A.C
Subax wacan oo wanagsan Akhyaarta, waxan ad ugu faraxsanay inaan markii u horeysay Qormo idinka soo diro Xaafada Islii ee caasimada Nairobi, waxan idinleye kusooo dhawaada Baruud iyo qormoyinkisa Nairobi.
Duhur cad ayan kasoo baxay magaladan ku noola 2 sanee u danbeyey ee Kampala, oon si fiican nolosheeda ula jaan qaaday, aanoo aad uga xun wajiyada faraha badan ee an kala lumi doono mudada kooban ee iskugu jira Akhyarta Sharafta badan, Ganacsata, Ardayda, Siyasiyinta, Wayelka iyo Qurba joogta an kaga imi Kampala,
Waxan Bas yar ka soo raacay xarunta wayn ee laga fuulo gawadhida rakabka ee Old Taxi Park, ee badhtamaa Kampala, anoo u soo jeeda magadalo xuduudeda Busia ee dhanka bari dalka Uganda ka wadagan Kenya, halkaso oon kula balansana Wiil gacanta igu hayey sharcigi an kubixi laha, hadi an soo gadhay goor fiida, waxan habenka u hoyday Busia gaar ahan dhanka Uganda, anago balan ku kala tagnay Xaajigii an u socday
Aroortihi hore ayuu albabka igu soo garacay, lacagti ayuu i badalay kana dhigay Keynan Shiling, Shandadi ayu nin u dhibay si xadka lo dhafiyo anigiina wuxu i yidhi Mootadan fuul oo xaga ayuu kaso wareejinaya., Cajib waxoga hadan dhir iyo beero jiidhnay Akhirki waxan gadhnay istankii gawadhida ee dhanka Kenya, waxan judhiba ku booday Bas caasi yar ilaa Magalada Kisumu oo kudhawad 100km iga durugsan, Duhurki ayan gadhay, waxan qado ka qatay Hotel Yasimin, oo Oday Somaliyed ku laha meel u dhaw Istanki Kisumu, kadib markku mid Kenyan ii geeyey, isna waxan madasha ku shekaysan Nin kaso jeeda Besha Ogaden oo reer Kenya, kaftan iyo hasawr kadib, waxan tukaday salad safartaydi, kadibna waxan u jihaystay safarkaygi.
Waxan ilsa markiba ku booday Bas yar oo kale oo dhanka Nairobi ah, Nasib wanag waxan isku baranayn Gabadh Somaliyed oo Reer Nkuru (Keyna) ah, hadan is haybsanay waxay ishegtay inay tahay Qabiilka Ajuuran (Salaamad), waxay wadata Gabadh yar, waxay mudo laso noolayd Odaygeeda oo darawal ah, magacedu waa Muslimo, inantedana Sacdiyo, waxoga hadan hasawe iyo kaftan iska wadanay, waxay igaga hadhay Nkuru oo ku taal badhtamaha Kisumu iyo Nairobi.
Kadib markan soo soconay mudo Waxan Nairobi soo galay goor Fiida gaar ahaan abaaro 8:30pm, judhiba waxan dareemay baaxada Nairobi, Wadooyin wayn, Light kala nooc nooca, Gaadiid qurxoon, Dad ad u labisan oo dhalin yaro u badan oo an qiyasayey inay shaqoyinki kaso rawaxeen, Gaadiidka dadka Gura oo tiro badan, iyo Ishaarooyinka gawadhida oo bixinaya if kala duduwan,
Waxooga ayan iska la bixiyey, balse ceebtaydu waa ma aqaan Xafiska an rabo meeshu Islii kaga yaal, iyo Tel kooda toona, mana jiro qof an shakhi uga aqaan inamada ka hawl gala Xafiska, aan ahayn magaca guud, markan so gadhay Isli, waxoga hadi an bafiyey, Akhirkii Tel ka wada hadalayn waxan balanay Bari, Cajib wa in caawa meel la sexda, waxoga waxa i cawiyey Oday igu yidhi waxan ahay Ajuuran, war talow Ajuuranku xagebi abal igaga leeyey magacaba waxan maqlay 3 cisho ka hor mar an fasax ku qaadanayey Magalada Jinja ee dalka Uganda, oo ah meel lagu nasto.
Guud ahaan Nairobi way ka wayntay kana camirantay Kampala, xaga cilmiladana way ka qaboobday, gaar ahaan Xaafada Islina way kacamirantay Xafada Kisenyi, balse Kisenyi way ka nadaafad badantay Isliii.
Fadlan lasoco Qormoyinka Xiga.
No comments:
Post a Comment