Saturday, 28 January 2012

Malaga Yaaba Sanadkan In Rag Aan Aqana Guursadan!?

Inagoo ku guda jirna bishii  u horeysay sanadka cusub ee 2012, qofkasta wuxu filanaya inuu noloshiisa wax cusub kusoo korhdiyo hadii alle idmo.

Waa wax aad u adag inaad buug iyo qalin  soo qaadato iskuna daydo inaad qorto qorshe sanadeedkaaga ado yaqiinsan in bari waxa dhaci doona Alle u gaartayahay, Balse waxay talo faraha ka haadaysa markad damacdo inad qorshaha kusoo darto qodobada xaasaasiga sida Guurka.

Nasiib wanaag waxad mooda in rag badani luqunta kor ula soo kaceen markay maqleen baaqi dhawan kasoo baxay Gudida Wanaag Farida iyo Xuman Reebida, kasoo khuseeyey hoos u dhiga qiimaha Guurka.

Inkastoon wali  la hayn isbadal dhaba oo ay arintani keentay, hadana waxay rag badani ka qoo mamonayaan go’aankii madaxwayne Riyale ku kala diray ciidankii gudida Xuman reebida iyo wanag farida ay u adeegsan jiren inay ku fuliyan go’aamadooda, kuna  ciqaaban cidii gees marta.

Gudida ayaa go’aankooda ku sababaysay kadib markay so gaadhay cabashooyin badan oo uga yimi xaga dhalin yarada, gaar ahaan gabdhaha oo ka dayriyey lacagta xad dhaafka ee inta badan caadada noqotay in laysku aroosto, inay sabab u noqotay hoos u dhaca xad dhaafka ee ku yimi guurkii xalasha ahaa, dhanka kalana gacan wayn ka gaystay fiditaanka xumanta iyo akhlaaqda liidata.

Inkastoo go’aankani dood kulul ka dhex abuuray dhalinyarada gaar ahaan gabdhaha dhexdooda, hadana wuxu ahaa mid guud ahaan wiilashu ku diirsadeen, si wayna usoo dhaweeyen.

Guurka ayaa ah sunihi rasuulka (SCW) iyo dadkii wanaagsana, balse gayigeena wuxu noqday wax aan laga hadli Karin ama aan lasoo qaadi Karin duuro jira dartood.

Sababaha guurka adkeeyey aya iskugu jira kuwo loo cudur daari karo iyo qaar kale oo gacanta lagu abuurayo, inta badan dhalin yarada damacsan inay noloshoda iska kaashadana ayaan abaarin xaqiiqda iyagoo waxa muhimka ka horeysiiya arimo aan daruuri ahayn.

Waxaad arinta si wayn u dareemaysa markaad eegto umada kale iyo sida guurku dhexdooda ka yahay, gaaar ahaan badhtamaha iyo koonfurta Somalia, guurka waxa loo arka qaybta u muhimsan e nolosha, haba yaraate wax aduunana laguma xidho balse waaba la dhiiri galiya cidi diyaar u muuuqata.

Isku soo wada duubo hadii dhalin yaradeenu raba in hawlahan wax laga qabto waa inay si  waaqica u fikiran, noloshoodana dib u eegan iyagoo ukala horeysinaya siday u kala muhimsantay, hadi kale Rag badan oon aqaan arintoodu waxay noqon doonta FAR BAN DHAQAYAAYE SANADKANA HA FADHIYO GEELU.


No comments:

Post a Comment