qofkastoo bini aadami xaq ayuu u leeyey in la jeclaado waxan jeclaado, waa xuquuqda aasasiga ee nolosha qofka bini aadamka, iyadoo taasi jirto hadana waxa kasta waxay u baahan yihiin tartiib iyo in loo eego duruufaha ku xeeran.
Muda haatan laga joogo kudhawad laba sano ayan ka soo anbabaxay hooygan ku hanaqaaday, kuna qaatay ayamihi cagaarna ee noloshayda, Sababihii aan uga soo cararayna waxa kamid ahaa kadib markaan khaatiyan ka istaagay waxan u kala Garan waayey Jacayl iyo Nacasnimo, balse aan ugu danbaynti u aqoonsaday xanuun ku jira dhalinta facayga magacisana la yidhaa Jacayl, balse aan ahayn Jacaykan ka soo gaadhany awoowyashen iyo Abayaashod.
Wuxu xaal sidii ahaadaba waxan firxadkii so galay Kampala casimada dalka Uganda, wixi u horeeyey een dareemay wuxu ahaa duruufihii aan kaga imi dalkii, saxibadaydii igu soo dhaweyey magalada hoy iyo cuntana isiiyey waxay la ildarnaayey xumadii jacaylka,kkkkkk,
Saxibaday oo afar wiil ahaa, dhamantood markuu gabalku dhaco ayay taah iyo oohin waxan u kala saari waayey isku darijirne, balse gadaal ayaan ka ogaaday inuu hasaawe casriya hayay, waxan la yaababa waxay si joogta igu bushareen jireen in dhawan layga heli doono xumada aan wax dilin balse u badan cabasho iyo calaacal salaada cishaa'i dabadeed bilaabanta, Allow ha nugu simin!!
Dalkan Uganda waxa ad iyo uga caana Lineka Orange, waa shirad bixisa adega isgaadhsinta, waa shirkada ugu yar suuq ahaan dalkan, waxa laga leeyey dalka Uk, Somalida ayaa u ah Macaamil Dacaada, waxay siisa Adeeg loo yaqaan (24/1000sh) kun shilin oo lacaga ku hadal 24 saac, Funny,
xaalku waa Telephonka dabKa u ogoow biyahana ha iska fogayn.
Waa Somali hadal loo fasaxay, bilaa camal u raacay, dhalin yaro iskugu baxday, Allow sahal umuuraha xaalku weeye, markuu gabalku dhaco ayaad maqlaysa Naa Telkaygi mee, Waar Jaarjarkayga maxa laga siiya, Iga qalee sayloonka ha iga dhex galine, u kaadi walal Xaajigi ayan la hadlayaaye, Baytarigan xagaan geeye wAanan jabee, iyo erayo Funy ah.
Waxay baaaxa dagtaba waxan ogaaday in xanuunku magalada hayo, Bisinka Bisinka ayan hoosta ka idhi sidii ayay Kaaha Kadiye, allow labada sano hareeraha naga mari ayan raciyey, Hargaysi meel soke, ha layska taahe, dee waga looma barin jirin, sikaste ha ahaate, waxan bilabay inan ogado bal arinta dhabta ee Kampala aan ugu imi, dadku wa Jacayl ayey leeyin balse anu ma ku Racin waxan u bixiyana ma hayo.
Ugu danbaynti waxan sheeko dheer la wadagay mid kamida Ragi, waxan ku idhi war bal dumashiday isoo bar, wa isoo baray, balse ayan daro qof Jacayl hayo sooma arag, wa xal aduno dadku ma sine, isagi ka dhaadhicin kari waayey inaan indhahan arkay kuwii Layla iyo Qays ahayn, xalkisku wa nin meeli u caday meeli ka madaw, wa igaga tukaday deed waxan is dhafsanay sheekada kooban:
Intad is taqaanen, 4 bilood, Reerkoda yad ka taqan, Cidna balse walidked waxay dagen yihin qurbaha, Waa Qoloma? war rer Konfur, Halkad isku baraten, OPM (xafiska diwan galinta qaxontiga), Maxad ku cadaynaysa inay ku jeceshay? walal miyanad arag siday ila hadasho, iina qadariso. Maxay mesha u joogta? Buufis, Aduna? Waxbarasho. Yey la nooshay? Saxibadeed, Maxay marki hore mesha u timi? Mooyi, Hadad rerkina u shegto in jacayl kugu dhacay ka waran? war ina Baaruud mad walatay, bariska ha iga cidayn, Ma rabta inad Guursato iyadu? May wa waxay ku jirta Buufis, kkkk, waar heedhe arintan waxba ka garan maaye, inader wax iska Baro, haben walba 5 sacadood ayad ku lumisa cidle, naagtana kuma jecla, waxoga gunusa ayuu ii raciyey, wanu Kacay!
Waxay arini sidi ahataba, mudo kadib ayu ninkii ii yimi waxooga kaftan iyo hasawe ah kadib, waxan u raaciyey iga waran dumashiday, qosol iyo dholacadayn kadib wuxu ii racieyey waaar qiray ahyadoo waa tii iska dhamatay, Waxan ku idhi miyad ogtay sababta keentay inuu xidhiidhkinu Babo, sababtu waa markii hore ayuu bila sabab ku bilaabmay, manaad haysan waxad ku xoojiso, marka Saxib FADLAN HA SHIDIN DAB ANAD BAKHTIN KARIN HADHAW!
No comments:
Post a Comment