Friday, 6 July 2012

JIMICIHII MAANTA IYO BAASHALKI XEEBTA LIIDO,

Jimce Wacan dhaman Akhyaarta.

Maalmihii u danbeyey waxan wakhti kamida Fasaxaygii Summerka ku joogay Magaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho, kadib Markaan laba todobaad kusoo qaatay Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi, Gaar ahaan Xaafada Somalida ee Isliii.


Kaso koow Diifta iyo Daalka ka muuqda Xamar, markaba waxanay indhahaagu hilmaamayn quruxda Dabiiciga ee Magaalada Muqdisho iyo Dhismayaasha iskugu jira Jidadka Waawayn, Taalooyinka Xasuusta dheer, Dhaqanada kala duwan ee dadkeeda, iyo Qaabka Qurxoon ee magaaladu ugu teedsantay Badwaynta Hidia.

kudhawaad 10 Cisho oon ku wareegayey Daraaha iyo dhismayaasha waawayn eey baabiyen Dagaalada sokeeye kana muuqato raadadkii hubabka kala nooca, waxaan maanta nasiib u helay inan jimcahaygii ku qaato Xeebta Caanka ee Liido,

Socdaalkan ooy igu wehelinayeen  Fanaanka Caanka ee Qoojle Shire, Madaxa Hayada CRD, Madaxa shaqada iyo Shaqaalaha xafiska Horn Cable Muqdisho iyo Madax kale, waxaan abaaro 12 duhurnimo ugu baxnay Booqasho tamashla, iyadoo ay na gardadinayeen laba kamida ciidanka ilaalada iyo Police tiro badan.



Markad soo gaadho madasha waxaad si fudud u daalacanaysa dadka iskugu jira dhalin yarada, Haween, siyasiyiin, Ganacsato iyo dhaman qaybaha kala duwan ee bulshada oo qulubka iyo warwarka iskaga saaraya Jawiga macaan ee Badwaynta Hinda oo u dhaxeeya Kulalay iyo Qaboow.

Ugu danbayntii baashalka iyo dabaashi waxay noosoo gaba gaboowday wakhti aan Liido ku qaadanay Jimce xasuus dheer taaso in muda ku jiri doona madaxayga, safarkani wuxu ka qayb yahay socodalkayga dheer een ugu magac daray Dal iyo Dad barasho, kasoon ku jiro badhtamihiisi.

Mahadsanidin dhamaan Asxaabta, wixi faala wan idinka fadhina.


No comments:

Post a Comment