Sunday, 12 February 2012

Intan Xoolaysanayo Ha ii Xidhnado Jacaylku?

Waa ayaamihi u horeeyey ee sanadka 2012, qofkasta wuxu la yaaban yahay Sabti Jimce baacsanysa , waa xaqiiq wakhtiga iyo mawjadu nina ma sugan, habenka iyo malintuna wa awood inaga saraysa!

Waa waxa nolosha adun ugu qiimaha badan labaane da'a yar oo nolosha ilsa fahmay, go'an ku gadhay inay ka wada baxan hayaanka dheer ee nolosha aduun oo u saxiba isbadal joogta, waxay kuheeshiyen inay habeen wada farxan, mid kale niyada isku dhisan, mid sadexad riyooyinka nolosha iska dhagaystan, midka xiga haday ubad leyin la dheelan, wa barbaar jacayl dhabta saartay haday noloshu hirdada ka dayn lahayd geeloda fiiq u biyo doonan laha, balse wa waxan la helayn.

Si kastaba ha ahaate dad badan oon ku jiro ayay noloshii ka noqtay ninki loo diray hangoolka ee inba meel kuso arkay, noloshu marba meel ayay afka saaraysa wax manta muhim ku ahaa ayay bari leeday maye xaaji tana ka horeysa, wa hawl adunyo ma tobnoodo, arini wa wax la wayey geelo ninki walanba u duda.

Dhawr sano ka hor arin waxan meel dhigay bal jamacada dhame, gadaal ayan haben madaw kaga daray shaqa muhim ah xaaji (xaaji lacag doon!), shir qarsoodiyo dhacay hadana waxan cod hal dheeriyo ku ansixieyey  in Master la raaciyo, waar  miyanay dhamanayn, waxan shaki la'aan isku qanciyey waar maad ka buuga dhinac bal horta dhigti, hal canbaraysan geed .........!

Waxay arini sidii ahaata waxa dhawan miiska lasoo dhigay Agende khilaf badan dhaliyey, hal mar ayunba lagu war helay dhalashada sanadka cusub iyo maca salamaynta sanadki hore, ya iyo maxa xigi ayay xajo noqtay, yan waxaba hadal idinku dalin arini waxay ku biyo shubatay Agenda in la laalo, balse waxkasta waxay leeyin war kalfadhiga aan caadi ahayn iskugu yeedhe golaha in Barudow, qorshahana ka dooda, iyo xaaji haregeeda inoooga da!

Wa nin iyo waagiye noloshu macaana hadana so daal badana (madax adka), xiisa wayna hadana xamaasad kulula, saaxibo badana hadan wayo aragniyo yara, lacag badana  hadana qiima yara, wararku xiiso badan (hablaha la jabiyey) hadana dadku madax adka, iskusoo duubo xaajo talo ka marmiwayday.

Waxan baaxa dago, waxan X iyo Y midba qiima siiyo, Waxan > iyo <  miba meel ula kaco,Waxan u dabaal joogteyaba,  waxay talo kusoo ururtay Intaa Xoolo Yeelanyo, Xarun aan Aqaan Xayn daab ka jeexayo, Xaaliyey ha ii Xidhaando Jacalyku.

No comments:

Post a Comment