Sunday, 25 August 2013

Meherkii Maanta Iyo Macnihii ku Duugnaa.

Goobtu may ahayn Maansoor iyo Ambasador toona, se waxay ahayd Gurigii Boqorada la calmaday, waa maalin ay Kampali roobanayd oo Qoraxadu dood kulul kula jirtay Daruuraha Irmaan ee iftiinkeedii u diiday inay Nasoo gaadhaan, Hadh, Rays iyo Neecaw rooban ayaa ii nooraacday madasha ilyartu is qabatay ee Meherka, Markaan irda ka galanayba waxa qosol iyo marxabayn nagu so dhawaysay Gabadha Hooyadeed, garoow dhankoodaan nahee, "Soo Dhawaada Hooyo Mustafe" iyo Waa waan dhawnay ayaan is dhaafsanay, kadibna fadhigaan boobnay.

Aniga, Saxibkay iyo Wiilkii nawadayba waxan salan diiran ka gudoonay Maama-adi (Eesh-Calaa-Sodoh), lasoco marti la gartaan ahee, Cabaar marka fadhinay ayuu wiilkii xidhiidhiyaha qaatay Microfone-ki deed erayo Swahili ah ayuu ku yidhi Meherku waa qadada Dabadii, Qosol dheer kadib waxan gartay in Hilib noo yaal, Eesh Qiyaaska maaha sinxigii wayna ee dhawrka qof, balse waa Bidheedhkaaga Qaado oo ha isku yarayn, Warkasa i maree, 4 Rakcadood oo khafiifan Duhurki aniga iyo koox kale boobsiinay, Waar mee, Kaso Qaad, Soo Dhawaada iyo Iska Eeg caabaara kadib, Qadadii aya kuyuu loo galay, oo nin walba qaatay wixi tuhun bixin laha calooshisa, Ninkii ka maqnaa Yeelkiis, anaga awalba wax kale nalooma keenin Cunto Cunoo, Duca Raacshooo! taasna alle naguma xilin ee sideedan uga xoo baxnay.

Ani wax kale dhihi maaye Xeerkii Reer xaawa igu istaahilaya hadan caruuska ama caruusade abuurkoda iyo labiskoda wax ka sheege, Gacantaydaan ku ciil baxay, kadibna kaftan iyo qosol ayan la istaagay nasiib daro se raga meesha buuxa waa Sujuu (somali east Africa), oo soomaaliga ku adag, Laba English, Midh Swahili ah iyo Sadex Soomaliya ayey noqotay inan isku daro, waxan waydiiyey lacagti yaradka ahayd in raga wax baska lagaga sii bixinayo, Qosol kadib waxa lay sheegay in Cunto lagu qaatay, Way istaahisha ayan ugu hal celiyey, balse nasiib daro waxaan iLawnay Sawr wadareedkii iyo inaan FB caawa ku yaacino, ilayn xiliba waxba socdee oo halka warkayga laga dheehdo, Habmalyo Arooskiinu noqoy kii lagu nasto!

No comments:

Post a Comment