Thursday, 10 May 2012

2 Sanoo U Dhigma 20 Sano: Ayaamo Wajiyo Badna!!


Waa maalin Jimca, Tarikhduna ku beegantay 11. June. 2010, Waa aroor hore, markas ayaa fodda laga qaaday Saladii Subax, Waxan kaso baxay Guriga si aan u dhamaystirto Safarkan ugu so jeeday dalka Uganda, gaar ahaan Kampala, Nasiib wanaag wakhtigan Magalada Hargaysa ad bay u shidantay, Ma xasuusto cid u lahayd Bandhiga Ololaha Malinta, balse sidii caadiga ahayd guud ahaan Magaladu waxay sugaysay Caleemaha, Sacabka, Mushxarada iyo dabaal daga taageerayasha malinta u laha Dhoola tuska Cududooda Taageero, (UCID, UDUB iyo KULMIYE).

Wakhtigan guriga kasoo baxay iyo qorshaha aan watay midna iima samixin inan Safarkayga la wadago cid kabaxsan qoyska, Dhaman jaarka oo xidhiidh fican naga dhaxeeyey manta wan ka xumay inan odhan Karin Nabadeey, waxan wakhti hore tagay xafiskii Diyarada, Wuxu dhinaca ku haya Dhismaha Gargaar ee Badhtamaha Magalada Hargaysa, dhankasta waxa iga xiga dad u badan reer Muqdisho, balse anu waxan ad ugu mashqulsanay safarkaygan humaga badan.

Waxan goor barqa soo gadhay Magalada Berbera, waxan shitay Mobileki, si aan Akhyartii u idha nabadeey, wa run in badankodu la yaaben inan Berbera joogo oon usocdo Kampala, wayo waxkasta waxay ku dhaceen Wiik gudihii, sikastaba ha ahate, Kulaylka, Dhididka iyo Dhismaha Duuga waxay si toosa ii leeeyin maca salaama, waxan dareensanay inay yihiin goobihii u danbeeyey een kasii arko dhulkan ku dhashay, qayb wayna ka ah sababta safarkaygan wajiyada badan.

Hadii aan Kampala soo gadhay, wa alle mahadii, waxan bilabay guda galka noloshan u socoday, mudo 2 bilood oon ku jiray dagaal dheer kadib, waxan bilaabay shaqadaydii u horeysay, laakin arinta xiisa badani maaha inan shaqo helo ee wa inan shaqada sidan rabo u dhigto, waxan uga jeeda wa inan isku tolo danta loo shaqeeyaha iyo dayda gaarka, arintani waxay u eegtahay Nin laba shinbirood hal dhagax la gaadaya, wayo ma rabo inan Shaqada ugo’o, dhanka kalena Shaqada la’aanteed inaan waxbarta waa arin ad u adag.

Nasiib daro waxa arinta uga sii daray nooca shaqada aan helay, may ahayn mid dhiri galinaysa waxbarashada, waayo wa inan shaqeeya inta u dhaxaysa 12 ila 14 Sacadood malin walba, ma jiro Fasax caadiya, hadad maqnaanto wa khamaar ad dheshay inad lagu ogado oo lagu caydhyo, ama lacagta laga goosto, ma jirto hanan kale oo abaal marineed hadii wax fican ad qabato, balse wa in mararka qaar canan iyo aflagaado lagugu daraa, 

Sikastaba ha ahate anu waxan madaxa ku haysta inan isku dhex wado shaqada iyo waxbarashada waxkasto suragalana sameeyo, tani waaa ta aan kaga duwanay Akhyaarta aan wada shaqayno oo dhamantod iyagu ahaa rag an arday ahayn, waa culays gaara, balse nasib wanag wa rag fahmi kara nololsha adag iyo qiimaha ardaynimada, waxay si wayn iiga gacan siiyen suuro galnimada inan fuliyo qorshahaygii, runti adaban ugu mahad naqaya akhyarta sharafta badan.

Waxa xusid mudan inaan mudo 2 sano ku dhaw ahaa nin shaqeeya habeenki, anoo subixiina seexan jiray wax aan buuxin 4 sacadood celcelis, sababto ah dhanka kale waxan ka waday waxbarasho iyo qorshiihi lagaga digo rogan lahaa shaqadan qalafsan, ugu danbaynti alle wa igu guuleyey wanan gaadhay dhaman ahdaaftan ka laha shaqadan.

Gaba gabadii, Maalinkasta maaha Axad, nasib wanaag Xalay ayan soo afmeeray 2 sanoo u dhigma 20 sano, waxan xasuusnaan doona maaha saxibadayda qiimaha garka le, balse xataa mujtamaca kala duwan Diin, Dhaqan iyo Dhalasho ahanba een bartay intan ku jiray dagaalka dheer, runtii  waxay ahayd shaqo siyaaba badan xasuus ugu reebi doonta noloshayda iyadoo kalin wayn ka gashay isbadalka hanaanka geeedi socod ee noloshayda.

Misiinkiin 
M.Baroud


No comments:

Post a Comment