Dalka Uganda waa dal alle ku manaystay noocyada kala duwan ee bilicda, waa Dalka aduunka ugu shinbiraha badan, marka laga eegayo noocyadooda, waa dalka ay ku tal Harada ugu wayn caalamka, Lake Victoria, wa dalka labad ee Africa ugu quruxda badan, Zimbwawe marka laga imado, waa dal rooban sanadko dhan, cagaar iyo raysna u ehela.
Arimahani waxay ka dhigen Uganda dal ku fican wax soo saarka iyo dalxiiska, dal u ehela Jacaylka iyo nolosha jaban, waxa suura gal inad hesho intas oo meelod oo indho doogsi iyo tamashlo ku fiican, mararka qaarna ay ku qabanaysaba waar talo sidii Amir Khan ee Filinkiisi Caanka ahaa ee Mann ma iska Heesta.
Hadaan u imado dulucda Maqaalka kadib mudo sanada oon ku mashquulsana Buug iyo Shaqo waxan shalay galab u Baxay Beerta uu Boqorka Qomiyada Buganda ku leeyey meel aan ka fogayn Gurigan ku noolay si aan jacaylka iyo Arimaha Dhalinyarad usoo xuso, Nasiib wanaag wakhtigan ku beegmay Madasha waxa ka socotay Munasibad wayn, inkastoonan ka war qabin waxay ku socotay hadana waxan u arkay inay Carqalad ku tahay Baadi Goobkaygi Jacaylka Dayeysan1.
Haa qofkasta wuxu xaq u leeyey inuu dareemo micnaha Jacayl, wa xuquuq asasiya inad wax jeclato laguna jeclaado, markad ka soo baxday uurka hooyada ayuu Alle ku wajibyey in lagu jeclaado, waxa lagugu soo dhaweeyey Busharo, Dhoola cadayn, Wanqal iyo waxkastoo loo mujiyo qof la jeclayey, waxa lagu ababiyey inad umada kale u muujiso jacayl iyo maxabo.
Iyadoo tasi jirto hadana waxay talo faraha ka haada markaad iska daba gasho ama naftu kula doonato qof xora, oo noloshisa la daala dhacaya, waxan ka wada in badan ayad maqlaysa Hebel aya Hebla Jecel umana oga, ama Hebli wallal Miskinkas hawshisa iska wata ayay dhararahanba ka Joogi laday, hadaad si waydiyo oo Maxay ugu sheegi wayday ama uu ugu sheegi wayey waxad si fudud u maqlaysa, way ka baqaysa ama ka baqaya inuu diido, kkkkkkkkk, Funny, deed waxad odhanaysa Marka hore maxa talada wax loga sin wayey looguna sheegi wayey in la jeclaan rabo, si uu isku badbadiyo, waa Su'aasha muranka inagu keenaysa, ama an ku kala tagayno,
Isku soo wada Duubo maalinta waxan raadiyey Jacayl waxooga Qaloonaya, ooo Jihadii ka luntay, oo sidayda hurdo dheer kasoo barurgay, balse waan ku so Guul daraystay, waxan Cabar dusha ka eegay Magalada Kampala oo runti ay hadheeyen Dhir iyo Buuro kala duwan, Cabaar hadii aan afka kor u taagayey waxna bidhaminayey nasib daro Maxad haysa layma odhan, Intanan meshi ka dhaqaaqin Cabaar ayan Naftayda la shawray ooy na dhex martay Shekadan Kobani.
Anigii: Maxay Saado Cali Cashaqa u Dalbatay in la Cidhi tiro?
Naftii: kkkkkkk, waar waxay la hadlaysay Siyad Bare, ma iyad Cashaqa ka marmi karta?
Anigi: horta walal maxad uga hesha dheel dheelka iyo kaftanka, manta runta ishego?
Naftii: waxan saxibo isku dheernahay Shaydan, shaydankuna wa khabir ka xanaqa runta iyo danta.
Anigi: imika maxan samayna ilayn waynga waynay Jacaly Muusa naabaye?
Naftii: kkkkkk, waynu kusoo jiiraynayna halkan lagama wayo waa Beerti Boqorke, somalidu halkan ayay timada, Ada ka dhacasan Inader, wan so jiranya ha u baqan wan helay isagoo Maqiiqane.
Anigi: oo hadaan Helnaba, maxay tahay waxa uwayne ee ina soo galaya.
Naftii: waad seexatay Xaaji waar nafta u bahan inay nasato,
Anigii: inader wax ma kuushega, ina mari shaaha soo cabnee, Jacalykana hold inoo gali, Tareenkana ha kadhicine la qabso,
sidii ayan aniga iyo Saxibaday (Nafta) uga caraabnay meeshi, meel halkason waxoga Buna kacabana u dheelmaday,
Miskiin iyo Saxib idinku Dheer. (Fadlan wixi Talo, Tusale iyo Tilmaama wan so dhawaynaya)
No comments:
Post a Comment