Thursday, 26 January 2012

TALAW HALAY DHOOFSHO AMA HALAY GUURSHO?

Inta badan dhalinyarada nasiibka u hashay inay ku abtirsadan Qaranka (S.land) oon wali beesha caalamka wax garawsha ka helin ayay xaaladooda nololed tahay mid ka duwan gabi ahaanba ta qayrkood ee dawladaha caalamka.
Laga soo bilaabo 2008 bishi Augtust oo ku beegan maalintan soo afjaray jamacada hargaysa  noloshaydu waxay la daala dhacaysay go’aano aan la qabo inta badan dhalinta facaygaa.

Arintaydu waxay ahayd mid aad moodo Shinbiri qoor qabanti biyo kuma cabto,  iyadoo sababtu tahay baahiyaha oo badan iyo fursadaha oo cidhiidhiya, arintana maaha wax igu khaasa balse waa wax aan la qabo inta badan jiilka la kawsaday dhalashada Qarankeena.

Waxay ahayd abaaro 7 aroornimo, marku isoo wacay mid kamida asxaabtayda, kaasono soo wada qaadanay 4 sano oo wayahooda iyo sheekadooda gaarka u baahan, isago raba inuu isu raacno goobta Qalinjabinta ee Hall Jamacada.

Saxibkay wuxu isku diyaarinayey xaflada qalinjabinta,  wuxu si qurux badan ugu labisan yahay suit madaw, kabo cusub, gacanta wuxu ku sita Fure gaadhi oo u damacsana inu ku tago munasibadii uu sugayey mudada 4 sano ah.

Wuxu wali ka shaki qaban ka tanasulka go’aanki an ku gaadhay inaanan ka qayb galin munasibada, kadib markuu iga diiday kana dhigay waxan aan macquul ahayn kadibna aan ka aqbalay.

Saxibkay adban u kala fognay manta, inkaston ahayn dad ad iskugu dhaw, waxad mooda in midkaayaba noloshu meel uga gacan haadinayso,  wayo isagu wuxu ad ula dhacsan yahay tacabkisi mudada dheer oo inu goosto wakhtigu kusimay, balse anu waxan la murugonaya sidan saxibkay mar danbe isku arki doono.

Waxay ahayen 4 sano oo cajiba, nolosha boqolalka arday een kamidka ahay waxay haysatay wado dher, waxan wadaagaynay himilo  wada jira, waxan matano ku ahayn is tosin, is bararujin, kaftan ,  niyad samaan, iyo riyo wadareed, basle tani manta waxay u eegtay inan jilayno qaybti u danbaysay ee nolosha macaan.

Midkaayan ma oga waxa xigi doona, inta yare ogna ma hubaan waxay wakhtiga badan ee soo baxay ku qaadan doonan, dhamantayo waxan is diidsiinaynaa waxa naga horeeeya, bari iyo halka loo ka lihi doono, mujtamaja suuq joogta iyo su’alohooda fara badan,

Si kaste ha ahaate waxa dhamad ku dhaw xafladi, balse aniga wali waxan kali la ahay murug, iyo fikir gaara, ma dareemayo farxad faro badan, waayo waxan maskaxdayda ka celin kari waayay su’aalaha waawayn ee iga horeya.

Midkasto naga midi waa inuu  xaqiijiya hal hadaf, siduu u helilaha shaqo u saamaxaysa inu reer samaysto qoyskoodana gacan siyo, midna kama tagi kartid, qofkasta wuxu raba nolol iyo xaas, reerkina waxay raban gacan qabasho iyo taakulayn, balse xaalku waa quudan jirin qoryo u guro ama Cabdoow horta jiraba waa.

Waxa iyana barbar socota waxaan baranay maaha waxa nolosha loogu babac dhigi karo, waana hubal ardaykasta  haduu rabo inuu ka badbaado nolosha iyo dufaanteda inay wajib tahay inuu si kordhisto aqoontisa, wa inu arday kasta hura 2 ila 3 sano oo dherada, lacag sadex lab ka badan tii hore, iyo inu safar galo haduu rabo inu helo waya aragnimo iyo madoyinka qaarkood, kuwaason wali laga bilaabin dalkeena.

Arintii imika waxay noqotay sheekadi islanta iyo xaabada, ama anoo Aabahay la yaaban ayuu abahayna aabihi keenay, taasi aya keentay in xaaladooduna u ee kata Talaw ha lay Guuursho ama ha lay Dhoofsho, wa hadaabay heleyan cid dhoofisa ama u guurisa, amaba dhoofka laftiisa ugu suuro galayso inay guursadan reerkoodana gacan qabtan.

Ugu danbayntina hadaynu bada jeexan iyo hadaynu 18 sacadood shaqayanba wa inan laba arin xaqiijina Reer nagi iyo taakulayn Ehel.




No comments:

Post a Comment