Waa wax aad u adag inaad buug iyo qalin soo qaadato iskuna daydo inaad qorto qorshe
sanadeedkaaga ado yaqiinsan in bari waxa dhaci doona Alle u gaartayahay, Balse
waxay talo faraha ka haadaysa markad damacdo inad qorshaha kusoo darto qodobada
xaasaasiga sida Guurka.
Nasiib wanaag waxad mooda in rag badani luqunta kor ula soo
kaceen markay maqleen baaqi dhawan kasoo baxay Gudida Wanaag Farida iyo Xuman Reebida,
kasoo khuseeyey hoos u dhiga qiimaha Guurka.
Inkastoon wali la
hayn isbadal dhaba oo ay arintani keentay, hadana waxay rag badani ka qoo mamonayaan
go’aankii madaxwayne Riyale ku kala diray ciidankii gudida Xuman reebida iyo
wanag farida ay u adeegsan jiren inay ku fuliyan go’aamadooda, kuna ciqaaban cidii gees marta.
Gudida ayaa go’aankooda ku sababaysay kadib markay so gaadhay
cabashooyin badan oo uga yimi xaga dhalin yarada, gaar ahaan gabdhaha oo ka
dayriyey lacagta xad dhaafka ee inta badan caadada noqotay in laysku aroosto,
inay sabab u noqotay hoos u dhaca xad dhaafka ee ku yimi guurkii xalasha ahaa,
dhanka kalana gacan wayn ka gaystay fiditaanka xumanta iyo akhlaaqda liidata.
Inkastoo go’aankani dood kulul ka dhex abuuray dhalinyarada
gaar ahaan gabdhaha dhexdooda, hadana wuxu ahaa mid guud ahaan wiilashu ku
diirsadeen, si wayna usoo dhaweeyen.
Guurka ayaa ah sunihi rasuulka (SCW) iyo dadkii wanaagsana,
balse gayigeena wuxu noqday wax aan laga hadli Karin ama aan lasoo qaadi Karin
duuro jira dartood.
Sababaha guurka adkeeyey aya iskugu jira kuwo loo cudur
daari karo iyo qaar kale oo gacanta lagu abuurayo, inta badan dhalin yarada
damacsan inay noloshoda iska kaashadana ayaan abaarin xaqiiqda iyagoo waxa
muhimka ka horeysiiya arimo aan daruuri ahayn.
Waxaad arinta si wayn u dareemaysa markaad eegto umada kale
iyo sida guurku dhexdooda ka yahay, gaaar ahaan badhtamaha iyo koonfurta
Somalia, guurka waxa loo arka qaybta u muhimsan e nolosha, haba yaraate wax
aduunana laguma xidho balse waaba la dhiiri galiya cidi diyaar u muuuqata.
Isku soo wada duubo hadii dhalin yaradeenu raba in hawlahan
wax laga qabto waa inay si waaqica u
fikiran, noloshoodana dib u eegan iyagoo ukala horeysinaya siday u kala
muhimsantay, hadi kale Rag badan oon aqaan arintoodu waxay noqon doonta FAR BAN DHAQAYAAYE SANADKANA HA FADHIYO GEELU.