Friday, 9 January 2015

Sidee Ayuu Cirro iskugu Miisaamay Siilaanyo!

C.raxmaan Cirro, Gudoomiyaha Goolaha Shacabka, Ahna Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Waddani waxa uu Siyaasad ahaan maanta Ciyaarayaa "I taabo aan ku Taabtee". Siyaasad ahaan waxa uu isleekaysiin ku sameeyey Kursigiisa Gudoomiye-nimo iyo Kan Madaxweyne-nimo (HE.Siilaanyo=Hon. Cirro=Masiirka Soomaaliand).
Maaha xisaab fudud, mana aha wax habeen iyo dharaar ku yimi ee waa sheeko dheer. Sida aan ka war qabno Cirro waxa uu ahaa Ushii Siilaanyo la dhici jiray HE. Daahir Riyaale Kaahin, wakhtigii uu Mucaaridka ahaa, Sidoo kalena waxa uu ahaa Hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Eng. Faysal u wakiishay Dimuqraadiyadaynta Dalkan yar. Nasiib daro se maanta labadaba waxa uu u hayhay Ul iyo Siyaasiga qudhee halista ku ah Damacooda.
Marka hore isaga Faysal Galin hore ayuu ku cabay, oo Xisbigiisii mid ka awood badan ayuu dhistay, Marka labaadna Siilaanyo iyo Kulmiye ayuu Dhab-libaax ugu soo fadhiistay. Waa xaqiiq, Siilaanyo marna kuma tashan in Libaax danbe kusoo noqon doono, mar haduu Dr. Gaboose, Daahir Riyaale ka daba geeyey, balse taasi ma rumoobin, oo Cirro ayaa Waji kale ula soo baxay, mar labaadna Libaaxii soo dhaawac kiciyey.
Cirro mar waa Gudoomiyaha Wakiilada, Marna waa Musharaxa iyo Gudoomiyaha Waddani, mar Saddexadna waa Nin Habar-yoonis ah, tan saddexaad ayaana uga qiimo badan labada hore, tani waxa ay Siilaanyo ku noqotay Hal xidhaale cusub. Waxa uu Sharci ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba maarayn kari waayey Ninkii Cirrosidii Miciyaha looga guri lahaa?
Siyaasadii Caanaha iyo Xirsi, Tii Shir-gudoonka iyo labadiisa ku xigeen iyo tan maanta, intuba waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Maanta waa ku saddex inta jeer ee Xukuumaddu ku fashilantay Talaabo laga qaado Cirro. Haday masayr iyo Hinaase ka tahay iyo haday Damac korodhsi iyo Cabsi Siyaasadeed ka tahabay, nabada Madaxtooyadu waa in Ciro tago. dhanka kalena Cirro in uu Xanta Madaxtooyada dhagaysto, oo laf dhuun gashay ku naqdo Xirsi iyo Kooxdiisa waa dariiqa kaliyee u furan, haduu rabo in uu Siyaasi Afrikaan Masraxa kula sii Ciyaaro.
Xalku maaha in laba Mukulaal oo isku awood ahi ku heeshiiyaan jiir, Suuro galna maaha in midkood awood sheegasho la'aan uga tagto tan kale, balse wadada qudhee furan waa in midkood u itaal sheegato tan kale, si ay kalsooni ugu cunto hilibka yar ee Jiirka. Tan waxa ka dhigan Cirro iyo Siilaanyo, ama Waddani iyo Kulmiye. waxa aynu dhawrnaaba waa isku day Afraad iyo Tolaayey cusub!

No comments:

Post a Comment