Salan sare dhaman akhyartan jeclay!!
Wiigan bilawgiisi sidan ka wada dharagsanay waxay ku beegnayd xuska sanad guradii 21 ee kasoo wareegtay maalintii Burco dhaman waxgaradka, siyasiyinta, culimada, dhalinyarada, iyo hawenka S.land isku qanciyen inay lasoo noqdeen Xornimadoodi ka haloowday ama sida khaladka u hoos martay.
Iyadoo ayamaha lagu jiro ayaan nasiib u helay inay noqoto markii igu horeysay eey igusoo gasho wadan qurba, runtii waxay ii ahayd malin qiimo wayn ii le, waxay ahayd malin an si wayn u sugayey inan Dabaal dago iyo waliba inaan Caalamka maqashiyo sida Jaliyada reer Kampala u xustay, balse may dhicin.
Nasiib wanaag arintan waxay si xun iiga jidhay markii Khilaaf an lugo buuran ku tagnayn soo dhex galay qaar kamida dhalintii gacanta ku haysa munisabada qaban qaabada, balse waxay talo faraha kasii baxday markuu khilaafkii keenay in la qoondeeyo in laba goobod laga xuso., iyado laba maamul oo is garabsanaya ay gacanta ku kala dhigen hawshii.
Ceeb male hadii bulshadu badato oo laba layska dhigo, balse xaalku tani wu ka gadisna, waxan maalin ka hore Xuska war kuhelay in Ardaydii qaadacday inay xuska la wadagan qaarkamida Madaxda jaliyada markay fahmi wayen siday wax u wadan, dhanka kalena Madaxda jaliyadu Ardayda ku eedaysay inay ku jirto gacan kale, taso aan xal diyar u ahayn, arintkuna kuso biyo shubtay in walooba meshad marto wayeelka
Waxba yan ku dheeran arinta foosha xune, waxay labadii dhinacba go'aansadeen inay sidoodi hawsha u watan, iyago dhayalsanaya dhinaca kale, ama farta kufiiqaya shakhsiyad gaara, Khilafku ceeb maha balse arinta ceebti waa in malintan oo kale bulshada laqaybiyo waliba lagu qaybiyo si Qabyalad iyo Qudhuna, waxa kasii daran markii ardayda iyo qaar kamida Madaxda jaaliyadu midna eegi waayey danta guud iyo qiimaha maalintan wayn, iyagoo markay is fahmi wayen tala waxba kasin wayey jaliyad intii kale siloo gadho xal iyo isku soo dhawayn.
Xaalku marku halka marayo anu waxan go'aansaday inan laba dhacdo midna ka qayb galin maadamo labadaba koox Qiiro iyo Shakhsi kuxumayni ku jirtay, waxan go'aansaday inan habeenka ku qaato Tv hortiisa, si toosana u daawado munisabdii kasocotay Aqalka Cagaran (Mataxtoyada)-magac habenka ay isla qaaten faniinti ruwayada jilaysay- anoo kusugan qolka yar een ku leeyey magalada baladhan ee Kampala.
Runtii muu fiicnayn go'aankan qaatay balse xal ayuu ahaa, sida kaliyee bisaylka nololeed lagu heli kara wa in loo istago waxa inaga dhexeeya iyadoo mel gara la dhigayo wax yar een ku kala duwanay, wa in la eego sawrka fog, inta indhaha laga laliyo dhaldhalaalka soke, wa in farinta ay munasibadani gudbinaysa noqota Midnimo, Walaltinimo, Dan qaran iyo Himilo fog, balse an lagu koobin Ciyar, Music, Dheeldheel iyo iskugu faanid, wa in laga shekeya dariiqi dhera ee gusha iyadoo loo yedhayo dadka danwadagta ah, lagana nixinayo dadka ka naxaya, wa in si kore loo sheega inanay ahayn aargose balse ay tahay xus iyo hididiilo galin dad eheladodi wax ku qoden jidkan dher.
Ugu danbayntii waxan dhaman idin soo jeedin laha wa inan inagu tusaale u noqona midnimo dhex marta dadkena, wa inan inagu u hor seedan isdhex gal toosa bulshada dhexdeeda, wa inan inagu mesha ka sarna ana rer hebala iyo ana reer hebal balse isku fana waxan aqan, waxan qabta, waxan doonaya iyo wax ina tusaya dadnimadeena, wa inan inagu noqona kuwi badali laha wasiro, xildhibano, iyo masulin ku fadhiya magacena balse iyagu dantoda shakhsiga wada, oo inagu noqona kuwo wax iskugu tara jiil, hadaf, iyo dan guud.
Miskiin iyo Saxiiib aad idin jecel!
Baruuuuuuuuud!
No comments:
Post a Comment