Monday, 25 November 2013

Safar Salaama.



Maalin iskugu jirtay safar iyo shaqo ayaa fiidkii caawa nagaga soo af go'day Magaalada Burco kadib markaan xalay nuskii danbe kasoo guuraynay Caasimada Hargaysa, Safarkan ayaa daarnaa U kuurgalida xaaladaha hablaha iyo heerkooda waxbarasho, gaar ahaan caruurta, waa hindise cilmi-baadhiseed ay wado Haayada Care International, iyadoo gacan ka helaysa Ururada Social Impact iyo Smart Vision, kadib markii Dawlada UK go'aansatay inay muddo saddex sanaa kobciso heerka aqoonta gabadhaha soomaaliyeed ayay Mashruucan soo dhex marisay Gacanteeda Kaalmooyinka dibada, iyadoo kadibna soo martay tiroba ilaa shan jaranjaro, ha la yaabin wa dhaqanka Haaydaha oo Kalsooni kuma qabaan dawladaha Saboolka.

Safarkaygan ayaa ku wajahan gobolada bariga dalka, gaar ahaan Ceerigaabo, Laascaanood, Buuhoodle iyo Burco, marka laga imaado sheegashada Care iyo Xulufadeeda ee u kuurgalka Xaalada Aqooneed ee gabdhaha, Aniga waxay i tahay fursad gaara, Waxaan Hadii alle idmo Dugasho iyo fiira gaara u yeelan doonaa xaalada nololeed ee gobolada Dalka ka hadhay kuwaaso xaqoodi lagu cuno Hargaysa, inshala xertana waxaan kala wadaagi doonta barteenan FB.

Safarkan shaqo ayaa kusoo beegmaa wakhti aan dhawaan aasaasanay Machadkeena Horn Research Center {HRC}, kaas oo ujeeedadiisu tahay raadinta mashaalkilka bulshada Gobolkasta iyo Fikirkasta, Yeelkeeda Safarkii dheera ee saaka waxaan Daalkii ku ilaabaya Cagaarkii iyo Cosobkii ka muuqday Dhulka Lama dagaan u eeka haa ee u dhaxeeya Burco iyo Hargaysa, kaas oo iskugu jira Dhul joogisiius sareeyo, Guban xeeb iyo Haraad badan ka muuqdo iyo Banaan xoolo daaqsinka ku haboon, dhanka kale waxan anaga iyo darawalkii is waydiinayn qorshaha Dhisida wada Ceerigaabo iyo Xaalada imika wadada Berbera ila Hargaysa oo ah ta ay nolosha Dalku ku xidhantahay wakhti xaadirkaa. Jawaabtu waa kugu adi?

Wednesday, 20 November 2013

Kampala Magaalo Badashay Aragtidii Noloshayda!



Ku dhawaad 4 sanadood ayay Kampala, Caasimada Uganda ii ahayd hoy iyo badalka Magaaladi aan ku raad qaaday ee Hargaysa, dhawrkaa sano waxay badaleen guud ahaan majarihii noloshayda gaarka, ma fili karo inay raacin doonto ta qoyska Baaruudiya iyo guud ahaan qaranka Yar ee Maamul xumadu dhaxalsiisay Saboolnimada Baahsan iyo Abtirsiinta muuqinsay Aqoontii iyo Caqligii muwaadiniintiisa, balse Allaha wayn ayaan ka baryayaa inay dhanka fiican u dhacdo, Kampala waa Caasimadii 7 buurood, waa Hooy ay ku noolyihiin ilaa 5 million oo qof, kuwaaso 2 kamidii fiidkii uga caraabaan daafaheeda, waxay ubuc u tahay guud ahaan nolosha 34 million ee dhalasho ahaan u nasab sheegtay dalka yar ee Uganda oo masaafadisu ka yartahay S.land, dhaqaalihiisuna ku kobcayo 8% celcelis ahan, deegaan ahaana dhaca badhtamaha Dalalka Harooyinka Waawayn ee Tanzania, Kenya, Congo iyo S. Sudan, Kampala iyo Uganda-ba waxa 26 sanee u danbeeyey baarqab u ahaa General, Doctor Yuweri Kagute Museveni, yo Sixibigiisa awooda badan ee NRM.

Kampala waaa kobitii aan ka bilaabay hindisahayga Qoraal, War-fidisinimo iyo ku Foolanaanta guud ahaan arimaha Bulshada ama Siyaasada, Waxaan siyaabo kala duwan ugu xidhmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Degan, fikirkasta iyo gobolkastoo ay kasoo jeedan, Waxaan la dabaal dagay, Khatumo, Maakhir, oo dhul ahaan iyo nasab ahaanba isnahay, balse Fikir ahaan naloo kala sheekeeyey, Waxaan la dheelay Putland, Galmudug, Jubaland, iy qolyahaan reer Hargaysa ahaan ku xaman jirnay Wala-weyne, taasa keentay inaan qaato magacyo tiro badan, Siyaasiga, Wariyaha, Qoraaga, Mustafe Qawdhan, Reer-waqooyi, Arday iyo Safiirka.

Waxaan xidiidh toosa la lahaa dhamaan qaybaha kala duwan ee shakhsiyaadka ku nool Uganda badankooda, Haday noqoto qolyaha Masaajida noloshooda u xidhay, kuwa ganacsiga u tafa-xaytay, ardayda Qalinkoodu wali khadka leeyahay iyo ashkaasta noloshooda caadiga ku foolan, waxaan xan iyo dhuumasho dhabarku muuqadaba ku qaatay Deegaanta cagaaran ee Kampala, Waxaan 12 Doctor oo ku takhasusay Xanuunada Qaarada iyo guud ahaan Dunida sadexaadba ka dhagaysatay Afkaartooda iyo waxay xalka u arkaan, Aniga, Akhyaarta sharata badan iyo guud ahaanba dadka ku xidhan qormooyinkan waxaan leeyey Aan wada akhrino bogaga cusub ee nolosha iyo dhulkeena hooyo.

Tuesday, 19 November 2013

Hargaysa iyo Cawayska Fiidkii.



Aan idin xasuusiyo Hargaysa iyo Cawayska fiidka, fahan ahaan waxaan usoo qaadan lahaa Ruwaayadii caanbaxday ee ‘Way-iskugu-timi-ismana-oga’, inta badan waxay hotel-ada cawaysku ku yaalan goobo ka baxsan saxmada magaalada, baaxad ahaan waxay ku fadhiyaan dhul balaadhan, cagaaran, oo aad u dagan, halkaas oo aad ka helayso Hantiga qudhee Dalkeenu leeyahay “Hawo-saafi ah’, marka laga imaado xoolaha nool iyo Macdanta warkeedu yahay awoow laga soo gaadh, Waxaad markaad soo gashaba dareemaysa jawi ku fiican Sheeko, Kaftan iyo Hasaawe laba-ba halku doono ha u gaadhe, waxaad si tartiib tartiib ah u luminaysa daalkiii shaqada, adoo isha la raacaya goobaha qaar duurjoogta ku nool ama sanka u taagaya Uduga kasoo baxaya dhirta laga soo dhoofiyey dibada ee ku teedsan agtaada, Hadiiba wakhtiga saladu ku gaadana waxaad adoo nafisa ku kici Masjid goobtu leedahay.

Inta badan waxaan Asxaab badan kula kulmay goobo kala duduwan, gaar ahaan dhanka Bari, Koonfur, iyo Galbeed ee Caasimada, marka laga imaado Magaca goobta, dhamaan adeegyadu waxay ahaayeen kuwo isku mid ah, Wiilal ku labisan dharka shaqada ayaa kugu qaabilaya erayada Macmiilka lagu so dhaweeyo ee Soo dhawaada iyo Maxaan idin keena, cabaar kadib waxaad Miiska boos uga raadinaysa Suxuun tiro badan, kani wa Kaas, Kaasi waa maraq, Kani waa Shaah, Kaa kale waa Caynkaas, Kuwaasi waa Qaadooyin iyo Midiyo Dhawr nooc ah, Markaasad dareemaysa inaad joogto Hotel gabi ahaanba ka duwan kuwii dhaqankeenu ahaa ee Waar Ii dhiib Nafar Caynkaasa, Iyo Mudalab Qalyo la taagan Irida: Intaa Qaad ka shaadhka cas, iyo Wiilka Saabanka oo hadba dhinac ku jiidhaya: Sufarkan badal, Dhiishka meesha ka qaad.

Waxa inta ii raaca Adeega Zaad oo fududeeyo Hawlihii shaqo, Warqada qaan sheegta, waxa xiga Waan ku tuuray, maxaa yeelay Qaan sheegtu Waa Dollar, Zaad-kuna waa Dollar, Waxaad cunaysaaana waa Cunto Galbeed, farsamo ahaan loo sameeyey Sidii Galbeedka, Wiilka adeegaya iyo Luuqada aad is dhaafsanaysaana waa Tii galbeedka, Waxaan Hayaa Fish, Steak, Chicken, iyo Waxaad Ii keenta Coffee iyo Finger Fish, Nasiib daro se qoladani waa Qolyaha Ilaahay ka badbaadiyey Maandoorshaha Qaadka, Qiyaas ahaan waa tiro aad u yar bulshada. Guntii Ha hilmaamina Gacmihiina Yaanay idin nabsiyin ayaan difaaca kaga jiray Baaruud ahaan, oo Fork iyo Spoon warkoodu igu socon waa.

Hargaysa iyo Warbaahinta:


Waa aroor hore, wuxuu waa san kuugu baryey Hargaysa, intaanad quraacan waxaad maqli Miisiga Idaacada afka soomaaliga ku hadasha ee fadhigeedu yahay Washinton {VOA}, markay taasi dhamato waxaanad hadana dhagahaaga u diidi karin miisigi caanka ah ee BBC, laanteeda afka soomaaliga ku hadasha ee London, dhanka kalena Waxa ka hoos guuxaysa Idaacada Radio Hargaysa oo iyana itaalkeeda isku dharerinaysa Idaacadaha laga leeyey dalalka aduunka ugu Waawayn, dhamaantood waxay baratan ugu jiraan inay kugu war galiyaan Wararka Soomaalida iyo kuwa ugu doorka roon Aduunkan dhib u jooga, kadibna waada Subaaxi ku bilaabay khilaaf, Muran, Naxdin iyo Sharaysi ay kugu dhaliyeen wararkii cusbaa, kuwaso u badnaa dhanka xun.

Markaad dhankaa iyo suuqa u soo dhaadhacdo si aad qaybinta Arsaaqada Alle uga qayb gasho, waxaad Magaalada kula kulmaysa Wargayso tiradooda 10 kor u dhaaftay, dhamaantood waa 8 bogg, waana isku ujeedo {Siyaasad iyo Xayeysiin}, ma jiro mid intaa ka baxsan, mana jiro mid ku foolan Dhaqaale, Deegaan, Sports gudahaa, Khayraadka dalka, Cilmi iyo wixi la hal maala, dhamaantood Magaca meeyo Nuxurka waa Nin iyo Hadhkii, waxay u tafa xayteen soo gudbinta wixi shalay dhacay, gaar ahaan Siyaasada , waxa intaa dheer qaarkood ayaaba been ku dara wararkoda, Hadii aad awood u leeday dhanka isticmaalka iyo Helida aalada Internetkana Waa adi iyo Kartidaa inaad booqato intaad doonto oo Websites ah, kuwaaso dhamaantood war fidiyeeno ah, run iyo been kay la martaba.

Haday Fiidka gaadho waa TV-yo kor u dhaafaya 10 oo dhamaantood aad moodo inay isku maamul yihiin, Marka laga yimaado Arimaha Diiniga, waxa ugu xiiso badan Salaamaha, Heesaha, Shaashad-ku-dirirka{Boobe}, iyo Maxay kula tahayda, Iyana ha sheegin wax aad u buuran oo dhanka bulshada ah, dhamaan arimahani waxay Hargaysa iyo shacabkeedii u badaleen wada warfidiyeen, Ceeb maaha in qof ku waydiiyo su’aalo badan sidii wariye, iyo in bulshadu wakhtigeeda qaaliga ku lumiso fadhi ku dirir, kaaso aakhirka abuura maskax madoobaad, Gunaanadkii Waa Xoriyad si khaladan loo adeegsaday, taaso kaw ka ah khaladaad badan oo jira.