Ano ka duulaya kitabka
Quranka iyo Sunada Suubaneheeni Ina
Abdilahi Binu Abdimudalib (SCW), waxan qirsanay inuu jacaylku yahay wax jira,
taasina aanay ahayn wax u bahan in lays waydiiyo ama laga doodo.
Balse erayga jacayl aan ka eego dhawr dhinac oo kala duwan, markan ka hadlayno Jacayl shaki kuma jiro inu
yahay magac koobsanaya arimo badan, lakin si fudud an ugu kala qaybin jacayl
Dabeeciya iyo mid Damciya(Dareen).
Jacayl Dabeeciya waxan uga
jeeda jacaylka dhex mara qofka iyo
bi’ada uu xidhidhka la leeyey, tusale: Adiga iyo Rabigaa, Rasulkii Subanaa,
qoyskina, asxabta, iyo dadka ad lawadagto nolosha maalin laha.
Jacayl Damciya ama Dareeniya,
oo ah kan u socodo, waxan uga jeeda ka dhex mara wiil iyo gabadh, ku kulmay mid
kamida saxadaha nolosha, iskul, safar, munasibad, aladaha isgadhsinta
casriga iyo wixi lamida.
Labadan ruux waxay munasib
u arkeen markay cabaar midkasta si gaara naftiisa ula faqay inay ka wada hadli
karan sida ugu fudud eey noloshooda kali kaligaa isku darsan karan, waxanay isku
afgarten inay bilaaban waxan dhaqankeena
unaqaan “Hasaawe”.
Inta lagu guda jiro
Hasaawaha ama waxan ula baxay “Wada Hadal Nololeed” ee ku saabsan dhisida reer curdina iyo u babac
dhigida nolol u ehela mashaqo iyo dhib joogta, aya waxa inta badan dhaca inuu
abuuro waxay dadka inta badani u yaqanan Jacayl.
Hadaba su’aasha mudan inan
is waydina waxay tahay Jacalyku wa Goorma?, Jacaylku Ma guurka Hortiba mise Wa
gadashi? Muxu yahay xidhiidhka labada qof dhex mara intanay is guursan ama
waxan ula baxnay wada Sheekaysi? Ma jacaylba mise Wa mala awal?
Aniga doodaydu waxay tahay
jacaylku wuxu bilaabma Guurka dabadi anoo soo xujaysanaya Quranka Karimka,
Sunada Rasulka (SCW) iyo Dhacdooyinka maalin lahaa.
Iyado ay sida tahay
qofkasta wuxu is waydinaya dhawr su’aalod markay doodani timado, sida Miyanay labada qof u bahnayn inay wakhti
wada qaatan intanay go’ankoda wayn gadhin si loo helo reer sugan? Side isku fahmi karan laba
qof oon hore u kulmin marka layskugu keeno meel qudha si kadisa?
Wa su’aalo macqula una
bahan in ladaraseyo balse intanan jawabta gadhin an dhankale ka eegno, Maxaa
sababa in laba qof oo in badan xidhidh laha kukala tagan wax sahlan iyagon
gadhin ujedoodi guud, o ah dhacdoyin intena badani markhati ka nahay? Maxa
sababay in inta badan waalidken ay
dhisan nolol cidhib dheer iyago intoda badani wada qatay wakhti koban durufaha
nololed darted?
Waxan dhamanten markhati
ka nahay in walidinten anay haysan fursadaha sheeko wadaga en manta haysano,
sida FB, Tell, iyo goobaha faraha badane ee lagu kulmo, balse noloshooda
qoysnimo ka dhismo iyo ayatin badnayd teena oo ku dhisan waxan u naqaan naf qaybsi,
jacaylki Layla iyo Qays ama Cilmi iyo
Hodan.
Ugu danbaynti waxan talo
usoo jeedin laha dhaman cidi nasib u le inay akhrisato maqaalkan inanad wakhti
badan ku lumin hasaawe, ado ka duulaya inta dhalinyaro aad taqaan ee wakhti
badan siiyey hasaawe kasoo aan midho dhalin basle inad wakhtigaga kubixiso wax
midho dhal ah.
No comments:
Post a Comment