Tuesday, 19 June 2012

ISLII HA KU DAAYO WARKEEDU, SAWR SAXA IYO TILMAAM TOSA

A.C
Bacda salan Asxabta, wali waxan wadna qormoyinkii gaarka ahaa ee Socodaalkii Dad iyo Dal barashada.

Ayaamihii u danbeeyey waxan Af sawahili ku hadlaayey Xafada Somalida ee Islii, Islii waa meel cajiib badan waa meel ay taal hanti badan oo Somaliyed, Lagana helo dhaman Qabaa'isha Somaliyeed, wa caadi inad maqasho Ajuuran, Garre, Murraale, Booran, Jareer iyo Magacyo lamida, waliba waxa dhacda inaad maqasho dad Somaliya o ku hadlaya luuqado aah ahayn tii Hargaysa ama inta badan dhulkii Somalia.

Islii waxay caan ku tahay Sheekh waxoga lacaga Qurbaha kala yimi oo gadhwayn, koofiyad ti sharifka iyo khamis cad sita soona Shaqo tagay, Siyaasi ku haftay mawjadaha Qalalaase ee Somalia ee 20 jirsaday, Hablo dhalin yar oo qurxon oo inta badan ku labisan Cabayado madaw, Degtana ku sita Shandado kala qaab iyo midabo duwan, taasooyo adagtay inad kala garato inay Qurba joog yihin iyo inkale, Islaamo Shaari Shaariya oo intay waxoga ururiyeen Tel Screen touch sita, dhawr eray oo Somali, English iyo Sawahilina is raacinaya, iyo Raxan dhalin yaraa oo habeenkina Miiraga cuna maalintiina Furaashka dul taal, kuwaso nolosha adun wax yar kala socoda.

Isliii waxa lagu qiyaasa xarunta labaad ee ugu ganacsiga badan dalka Kenya iyo Guud ahaan Geeska Afrika, waxay caan ku tahay Xarumo laga dukaansado oo waawayn, Xurmo Ganacsiyeedyo u badan shuraako, inta badana looga soo adeeeg doonto dalalka Bariga Afrika, si fududna looga helo inta badan dhamaan badeecoyinka iyo agabka ganacsi.

Isliii waxaad si dhaba u baranaysaa Noocada dabeecada Somaliyeed, waa Cawroo aad si fudud uga helayso nooc kasto Somali Alle ku abuuray Koonka Sinfi kamida, Waa caadi inaad aragto sheek wayn oo Maalintisa iyo habenkisa digri ku bilaba, Hogamiye kooxeed caana, kasoo si qurux badan u talabsanaya hotelda wawayn isagoon xishonayn, Siyaasi koox reerkoda sacabka iyo mushxarada  waxoga u dhaafinaya, Budhcad badeed waxoga lasoo dhuuntay oo hareeraha eegaya, Ganacsade wayn oo shilmaan sidi Maradoon u daba ordaya.

Islii waxa kaalin wayn kaga jirta qalalaasaha iyo dhibta ka taagan Soomaliya, waa madal ay kasoo shidaal qaatan dhaman sharwadayasha iyo wax matarayasha Siyasiynita Somaliyed, waa xarun soo naas nuujisa Mucarada iyo khilafka xildhibanada ku ama saldhig u noqota burburka iyo ragadka dawladkasto lasoo dhiso.

Ugu danbayntii Isliii waxay caan ku tahay Khashin, wado xumaan, booodh, Jaam, Lacag badnaan, iyo dad badnaaan, waxaad markaba rumaysanaya maahmaada Sawahiliga e tidhaa "Islii Pesa Iko, Laakin Hakuna Barabara", oo macneheedu yahay Islii lacagi way taal ee wado ma jirto.

Mustafe barud Abdi
Isliiiiiiiiii, Nairoobiiiii.

No comments:

Post a Comment