Tuesday, 30 August 2011

MAALINTI CIIDAYDA BAL ILA EEGA FUNNY!

CIID MUBAARIK.
Maanta waxay ahayd maalintii waynayd waxay ahayd Ciid al-fitr, in kabadan 1 billion oo muslimiina ayaa caalamkoo dhan ka dabaal dagayey si ay u sagootiyaan bishii barakada badanayd ee Ramadan.

Dhamaan daafaha aduunka waxa subixi hore laga maqlayey dhawaaqa adoomaha alle, kuwaaso ku qancay adoon nimadooda ilahayna u qiray Rabinimadiisa, hal mar ayey degenaanti subaxa hore kala goday, waxa soo dhex galay dhawaqaa Tahliisha iyo Takbiirta, waxa dhinac socoday dawanka agabka caruurtu ku dheesho.

Gaar ahaan magaalada Kampala waxa subixi hore indhuhu qabanayeen bilicda carurta, dumarka, iyo raga ku labisan maryaha cusub ama kuwi ugu fiicna ey helayeen, waxa wajiyadooda ka muuqday farxad, waxay isku salaamayeen Ciid Mubarik, iyo Ciid Mubarik, waxay wadaagayeen hal dareen, dareenka Farxada iyo Iimanka.

Anigu waxan salaadi Ciida ku gutay Majidka wayn ee Qadaafi Mosque oo ku yaal badhtamaha Kampala gaar ahaan xaafada Old Kampala, meel in yar uun ka durugsan goobtan kunoolay, wakhtig salada subaxa ayaan ku toosay Tahliisha Imaamka (ALLAH AKBAR, ALLAH AKBAR, ALLAH AKBAR) dhinacaygu dhulka wuu hayn waayey waxa markiba madaxayga ku so dhacay xadiiski Rasuulkena Suuban (SAA'IMKU WUXU LEEYEY LABA FARXADOOD: WAKHTI AFURO IYO WAKHTIGU RABIGI LA KUMO).

waa runti runbadanaha, waxa jidhkaygoo dhan ku dhamaaday farxad, waxan halacsaday sxbkay, isna wa ila mid, waxan u tartanay xamaamka, qubaysi, wayso iyo salaadi subax ayan is racinay, waxa bilaabantay guda galka Maalinti waynayd, maalintan 30 cisho sugany.

Waxan toos ugu baxnay dhanka iyo masjidka, waxan hore ka sii qadanay wixii Fidri nagu waajibay si aan masaakinta masjidka kusugan ugu gudbino, waxa hareerahan naga boodaya barbar ku labisan dhar qurxoon, waxa gacanta haya hooyoyinkod ama aabayashod, waxa dhinac walba naga dhaafaya noocyada gaadiidka Buses, Motootinka, Gawadhida raaxada iyo xataa bicyles.

Waxan gaadhnay albaabkii masjidka, waxan markiba aragnay koox si qurux badan u sita kaadhadhka aqonsiga, waxay ka socdan Uganda Muslim Supreme Council, (golaha u sareya u muslimta Uganda), waxay sitan galal, diiwano, waxaya ururinayan Sakadi, waxanay u wadaan waxan ugu yeedhay HABKA ZAKO URURINTA DIIRAN. waxay isku dayayan inay kaa qaadan wixi kugu wajibay iyo dheeradba, maadamo maanto kale tahay malinta dadka baahan.

Waxa bilabmay Tahlishi, waxa masjidka nagala so qayb galay madax badan, waxan ka xusi kara Rasal wasare kuxigenka TFG, Safirka Somalida, may kiwii Somaliland?, idinka idin dhafay jawabtas, khudbado aya ku baxay luuqad badan, Swahili,English,Arabi, iyo Luganda, saladi lo kac, la dhame, albaabada labob.

Waxan lahaa balan, waxa i macsuumay oday masuul ah, ina sheegay habeen nimadki inan qadad xagaa ku leeyey, subixi man qaadan qurac culus, waxan aha nin hilib sugayo, wakhti balanta gadhay goobti lawa yimi, kaftan iyo hasaawe kadib waxan ogaaday in dhaman dadka an la fadhiyo ka u yari 6 sano dalka joogay, iyo kuwo aan iyagu waligod kaba bixin ba. luuqadu maha somali, wa sawahili intaydi yarayd wa laysla dhaafay, yeelkede horta aamuskun iska jir.

Waxan qadar daawanay Tv qaranka nasib wanag waxanku soo beegnay madaxweyne Siilanyo oo Tahniyadi diraya, mashala, baryaha miyan arkay Tv qaranka, Sahra ilays, Ubax fahmo, Faysal yare iyo qaar kalo badan noo raci, way isku dhacday, waxan sugnaaba wa hilibkii.

Qadadii la keen nin walooba waa gaarkaga uguro arinku, ma jirto wax gacanta la wada galinaya, kkk, ha isku yarayn hebeloow aya mesha ka dhacday, mashala qado qiimo badan la wada cun.

Wixi inta kadanbeeyey wa inan soo boqoola anoo dharagsan, dadku qaad u fadhisay lakin anigu maya, intaasi wixi ka danbeeyey wax kasta waxay kuso noqdeen sidood.

Intasi waxan kusoo koobaya maalintaydii Ciidul Fitriga, sanadka sanadkisa waxan alle ka baryayaa inuu caafimad iyo nabad inagu gadhsiyo dhamanten.

waa mahad santin,




No comments:

Post a Comment