Sunday, 22 July 2012

2 SANO KADIB IYO MUQAALKA DALKA!

DHAMAN RAMADAN KARIM AKHYARTA SHARAFTA BADAN.


Mudo dheer oon ku guda jiray safarkan ugu magac daray Dal iyo Dad barasho, aakhirki waxan soo cago dhigtay Madaarka Berbera, waa madashan 11, June, 2010 ka duulay anoo daba taagna hayaankaygii aqoon korodhsiga ku salaysna, balse nasiib daro maanta arintu sidi hore way ka gadisantay, qiimayntu intii hore way ka xoog badantay, oo xaalkaygu waa NIMAN DHUL MARIN DHAAYO LA.


Dhulka hooyo wa lama huran, laba sano ka hor arinkaygu wuxu ahaa nin jooga halku ku hana qaaday, aduuna wuxu ka og yahay ay iskaba yar yihiin, aragtidisuna ku fadhiday wixi harerihiisa ka socoday,balse maanta waxoga xaalku sida maha, maanta waxad mooda inan soo arkay Dad, Dhaqan, Luuq, iyo Hab nololeed intuba ka duwan kuwii aan ka nuugay Hooyayday Sahra Cadeee!


Intanay cago dhigan Diyaradi an sarna African Airways, waxay indhahaygu  qaban kari waayen, dhulka baladhen eed moodo lama deganka, kasoyo  ka muuqato biyo la'aan iyo xaalufka baahsani, waxa inta dheer cidlada iyo dhaqdhaqaaq la'aanta dhulka ku fadhiya indho qabatinkayga, dhaman arimahani waxay gees marsanyihin Cagaarki, biyo badnaanti iyo camirnaanti Uganda, oo Maxal ii ahaa mudada an ka maqna dalka.


Marki an degnay waxa na jiidhay aniga iyo rakaabki kale kulaylka hawada, kasoo shacabki reer barbara inti awoodaysay ka hayaamiyey guryahoodi, ma jiro wax dadka ka saacida heer kulka sare ee jawiga, markan qado qaatay kadib waxan u dhafay dhanka iyo Batalaale si an biyaha bada iskugu soo qaboojio balse xaalku wa sidi, Magaaladu waxay u eegtay madal laga hayamay, dadka joga wa wax kooban, waxad arki karta guryo cusub, kuwo duuga iyo goobo tirsan oo dadku ku hasaawayo.


Isla galabtiba waxan u dhafay dhanka iyo Burco, waxan cagta saaray wadada yar ee aadka u dhuban taso isku xidha inta badan dalka, kana hadhay dhaxalka yar ee gumaystihi Ingrisku inoga tagay, wa cidhiidhi in gadhi kale ku dhafa, waxa ka muuqda dayac badan, waxa yar calamadaha loo adeegsado hagida wadaha gadhiga, ma badna gadidka na dhafaya, dhinacyada waxa naga hayo buuro aa lahay dhir, marka laga reebo buurta Sheekh, wa wax adag inad sawrato inad ku socoto magalo sida Burco u mihima markad eegto dhaqdhaqaqa gadidka ukala gooshaya labada dhinac, tani wa xaqiiq muujinaysa kala badnanta dhulka iyo dadku alle ku beeray.


goor danbe ayan galay Burco balse ma jiran nalal ifiya wadoyinka, magaladu waxay  u eegtay inay goor hore seexatay, wadoyinku waxay u badan yihin ciid, guryuhu wa dhagax isku wada qaaba, waxay xaga hore ku leeyin barkado biyaha lagu shubto, wayo Magaladu malaha biyo galin fiican, wa ayan daro in Burco wali eegtay Tuulo waynaatay, waxkasta waxay ku dhisan yihin hab dhaqamiya, dadku waxay u macamilan siday isku waji garanayan, waxa ad u quruxbadan kolayada qadka.


waxan maalin kadib uso baxay dhanka iyo Harg, waxa kuso beegmay haben, nasib daro iyana ma jiran Nalal, maha astamihi lagu yaqan magaloyinka wawayn sida Nairobi, Kampala, Adis, Muqdisho, dhaman wadoyinku wa cidhiidhi, dhaqdhaqaqu wa kooban yahay, inkasto magaladu fidayso hadana ma jiro hanan si toosa u hagaya qorshaha magalada, waxad arkaysa gododka ka qodan guryaha hortoda si biyaha loogu gororiyo kadib markay gadhiwayen bebabka guryaha, ma jiro dhul u banan danta guud ama wa yaryahay, 


Dhaman xaaladahan cakirani waxay kusoo beegmayan wakhti dalka ay maamusho xukumadii afaraad, ama 22 sano kadib wakhti shacabka intisa badan go'aansadeen inay bari ka noqdan Koonfurta Somalia, guud ahaan hananka noloshu u socota maaha aragti ahaan kuwo inaga saaraya waayaha adag e dalka iyo dadku ku sugan yihiin.
hadaba su'ashaydu waxay tahay: HANAANKA AAN U NOOLNAY MA MA DANBA MISE WAA GARASHO:

Friday, 6 July 2012

JIMICIHII MAANTA IYO BAASHALKI XEEBTA LIIDO,

Jimce Wacan dhaman Akhyaarta.

Maalmihii u danbeyey waxan wakhti kamida Fasaxaygii Summerka ku joogay Magaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho, kadib Markaan laba todobaad kusoo qaatay Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi, Gaar ahaan Xaafada Somalida ee Isliii.


Kaso koow Diifta iyo Daalka ka muuqda Xamar, markaba waxanay indhahaagu hilmaamayn quruxda Dabiiciga ee Magaalada Muqdisho iyo Dhismayaasha iskugu jira Jidadka Waawayn, Taalooyinka Xasuusta dheer, Dhaqanada kala duwan ee dadkeeda, iyo Qaabka Qurxoon ee magaaladu ugu teedsantay Badwaynta Hidia.

kudhawaad 10 Cisho oon ku wareegayey Daraaha iyo dhismayaasha waawayn eey baabiyen Dagaalada sokeeye kana muuqato raadadkii hubabka kala nooca, waxaan maanta nasiib u helay inan jimcahaygii ku qaato Xeebta Caanka ee Liido,

Socdaalkan ooy igu wehelinayeen  Fanaanka Caanka ee Qoojle Shire, Madaxa Hayada CRD, Madaxa shaqada iyo Shaqaalaha xafiska Horn Cable Muqdisho iyo Madax kale, waxaan abaaro 12 duhurnimo ugu baxnay Booqasho tamashla, iyadoo ay na gardadinayeen laba kamida ciidanka ilaalada iyo Police tiro badan.



Markad soo gaadho madasha waxaad si fudud u daalacanaysa dadka iskugu jira dhalin yarada, Haween, siyasiyiin, Ganacsato iyo dhaman qaybaha kala duwan ee bulshada oo qulubka iyo warwarka iskaga saaraya Jawiga macaan ee Badwaynta Hinda oo u dhaxeeya Kulalay iyo Qaboow.

Ugu danbayntii baashalka iyo dabaashi waxay noosoo gaba gaboowday wakhti aan Liido ku qaadanay Jimce xasuus dheer taaso in muda ku jiri doona madaxayga, safarkani wuxu ka qayb yahay socodalkayga dheer een ugu magac daray Dal iyo Dad barasho, kasoon ku jiro badhtamihiisi.

Mahadsanidin dhamaan Asxaabta, wixi faala wan idinka fadhina.


Monday, 2 July 2012

MUQDISHOOY QURUX DAADAD KU QADEE MAALIN WACAN ABAAYO!

Badhtamaha bishii May ee sanadkan ayan go’aan aan kali ku ahay ku gaadhay inaan fasaxayga qayb kamida ku qaato hadi alle Idmo Muqdisho, ha Muqdisho!!, Alle Mahadi ha kagadhe way dhacday.

Abaaro sagaalkii subaxnimo ayay gacaha soo dhigatay diyaradii siday koox rakaba oon ku jiro, kadib markan in muda soo dul haadnay humaaga madow ee badwaynta Hindia, judhiiba markan ka dagay diyarada waxan Cagta la helay dhul uu roob marka ka qaaday, waxa lay sheegay inuu yahay Roob Xagaayed, kaso inta badan xiligan oo kale da, Jawigu wa diirimad, cadeed aya faladheheda ku carbinaysa dhul markasun dhibici ka goday, gabi ahanbe dadki rakabi wa mashqul, Hirarki bada aya dhinaca kale dhulka la dheelaya, jawigu ad ayu u dagan yahay.

Markan soo galay dhismihii Madarka Adan Cade International Airport, markiba waxan indhaha ku dhuftay burburka iyo baylahada ka muuqata Madarka , waxa dadku ku jiran laba saf oo dhadher iyago ukala baxaya Muwadin iyo Ajanib, kkkkk Anu waxan markan ahayd aan idin dhafo idinka, balse waxa xiiso badan in Somali badan galen Safkii Ajanibka, taso markan waxoga la yabana lay sheegay inay sitaa Dhalashoyin kale, kkkk wa Somali iyo warkeedi.

Waxkasta waxay u eegyihiin wax kasoo bilaabmaya meel baaba laxad le, dadku waxa ka muuqata Diif iyo Dihaal badan, Askarta waxay sitaan Dirays ka badan sees ahan, waxa ka muuqata Baahi  iyo Daal, dhaman madasha waxa gacanta ku haya shaqale Somaliyed, inkasto indhahaygu arkan dhawr qof oo Cadaana, hadana Madarka waxa si buuxda hawlihiisa gacanta ugu haysa dawlada TFG, Xaga aminigana waxay gacan wayn ka helaan ciidamada AMISOM.




Markad soo dhafto dhismaha Madarka waxad indhaha ku dhufanaysa shubabka iyo gaashanka Amini ahaan loo qotomiyey ee ku wareegsan Madarka, Gawadhida Gashaman ee Amisom, Askarta iskugu jirta Somali iyo African, Gadiidka shacabka noocyo badan, iyo dad aad u tiro badan oo gacmaha kutuugsanaya dadka ay filayan in waxoga ku dhaman.

Nasiib wanag ninki Taxilaha aha iyo ninki ii Xamaliga ahaba waxan iskusoo raacnay ila Hotelka Caanka ee Saxafi, kaso ku yaal Agaagaraha Km Afar,  iyo Aargada Canka , goobahan oo ah faras magaalo, dhaman waxa kamuuqata soo if baxa noloshii hore ee Muqidho, adoo si fudud u arkaya dadka oo ku mashqulsan hawl malmedkodi, Ciidamad kala duwan oo gaaf waregaya, Trafik oo kala hagaya gaadiidka marmar abuuraya Saxmada.


Guud ahan waxad muqdisho ku arkaysa burburka laxaadka le ee soo gadhay wadoyinka, dhismayasha caanka, sida Taladi Sayidka, Aqalki Umada, iyo dhaman guryihi shacabka, waxad kalo arkaysa Gaadidi aad u liita o dhex goshaya magaalada, gawadhida Gashaman, Tikniko qoryo saran yihin, dad bila diraysa oo qoryo wata, iyo dhaman astaamihi lagu yaqan dal ay ka dhaceen dagaalo sokeeye.

Magaalada Muqdisho waxay qofkasta oo ku cusub way diinaysa su’aalo dareenkaga badalaya, waxay ku muusanabaysaa Aboowe aaway Hanadadii aan waagi hore wax baray, aaway Gashanlayashi 21 Oct loo heesi jiray, Aaway Kooxihi dhalinta u badna ee lixdani u kacay inay iga xoreeyan Gumaystaha, aaway ubadkay dhalen gesiyasi Sayid Maxamed Cabdale, Xaawa Taako, Axmed Guray, Aaway dadkaygii, Aaaway Somalidii aan ku abtirsan jiray!

Waxan alle waynaye ka baryayaa in dadka Tabaalaysan uu kasaaro dhibta isaga awoode, markiba waxad xasuusanaysa Ayadi Karimka ahayd ee “ Alle Qoom ma duleeyo ilaa ay si duleeyan”.