Wednesday, 20 November 2013
Kampala Magaalo Badashay Aragtidii Noloshayda!
Ku dhawaad 4 sanadood ayay Kampala, Caasimada Uganda ii ahayd hoy iyo badalka Magaaladi aan ku raad qaaday ee Hargaysa, dhawrkaa sano waxay badaleen guud ahaan majarihii noloshayda gaarka, ma fili karo inay raacin doonto ta qoyska Baaruudiya iyo guud ahaan qaranka Yar ee Maamul xumadu dhaxalsiisay Saboolnimada Baahsan iyo Abtirsiinta muuqinsay Aqoontii iyo Caqligii muwaadiniintiisa, balse Allaha wayn ayaan ka baryayaa inay dhanka fiican u dhacdo, Kampala waa Caasimadii 7 buurood, waa Hooy ay ku noolyihiin ilaa 5 million oo qof, kuwaaso 2 kamidii fiidkii uga caraabaan daafaheeda, waxay ubuc u tahay guud ahaan nolosha 34 million ee dhalasho ahaan u nasab sheegtay dalka yar ee Uganda oo masaafadisu ka yartahay S.land, dhaqaalihiisuna ku kobcayo 8% celcelis ahan, deegaan ahaana dhaca badhtamaha Dalalka Harooyinka Waawayn ee Tanzania, Kenya, Congo iyo S. Sudan, Kampala iyo Uganda-ba waxa 26 sanee u danbeeyey baarqab u ahaa General, Doctor Yuweri Kagute Museveni, yo Sixibigiisa awooda badan ee NRM.
Kampala waaa kobitii aan ka bilaabay hindisahayga Qoraal, War-fidisinimo iyo ku Foolanaanta guud ahaan arimaha Bulshada ama Siyaasada, Waxaan siyaabo kala duwan ugu xidhmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Degan, fikirkasta iyo gobolkastoo ay kasoo jeedan, Waxaan la dabaal dagay, Khatumo, Maakhir, oo dhul ahaan iyo nasab ahaanba isnahay, balse Fikir ahaan naloo kala sheekeeyey, Waxaan la dheelay Putland, Galmudug, Jubaland, iy qolyahaan reer Hargaysa ahaan ku xaman jirnay Wala-weyne, taasa keentay inaan qaato magacyo tiro badan, Siyaasiga, Wariyaha, Qoraaga, Mustafe Qawdhan, Reer-waqooyi, Arday iyo Safiirka.
Waxaan xidiidh toosa la lahaa dhamaan qaybaha kala duwan ee shakhsiyaadka ku nool Uganda badankooda, Haday noqoto qolyaha Masaajida noloshooda u xidhay, kuwa ganacsiga u tafa-xaytay, ardayda Qalinkoodu wali khadka leeyahay iyo ashkaasta noloshooda caadiga ku foolan, waxaan xan iyo dhuumasho dhabarku muuqadaba ku qaatay Deegaanta cagaaran ee Kampala, Waxaan 12 Doctor oo ku takhasusay Xanuunada Qaarada iyo guud ahaan Dunida sadexaadba ka dhagaysatay Afkaartooda iyo waxay xalka u arkaan, Aniga, Akhyaarta sharata badan iyo guud ahaanba dadka ku xidhan qormooyinkan waxaan leeyey Aan wada akhrino bogaga cusub ee nolosha iyo dhulkeena hooyo.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment