaliga ku adag, Laba English, Midh Swahili ah iyo Sadex Soomaliya ayey noqotay inan isku daro, waxan waydiiyey lacagti yaradka ahayd in raga wax baska lagaga sii bixinayo, Qosol kadib waxa lay sheegay in Cunto lagu qaatay, Way istaahisha ayan ugu hal celiyey, balse nasiib daro waxaan iLawnay Sawr wadareedkii iyo inaan FB caawa ku yaacino, ilayn xiliba waxba socdee oo halka warkayga laga dheehdo, Habmalyo Arooskiinu noqoy kii lagu nasto!

Saturday, 24 August 2013
RRU: Martiqaad Qolyaha Janadii Kaluntay Mise Amaan Sugid.
Kampala, Dib-u-celi xasuustada wax yar akhriste, 11 Sept iyo New York 3500 oo qof ayaan dib ugu soo noqon guryohoodi, kaalay London iyo dhacdadii ka oohisay David Cameroon markii muwadin faash lagu dilay hadh-cad wadooyinka waawayn ee London, aan ano ka xun idin tibaaxo UNDP, Xafiiskiii Adeerkeen Ilko-xan iyo Dhalintii hadh ka cad soo weerartay Muqdisho, Yaan ka tagin 11 July Kampala iyo 80 muwadin ee aduunka halka habeen laga kaxeeyey, dhamaantood waxa loo nisbeeya qolyo Jano Doon ahaa, Cajiib ma waxaan rumaysana maanta sidii sheeko xariirtii Diin iyo Dacawo in RRU awood u leeday ka hortaga arimahaas, Maya Walee Caqliga Diiday!
RRU horta waa aragti reer galbeed, Waa siyaasadihii New World order iyo aragtdii Bush 'Waad-nala-jirta Ama Naga-jirta", RRU Putland wa shahado la dirir, Muqdisho waa nabad sugid,dunida sadexada ayey ka hawl galan, xikmadooduna waa iska eeg waraabaha aan sunta siiyey, ujeeda laga leeyeyna waxay tahay cabsi galin (Anti-terrorism), iyo ilaalinta danaha reer galbeedka, Waad Ogtay America way ku fashilantay Afghan, Bush aya ku tilmaamay Dagaalkii Insiga iyo Jinka, Mar kale wuxu yidhi America Poolis uma aha aduunka, bal fiiri Augt, 2 todobaad waxa xidhnaa safaarahada reer galbeedka ee 20 dal, kaliya digniin ay suu direen qolyo aan la aqoon.
Muwaadin Wiilkeena (Godane ) sharkiisa alle ha ina dhaafiyo, xirfad iyo xoogtoona uma lihin iska celintiisa, balse waxaan cabsi ka qaba nimankaa indhaha duubtay (RRU), ee muwaadniinta habeen badhka usoo dhacaya sidii tuugta kuwasoo caruurta, haweenka iyo hablaha ugubka ugu galaya qolol kooda inay marti qaad iyo casuumad u fidiyaan dhalintii Janadii Abohood Aadam Million sano ka hor laga soo saaray Raadinaysay, waayo waxa hubaal asalka falalka Alqaeda iyo walaaleheed waa midhii Madaxda Xun ee dunida muslimka taaso Diin Islaam iyo Caqli suuban midkoodna aan ku dhaqin umada, Xoolohooda iyo Xoogoodana u adeegsanaya dulmi iyo tacadi joogta, RRU fadlan naga daaya u yeedhida wiilasha Sumaysan!
Mustafe Baroud
@mustafebaroud04
www.Mustafeb.blogspot.com
Kampala, Uganda

Subscribe to:
Posts (Atom)