Makerere wa jamacada ugu wayn bariga iyo badhtamaha
Afrika, waxay kalinta 9 kaga jirta jamacada Afrika, waa jamacada ay kasoo
baxeen Madaxweyne Mwai Kibaki(Kenya), Juliet Nyerere (Tanzania) iyo Qoraga
Caanka Nuradin Farax iyo dad kaloo magac ku le mandaqada iyo caalamkaba.
Jamacadani waxay ka koobantay 8 School, waxay kala
yihiin School Of Medicine, School Of Law, School of Humanities and Social
Science, School Of Cmputer and ICT, School Of Vertenary, School Of Engineering
and Technology, School Of Environment, Food Science and School Of Agriculture.
Dhaman Schools waxa hoos imada Kuliyado (Faculties) iyo
waaxo (Departments), jamacada waxa u sareeya Gudi maamul (Senate), Gudomiye
(Chancellor), gudomiye xigen (Vice Chancellor), waxa kusii xiga Madaxda Schools
ka, Madaxda Qaybaha iyo Maamulada kale.
Waxan sugayey mudo aad u dheer, waliba waxan si gaara
usii doortay course xidhiidhka caalamiga, runtii wa course u qalma in laga
barto jamacad sidan u da’a wayn, jamacada waxa la aasaasay 1917 wakhtigas oo
gumaystihi Britain u isticmali jiray school farsamada gacanta, mudow kadibna
waxa loo rogay jamacada, iyadoo dalka Uganda ka dhigtay hoyga aqoonta dalalka
bariga Afrika
Jamacadu waxay ku taal buur dusheeda, waxay kufadhida
dhul ad ubaladhan, oo aad u cagaaran, waxa dusha ka qariyey dhir aad u badan
una da’a wayn, waxay hoy u tahay shinbro
ad u kala duwan, Gudeheeda waxa ku yaal dhismayaal qadiima, Masajid, Kinasado
kala duwan, dhismayal ugara Ardayda, Macaliminta iyo Maamulka Jamacada.
Jamacadani waa goobta inta badan laga daalacado
dhaqanada, tarikhda, iyo luuqada qoomiyadaha kala duwan ee dalkan ku nool, wa
meesha ay inta badan kazoo aflaxan Aqoonyahanka, Siyasiyinta, Masuulinta iyo Shaqalaha
ugu muhisan ee dalku, waa goob aad iyo aad ay u ixtiraaman kuna faanan dadka
reer Uganda.
Jamacadani waa hooyada ay ka farcameen labada
Jamacadood ee Univeristyo of Nariobi iyo Dara Salam Univeristy, oo labada
markii hore ahaa dugsiyo ay maamusho jamacada Makerere.
Kasakoo warbixinta guud, anu waxan nasiib u helay inaan
noqdo ardayga qudhe ee Ajanibka ee Classka dhigta, iyo qofka afarad ee
Muslimka, arintay waxay culuys badan saartay arimahaygii wax barasho.
Waxa iyana xusid mudan inan astan u noqday Tusale kasta
oo xun, maadamoo aan u nisba sheegto wixi laysku odhan jiray Somalia oo
bartilmaamed unoqtay dhaman waxa caalamkan carsiga ugu muhimsan saaxada
caalamka, sida Budhcad Badeed, Argagixiso, Qaxoonti, Dawlada la’aan,
Musuqmaasuq, iyo Khilaaf siyasadeed.
Dhamaan arimahani waxay xidhiidh toosa laleeyin maadada
aan dhigto ee Xidhiidhka Caalamka iyo Siyaasad, ka sokoow soo dhawaynta ay
dhaqanka uleeyin dadka reer Uganda, hadana waxa xaqiiq inay is waydiinaya
sababta ay Somalia sidan u noqotay, waxan filaya wa Su’aal madax daalinaysa.
Isku soo wada dubo waxan ila imika la daala dhacaya
inan dhawr iyo labtanka arday een wax wada dhigano ka dhaadhiyo inan S.land ka
imi, iyagoo tix raacaya Midabkayga, Luqadayda, Diintayda iyo dhaman sifaha qof
lagu hayb sooco, kuna xidhaya cidan iska soocayo ee Somalia.
No comments:
Post a Comment