Monday, 27 February 2012

Semisterki Kowad iyo Noloshaydii Makerere University!

Waxay ku beegnay bilawagii bishii November ee sanadkii 2011 markan fadhistay Class kaygii u horeeeyey ee jamacada Makerere.

Makerere wa jamacada ugu wayn bariga iyo badhtamaha Afrika, waxay kalinta 9 kaga jirta jamacada Afrika, waa jamacada ay kasoo baxeen Madaxweyne Mwai Kibaki(Kenya), Juliet Nyerere (Tanzania) iyo Qoraga Caanka Nuradin Farax iyo dad kaloo magac ku le mandaqada iyo caalamkaba.
Jamacadani waxay ka koobantay 8 School, waxay kala yihiin School Of Medicine, School Of Law, School of Humanities and Social Science, School Of Cmputer and ICT, School Of Vertenary, School Of Engineering and Technology, School Of Environment, Food Science and School Of Agriculture.

Dhaman Schools waxa hoos imada Kuliyado (Faculties) iyo waaxo (Departments), jamacada waxa u sareeya Gudi maamul (Senate), Gudomiye (Chancellor), gudomiye xigen (Vice Chancellor), waxa kusii xiga Madaxda Schools ka, Madaxda Qaybaha iyo Maamulada kale.

Waxan sugayey mudo aad u dheer, waliba waxan si gaara usii doortay course xidhiidhka caalamiga, runtii wa course u qalma in laga barto jamacad sidan u da’a wayn, jamacada waxa la aasaasay 1917 wakhtigas oo gumaystihi Britain u isticmali jiray school farsamada gacanta, mudow kadibna waxa loo rogay jamacada, iyadoo dalka Uganda ka dhigtay hoyga aqoonta dalalka bariga Afrika

Jamacadu waxay ku taal buur dusheeda, waxay kufadhida dhul ad ubaladhan, oo aad u cagaaran, waxa dusha ka qariyey dhir aad u badan una da’a wayn, waxay hoy u tahay  shinbro ad u kala duwan, Gudeheeda waxa ku yaal dhismayaal qadiima, Masajid, Kinasado kala duwan, dhismayal ugara Ardayda, Macaliminta iyo Maamulka Jamacada.

Jamacadani waa goobta inta badan laga daalacado dhaqanada, tarikhda, iyo luuqada qoomiyadaha kala duwan ee dalkan ku nool, wa meesha ay inta badan kazoo aflaxan Aqoonyahanka, Siyasiyinta, Masuulinta iyo Shaqalaha ugu muhisan ee dalku, waa goob aad iyo aad ay u ixtiraaman kuna faanan dadka reer Uganda.

Jamacadani waa hooyada ay ka farcameen labada Jamacadood ee Univeristyo of Nariobi iyo Dara Salam Univeristy, oo labada markii hore ahaa dugsiyo ay maamusho jamacada Makerere.

Kasakoo warbixinta guud, anu waxan nasiib u helay inaan noqdo ardayga qudhe ee Ajanibka ee Classka dhigta, iyo qofka afarad ee Muslimka, arintay waxay culuys badan saartay arimahaygii wax barasho.

Waxa iyana xusid mudan inan astan u noqday Tusale kasta oo xun, maadamoo aan u nisba sheegto wixi laysku odhan jiray Somalia oo bartilmaamed unoqtay dhaman waxa caalamkan carsiga ugu muhimsan saaxada caalamka, sida Budhcad Badeed, Argagixiso, Qaxoonti, Dawlada la’aan, Musuqmaasuq, iyo Khilaaf siyasadeed.

Dhamaan arimahani waxay xidhiidh toosa laleeyin maadada aan dhigto ee Xidhiidhka Caalamka iyo Siyaasad, ka sokoow soo dhawaynta ay dhaqanka uleeyin dadka reer Uganda, hadana waxa xaqiiq inay is waydiinaya sababta ay Somalia sidan u noqotay, waxan filaya wa Su’aal madax daalinaysa.

Isku soo wada dubo waxan ila imika la daala dhacaya inan dhawr iyo labtanka arday een wax wada dhigano ka dhaadhiyo inan S.land ka imi, iyagoo tix raacaya Midabkayga, Luqadayda, Diintayda iyo dhaman sifaha qof lagu hayb sooco, kuna xidhaya cidan iska soocayo ee Somalia.










Thursday, 23 February 2012

Erayadii Dahabka Ahaa Ee Hooyo Macaan!


Waxa laga jooga in ka badan 500 oo cisho markii igu danbaysa wajigan ugu jeclay daawashadiisa, wajiga hooyo  Sahra Aw Ismacil, Sahra Cadee!

Waxan u so jihaysana safarkaygan wali qabyadaa ee dalka Uganda, waxay igu qaadatay hawl adag inan ku qanciyo inaan safarkan galo, iyadoo xasuusan dhibta iyo mashqada taal dhul aanay ii joogin qofka aan ku beernay beerkeeda (Hooyo Macan!)
Laakin waan ku qasbanay inan ku qanciyo, waliba sida ugu dhaw uguna fudud, maskaxdeedana uga saaro sawrada aan fiicnayn ee dhex mushaxaya,  waa hawl adag, waan inan hooyo u sheega waxkasta oo jira. Waayo Hooyo amarkeeda cidi ma diidi karto, waa in la helo si fudud oo logu sharaxo sababta dhabta ee safarka, waa in loo xaqiijiya inan dhalinyara nimo jirin, balse dani kujirto, waliba dan aan shakhsi ahayn balse mid caama.

Hooyo doodeedu waa caday, waayo wakhtigan waxan ka shaqeeya mid kamida shirkada ugu sumcada fican dalka (Telsom), waxan ahay nin sida boqorka loogu adeego, nasiibna u helay in dhaman baahiyisa gaarka ay kormeere ka tahay hooyo  270 cisho aan qudanayey dhiga iyo dheecanada muhimka ee jidhkeeda, waana waxan laga heli dooni goob kalo adunka.
Waxba yaan ku dheeran mudnanata iyo qimaha Hooyo leede, ugu danbayntii waxan xili danbe oo habenkiya (11:00pm), nasib u helay inan lakulmo iyadoo fadhida kabada guriga, wan huba inay aniga isugayso, wayo darenkaygu wuxu aha mid kacsan, aadna u mashqulsana wiigagii u danbeyey, Hooyana inay  arinta ogato  ayay hurdeedi u dhaftay.

Hooyo maxa xiligan kuso jediyey iyo wan iska fadhiyey markan is dhafsanay, ayan u arkay fursad an hooyo ugu sharaxo qorshahayga cusub, balse anigu sidan u go’aansaday inan ka dheerado qof naftiisa iga jecel , waxkaste hore looga maah maahe, xaalkaygu wa Nimaad dhashay kuma dhalin.
Maanan ku odhan dhawr jeer xiligan ha socon, yaan lagu diline, aya dhanka hooyo igaga yimi, maha wax cusub dhaman nolosheda waxay u hurtay daryeelka qayrkeeda, wana hoyo iyo cadadeed, hooyo  meel fog ma joogin ayan  ugu jawabay.

Waxan guda galay waxay aadka u sugaysay, waxan u bilabay sharax dheer oo ku saabsan qorshahayga safar, wixi karankayga aha wan u sharaxay, balse wad qiyasi karta hooyo wiilkedi safar qurbaa tagayo, waxan wadaba ugu danbaynti way ku qanacday, waliba si niyad saman ah.
Hooyo horta Alle ha kuu fududeyo, wax ku dhibana Alle kuma tuso ayay ku bilawday, waxan u bixiyey erayadii dahabka ahaa, kuwason ku xifdiyey meel ad u adag.

Hooyo waxay bilawday dardarankeedi qaaliga aha “ Hooyo Mustafow waxa laga yaba inayna dib isu arag, oo ilahay aya wax maqan og, dhamanten ma garanayno waxa dhici bari, Hooyo hadiba ay dhacdo inan is arki wayno mar labad, waxad yeesha: Diinta iyo Cibaadada Alle ogoow, Dumarka iska jir, Waayo sir naagod si ay kugu siran ayay u badantay, Balwada iyo Qaadka ka dheerow, nin qaad cunay qayrkii ka hadh, Riximka iyo Qaraabada ogoow,Qofkasta wuxu mel dhigto ayu kaso qaataye Hooyo Lexejeclada ha ilabin, Dadku adinkaga iyo afkaga ha ka amaan helo, Meshad ku noshay waliga xili hore u carab, Hooyo waalidka ducada u ogoow(Aabo), xaqbadan ayu kugu leeye, hadiiba aad reer samaysato Hooyo gabadhaada xaqeeda iska ilaali, ilaa ad Reerkaga hore ku filnato, Mid kale ha u haqal taagin, Mustafoow hooyo ducan isku ognee, dantada raaca, oo ina rag wa baratamaya yaan laga dheerayn, aniga akhriyo iyo adunba waxa wax wayn ii ah inankaygii oo magac iyo maamus yeshay,!”
Hooyo alle cimriga ha  u dheeraye, wali waxan nahay saxibo gaara, wali macaan gooyuhu nama kala kaxayn (wadka), Hooyo imika waxay nolosheedi maalinlaha ahayd kuqaadata gurigeeda oo kuyaal badhtamaha xaafada New Hargaysa, iyadoo marba carurtay ayayda u tahay midba mar 40 ka saarta.

Hooyo iyo dhaman walidkeen waxan ilaahay uga baryaya inuu ku sooro janooyinkisa waawayn, nabigiisi subanana (CSW) daris uga dhigo, hadaan sikaste u dadaalno wanaageeda gudim mayne, Amin Amin Amin.!!






Tuesday, 21 February 2012

Noloshaydii Saxibtinimo ma Sidan ayay ku dhamatay?



Saxib waa eray qaata macnayaal badan, waa eray u tagaan xidhiidhka u dhaxeeya laba qof, darajada u saraysa waa saxibtinimada u dhaxaysa labada qof ee nolosha wadaaga, tan u hoosaysana waa ta dhex marta laba qof oo si kalsoniya isku bartay, kadibna dabeecad ahaan isla jaan qaaday, kuwaso wadagay daren iyo duruufo gaara, ilaa wakhti kala geeyey.

Saxibku waa shay aad u mihima, waa wax aan sina looga maarmin, waa wax astaan u ah awood yaranta Aadamaha, Alle mooye ma jirto cid ka maaranta Rafiiq, waxa ina tusaya ahmiyadiisa in Alle Wayna oo xume ka Nasahnaye ku daray Maalka iyo Ubadka, markuu ka hadalayey dhibta maalinta Qiyamaha.

Diinteena suuban aya kaalin muhima siisay saxibka iyo saamaynta uu kuleeyey xayndaabka nolosha  qofka, Rasulki Suubanana (CSW), wuxu tusale u sooqaatay Cadar le iyo kaboole, isago tusalaynayna kaalinta ay ku kala jiran Xasibka xun iyo ka wacani, iyo sidu midkasta samayn toosa ugu leeyey nolosha qofka.

Murti badan aya ku soo aroortay saaxibka, murtidaas oo laga helo inta badan luuqadaha caalamka, erayga laftiisanu macne ahaan wuxu u taagan yahay dhawansho,  taasoo macneheedu yahay qofka inta badan dadka kale kaaga dhaw ama aad jeceshay inuu wax ka ogaado arimaha kuu gaarka.

Kasokoow araarta guud, noloshayda saxibtinimo ayaa ah mid xiiseheeda gaarka le, laga soo bilaabo ila maalintan raad qaaday ila manta tirada shakhsiyadka noloshayda saaminta kule  kor ayay u cosdeen, iyadoo kasoo kala galaya goobo iyo marxalado kala duduwan.

Nasiib wanaag waxa shabakada saxibaday xiisaha gaarka uyeelay ayay ugu wayntay qoyska aan kaso joodo oo baladhan, gabi ahaantina ah dad magaalo ku kora, kuwasoo ku xidhan dadyaw kala duwan, caana ka ahaa deegankaan ku kornay.

Laakin maalin kastoo noloshayda Idhaaftaba waxad mooda inaan kasii iba furamaya dareenkii macana ee saxibtinimo, waxan habeenba habeenku ka danbeeyo kasii furmaya ashkhaas qiima gaara noloshayda ku le, anoo kuwa cusubna kusoo dhawaynaya noloshayda si aan iswaydiin lahayn.

Waxad mooda in mudoyinki u danbeeyey ay noloshayda gadhwadeen ka ahayd dan, taaso marba meel u jeedinaysay ama iyadu jaan gooyn ku samaynysay hadba cidan raacayo ama la saaxibayo.

Arintani waxay toos iigu cadaaday markan raxantii u horeysay ee saxibaday ahaa, kuwason laso qaatay ayamihi carurnimo, midba mar si gaara u macasalameyey, maray u jihaysten waxan u bixiye “Dheemalkii Nolosha”,

Waxa yar kadib ayan iyana nabadeey ku dhaafay lodki labad oo aha kuwan lasoo qaatay noloshi jamacadeed mar aan uso xidhxidhna safarkaygi waxbarasho ee dalka Uganda.

Iskuso wada duubo manta waxa hubaala in qofkasta ku danbaynayo inuu ku mashquulo noloshiisa gaarka, isagoo meel iska dhigaya waxkasto ku qaaliya, iyadu dantiisu u noqon doonta saxib iyo cadaw wada socoda ama midi laba af le.



         




Thursday, 16 February 2012

Had'yada Iyo Qiimaha Ay Leeday!!


Had yadu waa shay loo qoondayey ujeedo gaara, waxay ka koobnan karta ashyaa kala duwan, inta badan waxa nooca hadyada iyo qimeheeda jaan gooya hadba deeganka aad ku nooshay.

Hadyadu waxay kaalin muhima kaga jirta soo jiidashada qalbiga qofka bina aadamka, waxay kaalin muhima ka ciyaarta kasloonida iyo is aaminka quluubta bina aadamka, inta badna isku seega nolosha iyo hantaqooyinkeda.

Waxa xusid mudan in diinteeda islaamku dhiiri galisay, arintaana waxa kuu cadaynaya in Rasuulkii suubana (CSW) qaadan  jiray hadyahada iyado ay xaaran ka ahayd sadaqadu, waxa kalo soo aroortay inuu yidhi isku  had yadeeda aad isjeclatane.

Dhanka kale waxa la diiday in hadyad la siiyo madaxda iyo dadka haya mansabyada sarsare si  looga dheerado in tuhin yimaado ama loo arko beerlaxawsi, arinka waa dhaqan ay wadaagan umadaha adunku.

Markan nimaadno dunideenan casriga hadyadu waa shay lagu kala aragti duwan yahay,  markaad eegto xaawa iyo dhasheeda waa shay biyo kama dhib caan ah, waa shay aad agtooda looga qadariyo, waxay ugu jirta meel aad ugu qaaliya, cida fahantana waa cida hesha furaha quluubtooda.

Balse Aadam iyo faracisu way ku kala aragti duwan yihiin, inta badan waxay u arkan wax aan laysku lulin, halka in yar u arkaan shay qiimo le, balse aan u qalmin wakhti badan, halka kuwa kalena  iskaba yartay inay u adeegsata soo jiidashada quluubta Reer Xaawa.

Waxaynu inteena badan hadyad u naqaan wax ad u qimo yar oo qof u geeyo qof kale, waliba inta badan lab iyo dhadig, balse hadyadu inta way ka baladhantay, waxa dhacda in dawladaha caalamku isdhafsadan hadyado iyago tusinaya heerka xidhiidhkooda.

Inta badan ubaxa ayaa caan ku noqday wax yaabaha layskugu hadyadeeyo iyadoo sababtu tahay inuu koobsaday arimo badan sida: Qurux, Udgoon, Jileec iyo Midab badnaan, waxa kale oo so raaca macmacaanka iyo agabka uduga sida cadarada, balse hadyadu wax kaste way noqota, xataa xabad timira ha noqote.

Waxan inteena badan hilmaamna wax yar oo aan siino cida aan rabno inan quluubteeda kasbano, inoogu isku mashquulinayna wax yaaobo badan oo laga yaabo inay ka qaalisan yihiin,

Isku day inaad barato sida loo siiyo hadyada dadka ixtiramka ku le noloshada, sida Xaaskaga/Saygaaga, Macalinkaga, Saxibkaaga qaaliga, Qofka aan nolosha ka damacsantay, waxba ha isku mashqulin Noca iyo Qimaha had yada, wayo waxa kalsoonida abuura waa garashada iyo niyad samanta loo gudbiyo.

Ugu danbaynii ha ilaabin Hadalkii Subanaha (CSW) isku hadyeeya aad isjeclaatane, ha yaraysan  hana quudhsan, waayo hadyadu waxay gooysa waxaan lacagta iyo awoodu gooyn, waxay goysa Qalbiga qofka bini aadamka.!!








Sunday, 12 February 2012

Intan Xoolaysanayo Ha ii Xidhnado Jacaylku?

Waa ayaamihi u horeeyey ee sanadka 2012, qofkasta wuxu la yaaban yahay Sabti Jimce baacsanysa , waa xaqiiq wakhtiga iyo mawjadu nina ma sugan, habenka iyo malintuna wa awood inaga saraysa!

Waa waxa nolosha adun ugu qiimaha badan labaane da'a yar oo nolosha ilsa fahmay, go'an ku gadhay inay ka wada baxan hayaanka dheer ee nolosha aduun oo u saxiba isbadal joogta, waxay kuheeshiyen inay habeen wada farxan, mid kale niyada isku dhisan, mid sadexad riyooyinka nolosha iska dhagaystan, midka xiga haday ubad leyin la dheelan, wa barbaar jacayl dhabta saartay haday noloshu hirdada ka dayn lahayd geeloda fiiq u biyo doonan laha, balse wa waxan la helayn.

Si kastaba ha ahaate dad badan oon ku jiro ayay noloshii ka noqtay ninki loo diray hangoolka ee inba meel kuso arkay, noloshu marba meel ayay afka saaraysa wax manta muhim ku ahaa ayay bari leeday maye xaaji tana ka horeysa, wa hawl adunyo ma tobnoodo, arini wa wax la wayey geelo ninki walanba u duda.

Dhawr sano ka hor arin waxan meel dhigay bal jamacada dhame, gadaal ayan haben madaw kaga daray shaqa muhim ah xaaji (xaaji lacag doon!), shir qarsoodiyo dhacay hadana waxan cod hal dheeriyo ku ansixieyey  in Master la raaciyo, waar  miyanay dhamanayn, waxan shaki la'aan isku qanciyey waar maad ka buuga dhinac bal horta dhigti, hal canbaraysan geed .........!

Waxay arini sidii ahaata waxa dhawan miiska lasoo dhigay Agende khilaf badan dhaliyey, hal mar ayunba lagu war helay dhalashada sanadka cusub iyo maca salamaynta sanadki hore, ya iyo maxa xigi ayay xajo noqtay, yan waxaba hadal idinku dalin arini waxay ku biyo shubatay Agenda in la laalo, balse waxkasta waxay leeyin war kalfadhiga aan caadi ahayn iskugu yeedhe golaha in Barudow, qorshahana ka dooda, iyo xaaji haregeeda inoooga da!

Wa nin iyo waagiye noloshu macaana hadana so daal badana (madax adka), xiisa wayna hadana xamaasad kulula, saaxibo badana hadan wayo aragniyo yara, lacag badana  hadana qiima yara, wararku xiiso badan (hablaha la jabiyey) hadana dadku madax adka, iskusoo duubo xaajo talo ka marmiwayday.

Waxan baaxa dago, waxan X iyo Y midba qiima siiyo, Waxan > iyo <  miba meel ula kaco,Waxan u dabaal joogteyaba,  waxay talo kusoo ururtay Intaa Xoolo Yeelanyo, Xarun aan Aqaan Xayn daab ka jeexayo, Xaaliyey ha ii Xidhaando Jacalyku.