Sunday, 22 July 2012

2 SANO KADIB IYO MUQAALKA DALKA!

DHAMAN RAMADAN KARIM AKHYARTA SHARAFTA BADAN.


Mudo dheer oon ku guda jiray safarkan ugu magac daray Dal iyo Dad barasho, aakhirki waxan soo cago dhigtay Madaarka Berbera, waa madashan 11, June, 2010 ka duulay anoo daba taagna hayaankaygii aqoon korodhsiga ku salaysna, balse nasiib daro maanta arintu sidi hore way ka gadisantay, qiimayntu intii hore way ka xoog badantay, oo xaalkaygu waa NIMAN DHUL MARIN DHAAYO LA.


Dhulka hooyo wa lama huran, laba sano ka hor arinkaygu wuxu ahaa nin jooga halku ku hana qaaday, aduuna wuxu ka og yahay ay iskaba yar yihiin, aragtidisuna ku fadhiday wixi harerihiisa ka socoday,balse maanta waxoga xaalku sida maha, maanta waxad mooda inan soo arkay Dad, Dhaqan, Luuq, iyo Hab nololeed intuba ka duwan kuwii aan ka nuugay Hooyayday Sahra Cadeee!


Intanay cago dhigan Diyaradi an sarna African Airways, waxay indhahaygu  qaban kari waayen, dhulka baladhen eed moodo lama deganka, kasoyo  ka muuqato biyo la'aan iyo xaalufka baahsani, waxa inta dheer cidlada iyo dhaqdhaqaaq la'aanta dhulka ku fadhiya indho qabatinkayga, dhaman arimahani waxay gees marsanyihin Cagaarki, biyo badnaanti iyo camirnaanti Uganda, oo Maxal ii ahaa mudada an ka maqna dalka.


Marki an degnay waxa na jiidhay aniga iyo rakaabki kale kulaylka hawada, kasoo shacabki reer barbara inti awoodaysay ka hayaamiyey guryahoodi, ma jiro wax dadka ka saacida heer kulka sare ee jawiga, markan qado qaatay kadib waxan u dhafay dhanka iyo Batalaale si an biyaha bada iskugu soo qaboojio balse xaalku wa sidi, Magaaladu waxay u eegtay madal laga hayamay, dadka joga wa wax kooban, waxad arki karta guryo cusub, kuwo duuga iyo goobo tirsan oo dadku ku hasaawayo.


Isla galabtiba waxan u dhafay dhanka iyo Burco, waxan cagta saaray wadada yar ee aadka u dhuban taso isku xidha inta badan dalka, kana hadhay dhaxalka yar ee gumaystihi Ingrisku inoga tagay, wa cidhiidhi in gadhi kale ku dhafa, waxa ka muuqda dayac badan, waxa yar calamadaha loo adeegsado hagida wadaha gadhiga, ma badna gadidka na dhafaya, dhinacyada waxa naga hayo buuro aa lahay dhir, marka laga reebo buurta Sheekh, wa wax adag inad sawrato inad ku socoto magalo sida Burco u mihima markad eegto dhaqdhaqaqa gadidka ukala gooshaya labada dhinac, tani wa xaqiiq muujinaysa kala badnanta dhulka iyo dadku alle ku beeray.


goor danbe ayan galay Burco balse ma jiran nalal ifiya wadoyinka, magaladu waxay  u eegtay inay goor hore seexatay, wadoyinku waxay u badan yihin ciid, guryuhu wa dhagax isku wada qaaba, waxay xaga hore ku leeyin barkado biyaha lagu shubto, wayo Magaladu malaha biyo galin fiican, wa ayan daro in Burco wali eegtay Tuulo waynaatay, waxkasta waxay ku dhisan yihin hab dhaqamiya, dadku waxay u macamilan siday isku waji garanayan, waxa ad u quruxbadan kolayada qadka.


waxan maalin kadib uso baxay dhanka iyo Harg, waxa kuso beegmay haben, nasib daro iyana ma jiran Nalal, maha astamihi lagu yaqan magaloyinka wawayn sida Nairobi, Kampala, Adis, Muqdisho, dhaman wadoyinku wa cidhiidhi, dhaqdhaqaqu wa kooban yahay, inkasto magaladu fidayso hadana ma jiro hanan si toosa u hagaya qorshaha magalada, waxad arkaysa gododka ka qodan guryaha hortoda si biyaha loogu gororiyo kadib markay gadhiwayen bebabka guryaha, ma jiro dhul u banan danta guud ama wa yaryahay, 


Dhaman xaaladahan cakirani waxay kusoo beegmayan wakhti dalka ay maamusho xukumadii afaraad, ama 22 sano kadib wakhti shacabka intisa badan go'aansadeen inay bari ka noqdan Koonfurta Somalia, guud ahaan hananka noloshu u socota maaha aragti ahaan kuwo inaga saaraya waayaha adag e dalka iyo dadku ku sugan yihiin.
hadaba su'ashaydu waxay tahay: HANAANKA AAN U NOOLNAY MA MA DANBA MISE WAA GARASHO:

No comments:

Post a Comment