Tuesday, 19 November 2013

Hargaysa iyo Warbaahinta:


Waa aroor hore, wuxuu waa san kuugu baryey Hargaysa, intaanad quraacan waxaad maqli Miisiga Idaacada afka soomaaliga ku hadasha ee fadhigeedu yahay Washinton {VOA}, markay taasi dhamato waxaanad hadana dhagahaaga u diidi karin miisigi caanka ah ee BBC, laanteeda afka soomaaliga ku hadasha ee London, dhanka kalena Waxa ka hoos guuxaysa Idaacada Radio Hargaysa oo iyana itaalkeeda isku dharerinaysa Idaacadaha laga leeyey dalalka aduunka ugu Waawayn, dhamaantood waxay baratan ugu jiraan inay kugu war galiyaan Wararka Soomaalida iyo kuwa ugu doorka roon Aduunkan dhib u jooga, kadibna waada Subaaxi ku bilaabay khilaaf, Muran, Naxdin iyo Sharaysi ay kugu dhaliyeen wararkii cusbaa, kuwaso u badnaa dhanka xun.

Markaad dhankaa iyo suuqa u soo dhaadhacdo si aad qaybinta Arsaaqada Alle uga qayb gasho, waxaad Magaalada kula kulmaysa Wargayso tiradooda 10 kor u dhaaftay, dhamaantood waa 8 bogg, waana isku ujeedo {Siyaasad iyo Xayeysiin}, ma jiro mid intaa ka baxsan, mana jiro mid ku foolan Dhaqaale, Deegaan, Sports gudahaa, Khayraadka dalka, Cilmi iyo wixi la hal maala, dhamaantood Magaca meeyo Nuxurka waa Nin iyo Hadhkii, waxay u tafa xayteen soo gudbinta wixi shalay dhacay, gaar ahaan Siyaasada , waxa intaa dheer qaarkood ayaaba been ku dara wararkoda, Hadii aad awood u leeday dhanka isticmaalka iyo Helida aalada Internetkana Waa adi iyo Kartidaa inaad booqato intaad doonto oo Websites ah, kuwaaso dhamaantood war fidiyeeno ah, run iyo been kay la martaba.

Haday Fiidka gaadho waa TV-yo kor u dhaafaya 10 oo dhamaantood aad moodo inay isku maamul yihiin, Marka laga yimaado Arimaha Diiniga, waxa ugu xiiso badan Salaamaha, Heesaha, Shaashad-ku-dirirka{Boobe}, iyo Maxay kula tahayda, Iyana ha sheegin wax aad u buuran oo dhanka bulshada ah, dhamaan arimahani waxay Hargaysa iyo shacabkeedii u badaleen wada warfidiyeen, Ceeb maaha in qof ku waydiiyo su’aalo badan sidii wariye, iyo in bulshadu wakhtigeeda qaaliga ku lumiso fadhi ku dirir, kaaso aakhirka abuura maskax madoobaad, Gunaanadkii Waa Xoriyad si khaladan loo adeegsaday, taaso kaw ka ah khaladaad badan oo jira.

No comments:

Post a Comment