Thursday, 31 May 2012

HABLAHAN ISKU HAYBTA NAHAY MAXAY KAGA DUWAN YIHIN KUWA FACODA!?

Wa dhab Nimaan Dhul Marin Dhaayo la, balse waxa laga yaaba in lays waydiiyo isticmalka iyo Macnaha Sugamed ee Erayga Dhaayo,

Hadaan isku dayo anu shakhsi ahaan qofku markuu dhul maro wuxu awod u yelanaya inu qimeyo wuxu ku haystay Baradisi iyo Baydku Alle wayna oo Koreye ku  Uumay, sida luuqadisi, Diintiisi, Dhaqankisii, iyo dhaman waxa bulsho caanku tahay, taso laga yabo inu si hufan u tilmami karo wixi Sad iyo Nuqsan labada jira, wa haduu yahay qof ka hufan Cadifad iyo Dano gaara, ilaalinayana Qiyamiyadka Aqooned noockasto noqotoba, Qora, Dhakhtar, Qaren, Xisabiyo iyo wixi la halmala.

Maanta qormadan gaarka waxan ku eegaya Hablahan isku gayanka ahayn, gaar ahaan Haybsooca wadaagno iyo waxay kaga duwan yihiin kuwa dhigoda ee dhalasho ahan kasoo jeeda deganada Somaliyeed ee kala Duwan gaar ahan Konfur,  iyo Gobolada dhex,

Waxan ugu horeyn ka Afeefanaya in aanay arintani Cilmi badhis ahayn, balse ay tahay wixi an helay mudo dheer on u fiirsanaya dabecadaha kala duwan ee Hawenka Somaliyed, iyo inaan cidna aflagado iyo ceeb gaara u wadani balse an eegayo wax aan wada leenay, Markan leyey Hablaha Haybtan wadagno waxa u jeda Hablaha Deganada S.land Gaar ahan Gobolada Dhexe, hadaba wa kuwan arimihi aan ku arkay fiiradii iyo hoos u eegidaydi.

1- HINASAHA.
 anoo ogson in hinasuhu yahay wax alle ku aburay adamaha, gar ahan Jinisga Dhadig, hadana Dumarka an ku abtirsada waxay ku qaban balayo, waxay mararka qar ku sigtan inay mesha ka saaran Rukhsada Alle u siyey Wallalahod dhawrka dumara, Geeri iyo Burur reer ayay kaxigan in Hawenay kale la bixiso Adega Guriga, Inta ogaal kayna Gabadh waqooyey ayey ka dhacdan inay weerarto gabadha ku martiday Odaygedi, dagalna u caaysato 

2- LEXEJECLADA.
Rag badan aya kursiga dib uga soo kacay markan eraygan carabka ku dhuftay, wayo Khilafka u wayn ee labada Jinsi u dhaxeya waa Lacag Jacaylka iyo Lacag baabinta, waxan soo xasustay Maqal an malin meel ka akhriyey oo runtii cadeyey sida ragu unecebyin inay dumarka lasamaystan Shopping (Adeeg), marki la waydiyey wayo, waxay ku jawaben Xaalka dumarku wa kana ino qaad, hadad Diidana wa Cadho! Allow ada sida u uuumay ayan kudhafay, Arinta wa muhim wana biyo kama dhibcan si ragu u helo fursaduu Mushaharkisa yar u qaybiyo Albabada badan ee nololed, balse wa in ragu kuwajaha Xikmad iyo Caqli badnan, arintan waxan aad ugu majiirtay Hawenka Gobolada dhexe, maashala inta ogaalkayga arinta Ilmabtiyashay wa Second.

3- DANGARADNIMADA.
haa dan Garadnimadu wa shay ka mida waxa lagu xusho Hawenayda, waa mid kamida sifooyinka an dayacnay balse gadal an ka qomamayno, gabadhu inay fahanto Marxalada ninka wa arin muhima, wa inay isku daydo inay Akhrido Awaxasha ku xeeran Wiilka intanay dalabkeda dhiban, Arintan waxad mooda in Hablahayaga laga Horeyo, marar badan ayad odhanaysa waar tolo Caashadi jaarka yaa Cibadada inta uga qaada. 

4- UJEDADA WAXBARASHO (MAADI).
Ha Aqoontu wa hub, waa hub sharafi yo karamo qofka huwifa, wa hubuu u qaato dhamaystirka qabyooyinkka nololeed ee ku xeran, mid shakhsiya, qoysed, qabiil iyo qaranba, wa mid ka duwaysa qayrka kuuna martiyeynaysa maskax iyo in fikir lagu waydiyo, balse sida lo adegsanayo wa inay noqota wanaga wax ku dar balse anay noqon wax iska dhicin ama cid gara beegsasho, arintan waxad moda in hablana Hadhwadaagta nahay lagaga horeyo, oo hadi ad isku daydo inad 2 hablod waydiso ujeedada dhabta ee waxbarashadooda ad hesho laba daren oo kala duwan.
 
5-GABADHNIMADA IYO KARAMAYNTA JINSIGA RAGED.
Allahu akbar tan iyadoo waa tan u dhaafi wayey Ciyaal Xaawa, waa tan meelkaste ka eego,Gabadh! Naagnimo meel uga sari wayey, Nin iyo Naag waxay wadagan wa is qiimayn iyo iskaramayn, arintan cajibka meelkale uma dooni ee waxa si hagar la'aana farta laygu fiiqayn meeshu alle iga uumay, mahadsanid dhaman Ilmabtiyaal!.

6-ASTURNAANTA IYO HIJAB DHAQAN GALINTA.
Dhaman hadan nahay Islam wa inagu wajib diniya in la xidho Xijabka, taasna wan samayna, halkan waxan uga jedana maha in koox gaar is qaawinyan, balse wa hananka guud ee labis qaadasho. waxan shaki ku jirin in markastood S.land Bari uga socoto ad u galayso Muqalka Xijabka adoo dhaafaya Shalmad iyo Dirac barbaro le, Diintu wa qalbiga, balse waxa in badan dhacda inad Deegankan kaso jeedo ku aragto munasibad  ay joogan hablo si heer sara u labisan, balse ta badalkeda hadad kala qayb gasho qolyahan jaarkena aad tidha wa xagee meeshu ka qaboowday, markad arkiba waydo dirici baacwaynaha iyo shalmadii wilka ahayd. Salaamaaaad!
 
7- INANNIMADA IYO KUMASHQULIDA MARXALDAS.
Sii fican ayan u dareemi kara inan dhex mushaxaysa cimrigeedi inannimo oo wa san ugu baryey magalada hargaysa iyo waxay rabto inay subaxa wakhtigeeda ku qaadato, balse nasiib daro arintan waxan islaha hablihiinu waxay la wadaagan haween waynaha Somaliyed tasi ma dhicin, waxan iiso baxay in Habalan Ood saarka leenay wakhti iyo tamar badan  ku bixiyan Labiskooda, Alaboyinka Hawen Hawen ku noqday, iyo buunbuuninta Arimahas, 
Maaha inan leeyey gabadhaha ma daneeyan arimahan, taasi wa anoo buriyey abuurka Alle, balse waxan ka hadlayaa wa ahmiyada iyo qadarinta arintani ku kala leeday dhexdooda.

ugu danbayntii anoo diidaya inuu maqaalku dheerado ayan so ururiyey, wixi talo, tusale, dhalil iyo wax tosoina wan soo dhawaynaya.

Miskiin iyo Saxib u xiisay Akhyar badan!
 

Friday, 25 May 2012

BEERTA BOQORKA IYO BAADI GOOBKI JACAYLKA!!

Dalka Uganda waa dal alle ku manaystay noocyada kala duwan ee bilicda, waa Dalka aduunka ugu shinbiraha badan, marka laga eegayo noocyadooda, waa dalka ay ku tal Harada ugu wayn caalamka, Lake Victoria, wa dalka labad ee Africa ugu quruxda badan, Zimbwawe marka laga imado, waa dal rooban sanadko dhan, cagaar iyo raysna u ehela.

Arimahani waxay ka dhigen Uganda dal ku fican wax soo saarka iyo dalxiiska, dal u ehela Jacaylka iyo nolosha jaban, waxa suura gal inad hesho intas oo meelod oo indho doogsi iyo tamashlo ku fiican, mararka qaarna ay ku qabanaysaba waar talo sidii Amir Khan ee Filinkiisi Caanka ahaa ee Mann ma iska Heesta.

Hadaan u imado dulucda Maqaalka kadib mudo sanada oon ku mashquulsana Buug iyo Shaqo waxan shalay galab u Baxay Beerta uu Boqorka Qomiyada Buganda ku leeyey meel aan ka fogayn Gurigan ku noolay si aan jacaylka iyo Arimaha Dhalinyarad usoo xuso, Nasiib wanaag wakhtigan ku beegmay Madasha waxa ka socotay Munasibad wayn, inkastoonan ka war qabin waxay ku socotay hadana waxan u arkay inay Carqalad ku tahay Baadi Goobkaygi Jacaylka Dayeysan1.

Haa qofkasta wuxu xaq u leeyey inuu dareemo micnaha Jacayl, wa xuquuq asasiya inad wax jeclato laguna jeclaado, markad ka soo baxday uurka hooyada ayuu Alle ku wajibyey in lagu jeclaado, waxa lagugu soo dhaweeyey Busharo, Dhoola cadayn, Wanqal iyo waxkastoo loo mujiyo qof la jeclayey, waxa lagu ababiyey inad umada kale u muujiso jacayl iyo maxabo.

Iyadoo tasi jirto hadana waxay talo faraha ka haada markaad iska daba gasho ama naftu kula doonato qof xora, oo noloshisa la daala dhacaya, waxan ka wada in badan ayad maqlaysa Hebel aya Hebla Jecel umana oga, ama Hebli wallal Miskinkas hawshisa iska wata ayay dhararahanba ka Joogi laday, hadaad si waydiyo oo Maxay ugu sheegi wayday ama uu ugu sheegi wayey waxad si fudud u maqlaysa, way ka baqaysa ama ka baqaya inuu diido, kkkkkkkkk, Funny, deed waxad odhanaysa  Marka hore maxa talada wax loga sin wayey looguna sheegi wayey in la jeclaan rabo, si uu isku badbadiyo, waa Su'aasha muranka inagu keenaysa, ama an ku kala tagayno,

Isku soo wada Duubo maalinta waxan raadiyey Jacayl waxooga Qaloonaya, ooo Jihadii ka luntay, oo sidayda hurdo dheer kasoo barurgay, balse waan ku so Guul daraystay, waxan Cabar dusha ka eegay Magalada Kampala oo runti ay hadheeyen Dhir iyo Buuro kala duwan, Cabaar hadii aan afka kor u taagayey waxna bidhaminayey nasib daro Maxad haysa layma odhan, Intanan meshi ka dhaqaaqin Cabaar ayan Naftayda la shawray ooy na dhex martay Shekadan Kobani.

Anigii: Maxay Saado Cali Cashaqa u Dalbatay in la Cidhi tiro?
Naftii: kkkkkkk, waar waxay la hadlaysay Siyad Bare, ma iyad Cashaqa ka marmi karta?
Anigi: horta walal maxad uga hesha dheel dheelka iyo kaftanka, manta runta ishego?
Naftii: waxan saxibo isku dheernahay Shaydan, shaydankuna wa khabir ka xanaqa runta iyo danta.
Anigi: imika maxan samayna ilayn waynga waynay Jacaly Muusa naabaye?
Naftii: kkkkkk, waynu kusoo jiiraynayna halkan lagama wayo waa Beerti Boqorke, somalidu halkan ayay timada, Ada ka dhacasan Inader, wan so jiranya ha u baqan wan helay isagoo Maqiiqane.
Anigi: oo hadaan Helnaba, maxay tahay waxa uwayne ee ina soo galaya.
Naftii: waad seexatay Xaaji waar nafta u bahan inay nasato,
Anigii: inader wax ma kuushega, ina mari shaaha soo cabnee, Jacalykana hold inoo gali, Tareenkana ha kadhicine la qabso,

sidii ayan aniga iyo Saxibaday (Nafta) uga caraabnay meeshi,  meel halkason waxoga Buna kacabana u dheelmaday,

Miskiin iyo Saxib idinku Dheer. (Fadlan wixi Talo, Tusale iyo Tilmaama wan so dhawaynaya)

Monday, 21 May 2012

Maxan U Dabaal Degi Wayey 18 May?

Salan sare dhaman akhyartan jeclay!!


Wiigan bilawgiisi sidan ka wada dharagsanay waxay ku beegnayd xuska sanad guradii 21 ee kasoo wareegtay maalintii Burco dhaman waxgaradka, siyasiyinta, culimada, dhalinyarada, iyo hawenka S.land isku qanciyen inay lasoo noqdeen Xornimadoodi ka haloowday ama sida khaladka u hoos martay.


Iyadoo ayamaha lagu jiro ayaan nasiib u helay inay noqoto markii igu horeysay eey igusoo gasho wadan qurba, runtii waxay  ii ahayd malin qiimo wayn ii le, waxay ahayd malin an si wayn u sugayey inan Dabaal dago iyo waliba inaan Caalamka maqashiyo sida Jaliyada reer Kampala u xustay, balse may dhicin.


Nasiib wanaag arintan waxay si xun iiga jidhay markii Khilaaf an lugo buuran ku tagnayn soo dhex galay qaar kamida dhalintii gacanta ku haysa munisabada qaban qaabada, balse waxay talo faraha kasii baxday markuu khilaafkii keenay in la qoondeeyo in laba goobod laga xuso., iyado laba maamul oo is garabsanaya ay gacanta ku kala dhigen hawshii.


Ceeb male hadii bulshadu badato oo laba layska dhigo, balse xaalku tani wu ka gadisna, waxan maalin ka hore Xuska war kuhelay in Ardaydii qaadacday inay xuska la wadagan qaarkamida Madaxda jaliyada markay fahmi wayen siday wax u wadan, dhanka kalena Madaxda jaliyadu Ardayda ku eedaysay inay ku jirto gacan kale, taso aan xal diyar u ahayn, arintkuna kuso biyo shubtay in walooba meshad marto wayeelka


Waxba yan ku dheeran arinta foosha xune, waxay labadii dhinacba go'aansadeen inay sidoodi hawsha u watan, iyago dhayalsanaya dhinaca kale, ama farta kufiiqaya shakhsiyad gaara, Khilafku ceeb maha balse arinta ceebti waa in malintan oo kale bulshada laqaybiyo waliba lagu qaybiyo si Qabyalad iyo Qudhuna, waxa kasii daran markii ardayda iyo qaar kamida Madaxda jaaliyadu midna eegi waayey danta guud iyo qiimaha maalintan wayn, iyagoo markay is fahmi wayen tala waxba kasin wayey jaliyad intii kale siloo gadho xal iyo isku soo dhawayn.


Xaalku marku halka marayo anu waxan go'aansaday inan laba dhacdo midna ka qayb galin maadamo labadaba koox Qiiro iyo Shakhsi kuxumayni ku jirtay, waxan go'aansaday inan habeenka ku qaato Tv hortiisa, si toosana u daawado munisabdii kasocotay Aqalka Cagaran (Mataxtoyada)-magac habenka ay isla qaaten faniinti ruwayada jilaysay- anoo kusugan qolka yar een ku leeyey magalada baladhan ee Kampala.


Runtii muu fiicnayn go'aankan qaatay balse xal ayuu ahaa, sida kaliyee bisaylka nololeed lagu heli kara wa in loo istago waxa inaga dhexeeya iyadoo mel gara la dhigayo wax yar een ku kala duwanay, wa in la eego sawrka fog, inta indhaha laga laliyo dhaldhalaalka soke, wa in farinta ay munasibadani gudbinaysa noqota Midnimo, Walaltinimo, Dan qaran iyo Himilo fog, balse an lagu koobin Ciyar, Music, Dheeldheel iyo iskugu faanid, wa in laga shekeya dariiqi dhera ee gusha iyadoo loo yedhayo dadka danwadagta ah, lagana nixinayo dadka ka naxaya, wa in si kore loo sheega inanay ahayn aargose balse ay tahay xus iyo hididiilo galin dad eheladodi wax ku qoden jidkan dher.


Ugu danbayntii waxan dhaman idin soo jeedin laha wa inan inagu tusaale u noqona midnimo dhex marta dadkena, wa inan inagu u hor seedan isdhex gal toosa bulshada dhexdeeda, wa inan inagu mesha ka sarna ana  rer hebala iyo ana reer hebal balse isku fana waxan aqan, waxan qabta, waxan doonaya iyo wax ina tusaya dadnimadeena, wa inan inagu noqona kuwi badali laha wasiro, xildhibano, iyo masulin  ku fadhiya magacena  balse iyagu dantoda shakhsiga wada, oo inagu noqona kuwo wax iskugu tara jiil, hadaf, iyo dan guud.


Miskiin iyo Saxiiib aad idin jecel!
Baruuuuuuuuud!

Thursday, 10 May 2012

2 Sanoo U Dhigma 20 Sano: Ayaamo Wajiyo Badna!!


Waa maalin Jimca, Tarikhduna ku beegantay 11. June. 2010, Waa aroor hore, markas ayaa fodda laga qaaday Saladii Subax, Waxan kaso baxay Guriga si aan u dhamaystirto Safarkan ugu so jeeday dalka Uganda, gaar ahaan Kampala, Nasiib wanaag wakhtigan Magalada Hargaysa ad bay u shidantay, Ma xasuusto cid u lahayd Bandhiga Ololaha Malinta, balse sidii caadiga ahayd guud ahaan Magaladu waxay sugaysay Caleemaha, Sacabka, Mushxarada iyo dabaal daga taageerayasha malinta u laha Dhoola tuska Cududooda Taageero, (UCID, UDUB iyo KULMIYE).

Wakhtigan guriga kasoo baxay iyo qorshaha aan watay midna iima samixin inan Safarkayga la wadago cid kabaxsan qoyska, Dhaman jaarka oo xidhiidh fican naga dhaxeeyey manta wan ka xumay inan odhan Karin Nabadeey, waxan wakhti hore tagay xafiskii Diyarada, Wuxu dhinaca ku haya Dhismaha Gargaar ee Badhtamaha Magalada Hargaysa, dhankasta waxa iga xiga dad u badan reer Muqdisho, balse anu waxan ad ugu mashqulsanay safarkaygan humaga badan.

Waxan goor barqa soo gadhay Magalada Berbera, waxan shitay Mobileki, si aan Akhyartii u idha nabadeey, wa run in badankodu la yaaben inan Berbera joogo oon usocdo Kampala, wayo waxkasta waxay ku dhaceen Wiik gudihii, sikastaba ha ahate, Kulaylka, Dhididka iyo Dhismaha Duuga waxay si toosa ii leeeyin maca salaama, waxan dareensanay inay yihiin goobihii u danbeeyey een kasii arko dhulkan ku dhashay, qayb wayna ka ah sababta safarkaygan wajiyada badan.

Hadii aan Kampala soo gadhay, wa alle mahadii, waxan bilabay guda galka noloshan u socoday, mudo 2 bilood oon ku jiray dagaal dheer kadib, waxan bilaabay shaqadaydii u horeysay, laakin arinta xiisa badani maaha inan shaqo helo ee wa inan shaqada sidan rabo u dhigto, waxan uga jeeda wa inan isku tolo danta loo shaqeeyaha iyo dayda gaarka, arintani waxay u eegtahay Nin laba shinbirood hal dhagax la gaadaya, wayo ma rabo inan Shaqada ugo’o, dhanka kalena Shaqada la’aanteed inaan waxbarta waa arin ad u adag.

Nasiib daro waxa arinta uga sii daray nooca shaqada aan helay, may ahayn mid dhiri galinaysa waxbarashada, waayo wa inan shaqeeya inta u dhaxaysa 12 ila 14 Sacadood malin walba, ma jiro Fasax caadiya, hadad maqnaanto wa khamaar ad dheshay inad lagu ogado oo lagu caydhyo, ama lacagta laga goosto, ma jirto hanan kale oo abaal marineed hadii wax fican ad qabato, balse wa in mararka qaar canan iyo aflagaado lagugu daraa, 

Sikastaba ha ahate anu waxan madaxa ku haysta inan isku dhex wado shaqada iyo waxbarashada waxkasto suragalana sameeyo, tani waaa ta aan kaga duwanay Akhyaarta aan wada shaqayno oo dhamantod iyagu ahaa rag an arday ahayn, waa culays gaara, balse nasib wanag wa rag fahmi kara nololsha adag iyo qiimaha ardaynimada, waxay si wayn iiga gacan siiyen suuro galnimada inan fuliyo qorshahaygii, runti adaban ugu mahad naqaya akhyarta sharafta badan.

Waxa xusid mudan inaan mudo 2 sano ku dhaw ahaa nin shaqeeya habeenki, anoo subixiina seexan jiray wax aan buuxin 4 sacadood celcelis, sababto ah dhanka kale waxan ka waday waxbarasho iyo qorshiihi lagaga digo rogan lahaa shaqadan qalafsan, ugu danbaynti alle wa igu guuleyey wanan gaadhay dhaman ahdaaftan ka laha shaqadan.

Gaba gabadii, Maalinkasta maaha Axad, nasib wanaag Xalay ayan soo afmeeray 2 sanoo u dhigma 20 sano, waxan xasuusnaan doona maaha saxibadayda qiimaha garka le, balse xataa mujtamaca kala duwan Diin, Dhaqan iyo Dhalasho ahanba een bartay intan ku jiray dagaalka dheer, runtii  waxay ahayd shaqo siyaaba badan xasuus ugu reebi doonta noloshayda iyadoo kalin wayn ka gashay isbadalka hanaanka geeedi socod ee noloshayda.

Misiinkiin 
M.Baroud


Wednesday, 2 May 2012

XAALADA ARDAYDA DALKU WA CAMOOLE CAMOOLE HAGAYA!

Dhaman an idinku salamayo salanta Islamka, akhristayashan jecloow.

Salan kadib waxan qormadan maanta ku eegayna arin u eeg masiibo qaran balse inteena badan ka mooganay, waa arin taabanaysa dareenka muwadin kasta oo lexejeclo kale dalkiisa iyo dadkiisa, arintan oo ah mid inagu ugub, waa hubaal  inay mustabalka fog inagu keeni doonto cawaaqib xumo dhamaanten ina samaysa.
Lodkii 2008 ee Jamacada Hargaysa.

Anoo huba in wakhtigan lagu kala aragti duwanan karo, ama lagu doodi karo wa duruuf laga baxayo hadana waxa xusid mudan murtidii somaliyeed ee ALUFKAD KABOODA ALBAQRUU KU DHIBA,  oo xikmadeedu tahay wixi bilawga hore la khaldaa hadhaw ayay adkata sixidiisu, waana xalada maanta igu kaliftay inan qoro maqaalkan isugu jira Baraarujinta iyo Baroordiiqada xalada Ardayda Dalka guud ahaan, gaar ahaana kuwa Jamacadaha.

Waxay waxwalba milgo iyo sharaf yeeshan marka ehelkeeda loo daayo, loona nisbeeyo cidii u qalanta, dhanka kalena waxay karamo dhulka gasha marku qofku hunguri iyo dano shakhsiya u baabiyo  meelna ugaga dhaco danta guud, hadaan kusoo dhawaado nuxurka qormadayda, waxan ad uga xumay xalada ardayda guud ahan gaar ahan heer Jamacadeed ee dalka.

Laga soo bilaabo min Dugsi hoose ila heer Jamacadeed dhankad eegtaba waxad arkaysa waxay indhahaagu diidan kuna tilmaami karno masiibo ku habsatay Bahda Waxbarasho ee Dalka,  markad eegto Manahijta kala duwan ee carurtena loo dhigo, Tayada iyo Xalada macalinta dugsiyada Hooose/Dhexe iyo Sare iyo  Deganka Waxbarasho, iyo guud ahaan nololsha qalafsan ee Bahada waxbarashada, waxad dalacan karta halku ku socodo masirka umadeenu, adoo dhanka kalena la dhacaya u heelananta walidiinta ee la dagalanka Jahliga.

Iyado waxaso dhani jiran ayaa waxa dhawanahan ku darsantay in Aqoontii Sare ee Dalka  u eekatay mid usocota  marxalad damiirka nooli diidayo, waxa  caadi noqotay in qofkasta Guri 5 qola ku tilmaamo Jamacada isagoo College ama Jamacad yar oon dalalkoda laga aqonsa kuna yaal dalalka jaarka kasoo qadanaya waraqo, macalimina u qoranaya Arday aan wali qabyo tir ku samayn heerkoda wax barasho, kuwaso shaqo la'aanita jirta darteed u qadanaya tamashirta, iskuna wajibinaya shaqo aanay Aqoonteedi iyo Wayo aragnimadeedi lahayn, ama ugu yaran an ahayn Riyadodi nololed.

Waxa nasiib dara in tacliinta sare ama aqoonta Jamacadeed gasho marxaladii 2000 ay marayeen Bareefadada Englishta lagu barto, oo xaladoodu ahayd ARDAYDA WAXAD BARTA ERAYADA AAD DHEERTAY.taaso kuu mujinaysa in Macalinka iyo Ardaygiisu anay ku kala sarayn Da'a , Wayo Aragnimo iyo Aqoon durugsan balse uu Macalinku u macnayn karo casharka uu samuurada ku qoro, waana arin marag ma doona oo dalkeena ka tagan.

Dhanka kale waxa xusid mudan in dhaman ardayda ama inta badan ka qalinjabiyey jamacadaha dalku macalimiin ka yihiin Jamacado kale, ama kuwo kasoo baxay dalalka jaarka, kuna so qatay mudo 4 sano iyo wax udhigama, ay yihin Barayal wax bara ardayda Jamacada dalka,  iyadoo xaaladu u eegtay AAN KALA SHAQAYSANO!

Hadaba waxa is way diini le yaa Jamacada macalin ka noqon kara, maxa shuruuda oo loga bahan yahay, Master qudha miyaa awood ule inoo wax u dhigo arday heer jamacadeeda, dhaman su'lahani wa kuwo la dayacay in lays waydiiyo, waxan ogsoonay in darajada Jamacad wax laga dhiga marto heerar kala ah: Cawiye Profesor(Assitant Lecturer), Baro hose (Lecturer), Cawiye Bare sare (Assisstent Profesor), Bar Sare (Profesor), Bare aad u Sare (Senior Profesor),  arinta markad eegto ood barbar dhigto wararka dhahaya Hebel Jamacadu wax kadhiga waad Naxaysa, adoo odhanaya war maxala losoo waxyooday mise Jamacadan jamacdihii la yaqaan ahayn.

Inta badan qofka jamacad wax ka dhigaya waa inuu yahay qof khabiir ku ah wuxu ardayda barayo, waa inuu ka sameeyey qoraalo badan, kuna qora goobaha cilmiyada sida majalooyinka, wargaysada wawayn, xurmaha doodaha, waa inuu yahay qof loo noqod markay madada timado, tusale ahaan Baraha madada Dhaquluhu waa inuu yahay qof talo iyo tusale ku le hanan socodka dhaqalah dalka.
Baraha jamacadu wa inuu yahay mid uu ardaygu ku ixtaramayo Da'a, Aqon, Wayo-aragnim iyo Sumcad u ku dhexleeyey bulshada, dhanka kale waa inuu yahay mid Ardayga u noqon kara meel uu hiigsado, oo ku dhiiri galisa madaduu barayo, balse arinta maanta waxad mooda inay tan cagsigeeda tahay.

Arinta samaynta ay guud ahan inagu kenayso waxa u wayn in ay soo baxan arday aan u qalmin heerkoda waxbarasho, wayo isaga iyo barihisu waxba isma dheerayn, tani waxa ka dhalanaya hoso u dhaca awoodi Ikhtiracnimo ee ardayda, Laba waxa imanaysa in la waaayo cid aqoonta ku xidha dhaqanka, diinta iyo duruufeheena nololeed, Sadex waxa ka dhalanaya in ardaydii niyad jab ku imado markay arkan kuwii ka horeyey oo macalimiina ama macalinti oo dayo fican an lahayn, halkana kaga hadhan hamigodi wax barasho, kadibna ay hoos u dhacan ardayda kaso baxaya jamacada dalku, Afar in aqoonti iyo saqaafadi guud ee dalku hoose u dhacdo marka la waayo dadki khubarada ku ahaa tana ay keenta in karamadi dalka iyo dadku hoosta gasho. Shan in hibadi iyo karamidi u dhaxaysay baraha iyo bartuhu lunto,

Hadaba ugu danbaytnii anoo og xalada dhalin yarada iyo shaqo la'aanta dalka ka jirta waxan talo kusoo jeedin lahaa in dhalintu la imaadan qorshe kan ka duwan iyagoo dhalinaya fikrado ay shaqo ugu abuuran dadka iyo dalka, madamo yagu yihiin kuwi u horeeyey ee dhamaysta herarkoda waxbarasho ee asaasiga iyo inay adeegsadan maskaxdooda si ay u abuuran degan ka duwan kan Macalinimada.

Barud
Muwadin Dan wayni kaqaba Dalkisa iyo Dadkisa