Thursday, 16 February 2012

Had'yada Iyo Qiimaha Ay Leeday!!


Had yadu waa shay loo qoondayey ujeedo gaara, waxay ka koobnan karta ashyaa kala duwan, inta badan waxa nooca hadyada iyo qimeheeda jaan gooya hadba deeganka aad ku nooshay.

Hadyadu waxay kaalin muhima kaga jirta soo jiidashada qalbiga qofka bina aadamka, waxay kaalin muhima ka ciyaarta kasloonida iyo is aaminka quluubta bina aadamka, inta badna isku seega nolosha iyo hantaqooyinkeda.

Waxa xusid mudan in diinteeda islaamku dhiiri galisay, arintaana waxa kuu cadaynaya in Rasuulkii suubana (CSW) qaadan  jiray hadyahada iyado ay xaaran ka ahayd sadaqadu, waxa kalo soo aroortay inuu yidhi isku  had yadeeda aad isjeclatane.

Dhanka kale waxa la diiday in hadyad la siiyo madaxda iyo dadka haya mansabyada sarsare si  looga dheerado in tuhin yimaado ama loo arko beerlaxawsi, arinka waa dhaqan ay wadaagan umadaha adunku.

Markan nimaadno dunideenan casriga hadyadu waa shay lagu kala aragti duwan yahay,  markaad eegto xaawa iyo dhasheeda waa shay biyo kama dhib caan ah, waa shay aad agtooda looga qadariyo, waxay ugu jirta meel aad ugu qaaliya, cida fahantana waa cida hesha furaha quluubtooda.

Balse Aadam iyo faracisu way ku kala aragti duwan yihiin, inta badan waxay u arkan wax aan laysku lulin, halka in yar u arkaan shay qiimo le, balse aan u qalmin wakhti badan, halka kuwa kalena  iskaba yartay inay u adeegsata soo jiidashada quluubta Reer Xaawa.

Waxaynu inteena badan hadyad u naqaan wax ad u qimo yar oo qof u geeyo qof kale, waliba inta badan lab iyo dhadig, balse hadyadu inta way ka baladhantay, waxa dhacda in dawladaha caalamku isdhafsadan hadyado iyago tusinaya heerka xidhiidhkooda.

Inta badan ubaxa ayaa caan ku noqday wax yaabaha layskugu hadyadeeyo iyadoo sababtu tahay inuu koobsaday arimo badan sida: Qurux, Udgoon, Jileec iyo Midab badnaan, waxa kale oo so raaca macmacaanka iyo agabka uduga sida cadarada, balse hadyadu wax kaste way noqota, xataa xabad timira ha noqote.

Waxan inteena badan hilmaamna wax yar oo aan siino cida aan rabno inan quluubteeda kasbano, inoogu isku mashquulinayna wax yaaobo badan oo laga yaabo inay ka qaalisan yihiin,

Isku day inaad barato sida loo siiyo hadyada dadka ixtiramka ku le noloshada, sida Xaaskaga/Saygaaga, Macalinkaga, Saxibkaaga qaaliga, Qofka aan nolosha ka damacsantay, waxba ha isku mashqulin Noca iyo Qimaha had yada, wayo waxa kalsoonida abuura waa garashada iyo niyad samanta loo gudbiyo.

Ugu danbaynii ha ilaabin Hadalkii Subanaha (CSW) isku hadyeeya aad isjeclaatane, ha yaraysan  hana quudhsan, waayo hadyadu waxay gooysa waxaan lacagta iyo awoodu gooyn, waxay goysa Qalbiga qofka bini aadamka.!!








No comments:

Post a Comment