Tuesday, 19 November 2013

Hargaysa iyo Cawayska Fiidkii.



Aan idin xasuusiyo Hargaysa iyo Cawayska fiidka, fahan ahaan waxaan usoo qaadan lahaa Ruwaayadii caanbaxday ee ‘Way-iskugu-timi-ismana-oga’, inta badan waxay hotel-ada cawaysku ku yaalan goobo ka baxsan saxmada magaalada, baaxad ahaan waxay ku fadhiyaan dhul balaadhan, cagaaran, oo aad u dagan, halkaas oo aad ka helayso Hantiga qudhee Dalkeenu leeyahay “Hawo-saafi ah’, marka laga imaado xoolaha nool iyo Macdanta warkeedu yahay awoow laga soo gaadh, Waxaad markaad soo gashaba dareemaysa jawi ku fiican Sheeko, Kaftan iyo Hasaawe laba-ba halku doono ha u gaadhe, waxaad si tartiib tartiib ah u luminaysa daalkiii shaqada, adoo isha la raacaya goobaha qaar duurjoogta ku nool ama sanka u taagaya Uduga kasoo baxaya dhirta laga soo dhoofiyey dibada ee ku teedsan agtaada, Hadiiba wakhtiga saladu ku gaadana waxaad adoo nafisa ku kici Masjid goobtu leedahay.

Inta badan waxaan Asxaab badan kula kulmay goobo kala duduwan, gaar ahaan dhanka Bari, Koonfur, iyo Galbeed ee Caasimada, marka laga imaado Magaca goobta, dhamaan adeegyadu waxay ahaayeen kuwo isku mid ah, Wiilal ku labisan dharka shaqada ayaa kugu qaabilaya erayada Macmiilka lagu so dhaweeyo ee Soo dhawaada iyo Maxaan idin keena, cabaar kadib waxaad Miiska boos uga raadinaysa Suxuun tiro badan, kani wa Kaas, Kaasi waa maraq, Kani waa Shaah, Kaa kale waa Caynkaas, Kuwaasi waa Qaadooyin iyo Midiyo Dhawr nooc ah, Markaasad dareemaysa inaad joogto Hotel gabi ahaanba ka duwan kuwii dhaqankeenu ahaa ee Waar Ii dhiib Nafar Caynkaasa, Iyo Mudalab Qalyo la taagan Irida: Intaa Qaad ka shaadhka cas, iyo Wiilka Saabanka oo hadba dhinac ku jiidhaya: Sufarkan badal, Dhiishka meesha ka qaad.

Waxa inta ii raaca Adeega Zaad oo fududeeyo Hawlihii shaqo, Warqada qaan sheegta, waxa xiga Waan ku tuuray, maxaa yeelay Qaan sheegtu Waa Dollar, Zaad-kuna waa Dollar, Waxaad cunaysaaana waa Cunto Galbeed, farsamo ahaan loo sameeyey Sidii Galbeedka, Wiilka adeegaya iyo Luuqada aad is dhaafsanaysaana waa Tii galbeedka, Waxaan Hayaa Fish, Steak, Chicken, iyo Waxaad Ii keenta Coffee iyo Finger Fish, Nasiib daro se qoladani waa Qolyaha Ilaahay ka badbaadiyey Maandoorshaha Qaadka, Qiyaas ahaan waa tiro aad u yar bulshada. Guntii Ha hilmaamina Gacmihiina Yaanay idin nabsiyin ayaan difaaca kaga jiray Baaruud ahaan, oo Fork iyo Spoon warkoodu igu socon waa.

No comments:

Post a Comment