Sunday, 1 December 2013
Meeday Kaalintii Dawladnimo? U Kuur gal Nololeed!
Cagaarka, Caanaha, Caddka iyo Cudoonka Wakhtigu waa wax ay ka sinaayeen dhamaan deegaandii aan soo maray labadii todobaad ee u danbeeyey, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Oodweyne, Hara Sheekh, Galooley, Xaaxi, Laan Mulaaxo, Daba Goroyaale, iyo Mureec, Dhamaan dhulkan waxa qudhee aad tabaysaa waa Raadkii Dawladnimo iyo Astaamihii Maamul Daadajin, Muwaadiniintan aan goobohooda kusoo maray waxay Noloshoodu u socotaa sidii kuwii Awoowyadood wakhti quruumaha aduunku kor u hayaameen 60 sano ka hor, waxay noloshoodu si toosa iyo si dadbanba ugu xidhantahay Caddka iyo Caanaha xoolohooda noocyada badan, halka Xooluhuna si toosa ugu xidhan yihiin Dhibicda Roobka ee Alle mooye cid kale Maamulin, Waa damiir xumaan iyo Aqoon daro halkii u danbaysay, wakhti Xooluhu yihiin Unugyada Dhiiga Dalka, Reer guuraaguna yihiin kuwa dheecaankooda lagu dhiso Daaraha Dhaadheer ee Hargaysa.
Waxa ayaan daro ahayd inaan ishaydu qaban hal askari intaan ku guda jiray dhulka ku siman 200Km2 , marka laga imaado Hara Sheekh oon hal askari kula kulmay mooye, Waxa intaa dheer in Shucuubta deegaankan balaadhan Kalsooni dheeraada ku qabaan Haayadaha Mashaariciida usoo marinaya Ururada Aan dawliga ahayn ee sifaha gacnasiga loo furtay, Gabi ahaanba waxaan kaalin muuqata iyo mid qarsoon toona ku lahayn Wasaaradaha Waxbarashada, Beeraha, Xoolaha, Deegaanka, Caafimaadka, Hanuuninta iyo Wacyi-galinta, Iskaba dhaaf kuwa kaloo, Shaqooyinkan Muhimka waxa buuxiyey Haayado Reer galbeed iyo Ururo Wadaniya kuwaaso ku sidkan sidii hal iyo Candho saabkeed, 90% Magaca Muwaadiniinta ku cuna Muwaacanoyinka uga timaad Umadaha Hodankaa, ee Alle u sakhiray kuwa habaaska fadhiya sideena
Dawladnimada iyo Hanaanka Maamul wadareedka waxaad kaga baxaysa Hargeisa, Berbera iyo Burco, kadib waxaad galaysa deegaano Beeleed si nabada u nool, goobaha Qaarkood waxaad la kulmaysa Shacab qoryo sita {Kirir}, Halka Qaar kalana aad arkayso Ciidamo shisheeye {New Police} oo dhex mushaaxaya {Daba-gorayaale}, dhulku waa baylaha oo ma jiro xafiisyo tayo leh, kuwaaso buuxiya kaalintii dawladnimo, Shacabku Hab qabaliya ayay ku dhamaystaan murankooda, kuna maamulaan deegaankooda haday noqoto mid dhaqan dhaqaaale iyo mid Amini-ba, Guntii Dawlada Magaalo fadhida Soomaaliya hore u eeday, ee Hargaysaay Hareerahaaga Eeg Abaayo!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment