Tuesday, 24 January 2012

Booqashadi Ugu Horeysay Ee Safarada Maraykanka!

Safarada  Maraykanku waxay ku taal wadada loo maro Jamacada caanka ee Kampala International University, gaar ahaan  xaafada Zambia,  kaso horjeedka Jamacada Cavendhis University.
Xeerka u yaal dawladaha caalamka oo dhigaya in dawlad kastaa siday doonto u dhisato, una ilaashato dhismayaashedada ay ku leeday dawladaha kale (Safaradaha), aya sheegaya in dhulkani yahay dhul ka gaara jaarkisa, kuna tusaya inu how u yahay safirka ugu culus Uganda.

Marar badan oon ku dhaafay bas ama dhugdhuglay, waxay indhahaygu qabteen beedhadh ay ku qorantay lama ogala barkin, sawro, iyo in la istaago dhulkan,  waxan kalo arkay ciidamo si xoogan u kormeeraya dhismaha, oo qiyaasti ah dhul fadhigiisu ka baladhan yahay Masjidkii wayna ee magaalada Hargaysa, kuna xeeran yahay shabag iyo dayr wayn.

Si kastaba ahaate markan waxan ku qasbanay inan booqdo dhismahan wayn,  waayo waxa jira goob wax lagu akhristo, lagana helo buug iyo agab wax barasho oo tayo sare oo ku dhaxyaal dhismaha safarada.

Madama oon ahay arday diyaarinaya Xidhiidhka Calamiga iyo arimaha Siyaasada waa hubaal inan u bahanay inan helo agabanka cusub, iyo inan maqlo codadka dawlada aduunka ugu xooga badan.

Waxan go’aansaday inan galo, waxan kazoo gudbay biraha waawayn ee loogu talo galay in layskaga celiyo inaba wareerada isbidaminta,  waxa hareraha iga xiga askar Ugandhisa oo qoryohooda kebka haya.

Waxoga argagax iyo cabis kadib waxan indhaha qac kusiyey boodhka yar eey ku qorantay Reception, ee kazoo jeeda daaqada, waxa kuyuu ku jira dhawr qof,  qofkasta waxa la waydinaya wuxuu u socodo, iyo inu balan hore la lahaa meeshu ku socdo.

Wa markaygi waxan cod sare ku idhi waxan ku socoda Libareriga, kadib waxay i waydisay inan balan hore la laha, waxan ugu jawabay may, kadib waxay iidhibtay warqad uu kuqoran yahay Tell, waxanay ii shegtay inan la hadlo balana ka samaysto.

Markan garacay Tell una sharaxay waxan u socodo, waxay I shegtay gabadhi Tell igala hadlaysay inan sugo waxoga si magacayga loo diwan galiyo, cabaar kadib waxan ku noqday daaqadi Reception kadibna waxan tusay ID kadh, waxay idhibay kadh yar ooy ku qorantay Libarery.

Waxan guda galay inan hore usocodo balse waxa lay shegay inan Mobile iyo waxkasto Alada ka tago sababo amaan dartood, waxa layga furay albaabki hore, badhitan kadib, waxa lay gudbiyey albabki labaad, waxan si dhex maray barxad wayn, dhaman shaqalaha aminigu waxay I waydinayen inan garanayo halkan kusocodo, iyo inan kaadhkayga sudho xago hore ee shaadhka si loo arko.

Waxan galay albaabki dhismaha, kadib markan kaso dhamaday dhismihii dayrka, waxan galay badhitan hor le, waxoga kadib waxan arkay sawrada Madaxayne Obama, kuxigenkisa John Bidden iyo xoog hayaha arimaha dibada  Mss Clinton, oo si wayn gidar ugu dhagan.

Waxan hore ugalaya dhismihii Laybareeriga, runti wa jawi ad u dagan, waxa jooga dad woxogaya, qofkasta wuxu mashqul ku yahay wax akhris iyo dalacasho, dhawr daqiqo markan dhex tagan ayan maqlay, Iga rali ahaw ma Mustafad tahay?, ha iy maxan ku qabta  ayan is dhafsanay, kadib waxan u shegtay bahidaydii.

Ugu danbaynti Safarada Maraykanku waa meel aad ka daalacan karto dhaqaalaha iyo awooda dawlada Maraykan, wa meel si heer sara loo dhisay loona sugay amaankeda, wax kasta waxay u socoda si nidaama, waxad ka helaysa Laybareegiga Buugti, jornalsikii, Magasiniski iyo cajaladhii u danbeeyey  ee kaso baxa cariga Maraykan.

Waxay indhahagu judhaba ku dhacayan wargaysada caanka sidaWall Street Journal, Washinton Post, New York Times, Los Angles, iyo buug u six eel dheer uga hadlaya xuquuda dumarka, arimaha argagixisada, technologyda iyo horumarka caalamka.


No comments:

Post a Comment