Friday, 9 January 2015

Sidee Ayuu Cirro iskugu Miisaamay Siilaanyo!

C.raxmaan Cirro, Gudoomiyaha Goolaha Shacabka, Ahna Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Waddani waxa uu Siyaasad ahaan maanta Ciyaarayaa "I taabo aan ku Taabtee". Siyaasad ahaan waxa uu isleekaysiin ku sameeyey Kursigiisa Gudoomiye-nimo iyo Kan Madaxweyne-nimo (HE.Siilaanyo=Hon. Cirro=Masiirka Soomaaliand).
Maaha xisaab fudud, mana aha wax habeen iyo dharaar ku yimi ee waa sheeko dheer. Sida aan ka war qabno Cirro waxa uu ahaa Ushii Siilaanyo la dhici jiray HE. Daahir Riyaale Kaahin, wakhtigii uu Mucaaridka ahaa, Sidoo kalena waxa uu ahaa Hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee Eng. Faysal u wakiishay Dimuqraadiyadaynta Dalkan yar. Nasiib daro se maanta labadaba waxa uu u hayhay Ul iyo Siyaasiga qudhee halista ku ah Damacooda.
Marka hore isaga Faysal Galin hore ayuu ku cabay, oo Xisbigiisii mid ka awood badan ayuu dhistay, Marka labaadna Siilaanyo iyo Kulmiye ayuu Dhab-libaax ugu soo fadhiistay. Waa xaqiiq, Siilaanyo marna kuma tashan in Libaax danbe kusoo noqon doono, mar haduu Dr. Gaboose, Daahir Riyaale ka daba geeyey, balse taasi ma rumoobin, oo Cirro ayaa Waji kale ula soo baxay, mar labaadna Libaaxii soo dhaawac kiciyey.
Cirro mar waa Gudoomiyaha Wakiilada, Marna waa Musharaxa iyo Gudoomiyaha Waddani, mar Saddexadna waa Nin Habar-yoonis ah, tan saddexaad ayaana uga qiimo badan labada hore, tani waxa ay Siilaanyo ku noqotay Hal xidhaale cusub. Waxa uu Sharci ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Siyaasad ahaanba maarayn kari waayey Ninkii Cirrosidii Miciyaha looga guri lahaa?
Siyaasadii Caanaha iyo Xirsi, Tii Shir-gudoonka iyo labadiisa ku xigeen iyo tan maanta, intuba waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Maanta waa ku saddex inta jeer ee Xukuumaddu ku fashilantay Talaabo laga qaado Cirro. Haday masayr iyo Hinaase ka tahay iyo haday Damac korodhsi iyo Cabsi Siyaasadeed ka tahabay, nabada Madaxtooyadu waa in Ciro tago. dhanka kalena Cirro in uu Xanta Madaxtooyada dhagaysto, oo laf dhuun gashay ku naqdo Xirsi iyo Kooxdiisa waa dariiqa kaliyee u furan, haduu rabo in uu Siyaasi Afrikaan Masraxa kula sii Ciyaaro.
Xalku maaha in laba Mukulaal oo isku awood ahi ku heeshiiyaan jiir, Suuro galna maaha in midkood awood sheegasho la'aan uga tagto tan kale, balse wadada qudhee furan waa in midkood u itaal sheegato tan kale, si ay kalsooni ugu cunto hilibka yar ee Jiirka. Tan waxa ka dhigan Cirro iyo Siilaanyo, ama Waddani iyo Kulmiye. waxa aynu dhawrnaaba waa isku day Afraad iyo Tolaayey cusub!

Monday, 2 June 2014

Kacdoon Dhalinyaro Waa Lama Huraan Muwaadin!

Ugu horeyn Hambalyo Shacabka Sharafta badan, Marka Xiga aan tacsi uga diro Muwaadiniinta 54 sano kadib, inay wali Garr iyo Garawsho u raadinayaan Xornimadooda iyo Madax-banaanidooda Dhuleed, Waa hora la yidi "Freedom is not Free", waa Run aduunka Xornimaa ugu qiimo badan, Noloshu qiimo ma yeelato hadii Adoonimo iyo Xoriyad la'aan ay la daristo, Balse Muwaadin Xornimada lafteedaa Noocyo badan, iyadaa kala heerar duwan, iyadaa kala Mudnaan horeysa, dharaartii mid kastoo inaga midii aduunka uu yimi Xor ayuu ahaa, Balse Duruufaha nololeed ayaa Ninba meel u gacan galisay, Iyadaa Nin iyo Waagii walaalaysay, Maalinta iyo Habeenka Dunida lababa meel isku raaciyey, 1500 sano ka hor ayuu agoonkii Runta badnaa Jaziirada carbeed ka xoreeyey Ilaahyo Been ahaa, una xoreeyey Midkii iyagoon jirin, wax nool ka dhigay, halka Galbeedka Fog ee America 250 sano ayay Tuureen Heeryadii Guumaystaha, Bariga fog ee Shiinaha 100 sano ku dhawaad ka hor ayay bilaabeen socdaalkoodi dheeraa ee Xoriyada, Malaayiinta reer Masarna Dhawaan ayay ku dhawaaqeen Eraydii caanka noqday ee " Enough is Enough, We Need Freedom".

Nasiib daro Aniga iyo Jiilka nolosha igu weheliya wali maanan odhan Bes, intaasa nagu filan, Waxa iiga sii daran wali garawsho kamaanan helin kii nolosha naga dayriyey, Waxay noo qayb-qaybiyeen Gobol, gobol, Xaafad, Xaafad, Qabiil Qabiil, Koox Koox Diimee, Waxay Aragtiyadii u rogeen cadaawad dhexdayada ah, Waxay naga dhigeen umad liidata, umad aduunka marti ku ah, umad daba socosho xaq u leh, waxay sharaf nooga dhigeen Baasaboor shisheeye, Dalal kumaankum Mayl naga durugsan, Kuwo Diinteen, Luuqadeen iyo Midabkeena Cada u arka, Waxay noo xidheen Muraayad Iyaga quruxsi, Anaggu se markaynu isku fiirno waxaanu aragnaa Gaajo, Tahriib, Qaad, Qabyaalad, Aqoon daro, markaanu hadalnona waxay idhaahdaan waa Reer hebel.

Aaway Caqligii fayoobaa, Aaway Garashadii Suubanad, Aaway awoodii, Kartidii iyo Dhiiranaantii Dhalinyaranimo, Ilaa Goormaan Adoomo u ahaanayna kuwa inoogu liita, Tuugta Xooleheena, Sharafteena iyo Karaamdeena Dhaafsanaya Maalin waxay cunaan, Kuway Waxgarakeeni ku sheegeen Dhiddaro, Daanyeero, Dameero, Dhuuni qaatayaal, Muwaadin u hiil Wiilkaaga, Innantaada 30 sano kadib, Xoree fikirkaaga, Dareen Xaqa kaa maqan, Wadaniyadu Maalin qudha maaha, Kacdoon Fikir Waa lama Huraan, Xasuusnoow Socodka Dheeri, intuu Hal talaabo ka bilaabo, Yes, We Can! Unity is everything, We have same age, same dream, same country, same bad leaderships.why don't we move.

Wednesday, 28 May 2014

Horaan idiinku Sheegay, Ee waydaan iga Qaadanayn.



Kal hore ayaan Doodayda hortiina ka dhiibtay in anniga, Jacaylka, iyo Siyaasadu faro baas isku hayno, labadaba iskuma wacnin, mana kala maarano, Kama kaaftoomo, iyana ima Gafaan, dhanka Jacaylka waxaan Dareen weyn ka qabaa in Saaxiibkay Ilyas Caanteynle Kiis ka dhan ah xaquuqdiisa igaga Wado Maxkamadii la geeyey Janankii Reer Boosinya-Sebiyaa Mr. Miloodajif, Ma Garan karo in Saaxiibkay Ahmed Nour Guruje uu Xeer jabab ii heli karo, iyo in Xeerarkiisa Dalku i fardaamin karo, balse baxar ayaan ku jiraa, Dhanka Siyaasadana Wuxuunba igu leh, Kacaankaad ka dheeraysay, oo Ragg-badan oo aanu saaxib nahay ayaa wax i dareensiiyey, Qaarkoodna Si Diplomaasiyad ku jirto ayay iigu digeen, aniga se Labadauba waa Yeelkooda, Ma Waxaan xadhig ahayn ayaan ku danbaynaa, xataa hadii laygu helo kiis, Soo ina Cabdi Gaboobe-ba maanta Jeel kagama jiro, Dawladii uu UDUB uga Hiilyey, Waar Jacayl iyo Siyaasad midna abaal ma leh, Labadubba waxay wadaagan Xeerka "Geedoow hadaan Midho kugu Arkana kaa Goostay, Hadii kale........!

Yaan ku fogaane, ilayn Qormooyinka Dhaadheer waad necebtiine, oo siyaasad Xumadaa ina dhaxalsiisay nolol adayga iyo Dulqaad yaraantee, Waxaan habeenada ahaa laba qof, Nuska hore waxaan ahaa Siyaasi Ruug cadaaya, oo waxaan shacabkeena la wadaagayey Dareenka wajiyada badan ee 18 May, Faduumo Siciid waxaan kala oo aayaayey Shaashadaha, Reer Caabud waaqna si dareen ku jiro ayaan ula Qoslaayey, Odayga (Siilaanyo), Iyo Marwadisana Khadra Daahir iyo Sahra Axmed ayaan kula sacabinaayey Aqalkiisa, Diplomaasiga Cirro-na Qolyeheena Qurbe joogta Reer Yurubu ayaan Qosol iyo warwar la'aan lahaa Hambalyo, Saaxiibkay Muuse Biixiina Suldaan Maxamed C.qaadir ayaan uga Hiiliyo waxaan lahaa, Suldaan Dhaqanka ku Eekoow, oo Dimiqraadiyada ha Bikir Jabin,

Nuska danbe se, Xaalkaygu gabi ahaanba wuu ka dheera sidaas, Waxaan jiifka ku yaboohinaayey, Midii Dhaaraaraha Badan laydha i cabsiisyey, Yartii Awrkayga Ratigga ka dhigtay, Midii Haween idilkood Tidhi aniguun igu eekoow, Yaa Salaam ilayn markaad kaligaa Xasuus mirad tahay, Waa darartaa, sidii Geel daran maalintii oo dhan Daaqaayey, Ma Garanayo waxa laydha jacayl igu mir kiciyey, ma 18 May iyo kacaan is dhaafinbaa, Ma Gu'ga curtay iyo Caashaqa Caadadiiba, ma Ciyaar Siyaasadeedka Muuse iyo Siilaanyaa, Mise Waa waraysigii Xiisaha Badnaa ee Saaxiibkay Jamal Ali Hussein siiyey Horn Cable TV, Waxay noqotaba Odaygii miskiinka haa wuxu kaligii Uunkoo hurda Fariimihiisa jawaabtooda ka fiirfiirinaayey Aaladaha tirada badan, Ma Twitter-ka, Mise waa Yahoo, mooji; malaa waa Hotmail-ka, mise FB aduunka koobay, miday noqotaba waxaad iga gaadhsiisan, Iyadi ; "Halkaad iga Xigtaabay Dhaxintu iga haysaa Abaayo".

Markaad Caalim Hesho, Cilmi-gaa Qiimo Yeesha!.



Waxa illaa Shalay Marti Hargeisa noogu ahaa, Caalimka Weyn, Sheekheena, iyo U hiiliyaha Xaqa wakhti Caamadii Xaalkeedu yahay Duul Caamu Culimo u eegi Waashay, Sheekh Maxamed Abdi Umal, Alle Cimriga iyo Cilmigaba ha u barakeeyee, Sheekhu Wuxu habeen hore na baray oo noo Bayaaniyey Qiimaha uu Qalbigu u leeyahay Qofka Iinsaanka, iyo in uu yahay SayidkaJidhka, Wuxu Aqoon, Xeeldheeri iyo Waayo aragnimo ahaan noo tusay Cilaaqaadka ka dhexeeya Jidhkeena iyo Qalbiga, in Alle Daalacdo Qaluubteena, ee Aanu waxba ku falin Midabkeena, iyo Xajmiga Jidheekeena, Wuxuu nagu baraarujiyey in Qalbiga shaqo laga qabto, Hadii la rabo in Aduun iyo Aakhiraba la Liibaano.

Sheekhu waxa uu Caawana Sida Falaadhaha Qoraxda noogu iftiimiyey Fidnada iyo Masiibooyinka ka dhacaya guud ahaan Dunida Muslimka, Gaar ahaan Deegaanada ay ku nooshahay Ummad Afka Soomaaliga ku hadashaa, Wuxuu na Baray oo Sidii qolyo aan Diinta hore-ba u maqal noogu sheegay Xiliga lagu jiro, in aanu ugub ahayn, iyo In Dunida Muslimku Tan iyo Geeridii Cumar Bini Khadaab kadib, Fidno iyo Masiibooyin ka jireen, Waxa qudhee kala Duwana ay ahaayeen Goobta, Samanka, Xaaladda iyo Fal Celinta Muslimiinta ay Asiibtay, Wuxuu na Tusay Aqoondarada Gaar ahaan Dhanka Diinteena iyo Xidhiidhka ka dhexeeya waxa maanta lagu samaynayo Magaca Diinteena Suuban, Wuxuu Cod dheer ku sheegay Caqli Xumada Koox Diimeedka Al-shabaab iyo siday uga fog yihiin Xaqa, Wuxuu laba saacadood oo xidhiidha Quluubtii Aqoontiisa u oomanayd u Diiday Nuuxsi, Wuxu sidii shi'ni macan heshay Quluubtayda ugu Xidhay Afkiisa, Ilayn Aqoontu waa Qof u ehela ka Qaado.

Sheekha may ahayn markii iigu horeysay, ee Waa hore ayaan Nasiib u yeeshay inaan kula Kulmo Kampala, Wakhtigaaso oo aan Waydiiyey Dhib iga Haysatay Sahwiga iyo Khushuuc yaraan Dhanka Salaada iga haysatay, Sheekhu Si sahlan oo Kalsooni ku jirto ayuu ii Dabiibay, Wuxuu isagoon i dhibsan ina Didin ii sheegay in Xanuunkaygu macruuf yahay, in Dawadiisu fududahay, Alle ha ka Abaaliye si Cajiiba ayuu ii Dabiiyey, Aqoontu Waa Muhim, Waa iftiin iyo Dariiqa nolosha ka fogeeya Lumitaanka Aduun iyo Hoogga Aakhiro, balse hadaad u gacan gasho, oo magansato Mid Seef la bood ah, Mid is macaashsiiyey, Mid Shaydaan u sheegay inuu Sheekh yahay, Waxaad halis u tahay Halaagg, Waar Saaxibayaal aynu Cilmiga ka qaadano Cida u ehelkaa, aynu Culimada ka reebno Caamada Cumaamadaha Qaatay, Aynu Diinta ka Dayno Ra'yiga iyo la ahaansha, oo Ehelkeeda u Dayno wixii nolosheena Saamaynta ku leh, Waa dhab "Siduu Cilmigu Qaali u yahay, ayaa Cida laga Qaadanayaan ay Qaali u tahay,", Aqoontu waa Aqoonta ku tusta intaad Jaahilka Tahay,

Maanta iyo Sheekh Umal (Cilmiga Yari, Qofkiisu Hafiyaa).



Aan idinla wadaago khayrka iyo nuurka Hargeisa Yaal, Tani waa wada dhalashadeena iyo waxaynu ku nahay Ummah Waaxidah, Ummah Maxamediyah, intaa kadib aan idinsoo gudbiyo suduu ahaan jawagii iyo Khudbadii Jimacaha, iyo Casharkii Caawa ee Sheekheena Wayn, Caalimka Soomaaliyeed, Sheekh Umal, uu ka galay Majsidka Weyne, Isha Khayrka, xarunta Baraaruga Kacdoonka Musliminta iyo Kobcinta Garaadka Shacabka, Sheekhu wuxu Salaadi Jimce ku soo Qaatay Qaad-ka, Tan sheekhu wuxuu u yeelay isagoo ka duulaya Xidhiidhka ka dhexeeya Hargeisa iyo Wuxuu ugu yeedhay "Sunta Cagaaran", Sheekhu Hadaanu kaa Taaban, Hargeisa ma Iman weeye, Waayo Marka laga Imaado Aafada iyo Masiibada uu Soomaali ku hayo, Hargeisi waxay kow ka tahay, Cunida, Iibinta, Buunbuuninta iyo Darajaynta Maandooriyahaas, Waa Horaan Xasuusta mar aan Boosaaso Joogay, in uu Nin igu yidhi "Hargeisa-an ka imi iyo Qaad ma Cuno kala Daa", tanina waxay ku tusaysaa xeel dheerida Sheekha iyo dareenkiisa fog.

Sheekhu wuxuu maanta na tusay, oo si Cilmi iyo Basiiro ku jirto farta noogu fiiqay, Qaadka iyo Xaaran-nimadiisa, wuxuu carabka ku adkeeyey inuu Khamrada ka Xun yahay, Isagoo tusaale usoo qaatay Dalalka Galbeedka oo Khamrada ogolaaday, Halkay Qaadka ka diideen, Wuxuu sheekhu Naga Tusay Dhankasta. Diinta iyo Dhibtiisa, Caafimaadka iyo Wax-yeeladiisa, Caqliga iyo Doorintiisa, Dhaqaalaha iyo Baabintiisa, Taranka iyo Khalkhalintiisa, Intaba waxa uga marag ahaa Shacabkii Reer Hargeisa, Wuxuu ahaa nabar Dhiigayey qofkastoo Masjidka Joogay, Waxay ahayd Boog Caqli xumo darteed Caafimaad loo waayey, Wuxuu Sheekhu Cod dheer ku sheegay in Dagaal lala Galo, sida Dagaalka loogula jiro Cadawga Gaalka, Wuxuu Dardaaray Cidkastoo Awood u leh, Min Shiikh ilaa Shariif, Madax ilaa Minjo, inay u tafa xaytaan Habaarkan Soomaali ku habsaday, Gaar ahaan Hargeisa, kaasoo Shacabkeedi ka dhigay, In Waalan, in Qayrul Masuul ah, in Baylahsan iyo In intaas ku dul nool.

Intaa kuma Eekayn, Qulqulkii Cilmigu iyo Dagaalkii Jahligu, Wuxu Caawa Shiikhu isla Masjidkii Noogu Dhigdhigay, Wuxu ugu yeedhay "Dariiq Loo Daweeyo, loolana Dhaqmo, Dadka Bidciyiinta", Sheekhu Marku meel dhexe marayo, anigu waan ka hadhay, Waxay dhaaftay intaan aqaanay, Waxay jibaaxday Meeshii Raggeeda u doona la odhan jiray, Yaryarkii Cumaamadaha Badna Dhabankay Gacanta Saareen, Caamadiina Dhagahay laabta u fureen, waayo Wuxuu sida tusbaxa midmid u taabtay dhinac kasta, Horeyso iyo Danbayso, Talaabo kasta iyo Waxa ku jira, Wuxuu hoosta ka xariiqay Degdega inbadan oo culimadeena kamuuqda, iyo Dheeldheelka Kooxaysiga, iyo Halkay ina Gaysay, Wuxuu Canaan dusha uga Tuuray kuwa Aqoon daro, ama Dano shakhsiyadeed Muslimiinta uga kooxaysanaya, Wuxuu nagu dardaaray inaanu ilaalino Dariiq Salafka Umadeena " Aqoon ku Hadal, ama Iska Aamus, oo Ehelu Cilmiga wax waydii", Allow nagu Anfac, Isna ka Abaali.

Khilaafka Kulmiye Waa Astaan Muujinaysa Nolosheena!


Kooxo Siyaasadeedkeenu Ma Xisbi-yaa, Haday Yihiin se Ma qaar Qaran-baa?, Waa hadii Magacyada Sare yihiin Sidii loo Yaqaanay: Xisbi Siyaasadeed (Political party), Koox Muwaadiniin ah oo ku nool Dal Cayiman, kuwaaso Fikir midasan ka leh, Dhinacyada Bushada Dalka ay ku nool yihiin, Tusaale; Soo dhawaynta ajaanibka, Ama Xakamaynta iyo La dagaalankaQaadka, Halka Qarana yahay Dad Wadaaga Dhul Badeed La yaqaan kuwaasoo wadaaga ama se kulkala Duwan Midab, Diin, Luuqad, Dhaqan, Ayse midayso maslaxad Caam ah, Sida Maamul, Dhaqaale, Difaac, Etc, Awoodooduna ugu kala wareegto si ugu yaraan qancisa inta badan ee Shacabka, si Codkooda dibada u midoobo, Nasiib Daro se Innagu Kuwaana ma nihin (Modern States), Kuwii hore ee Caaqilkasta iyo Suldaan kasta intiisa Maamuli jirayna ma nihin (Traditional City States), Maalin walba 80 Jiro ayaa Isku Qabsanaya "Usha ii Dhiib aan masaakiinta la dhacee", Waxa se ka sii Ayaan Daran markuu Wax-garadkii iyo Goolayaashii Odayada ahaa, ka Dhigan Xalaad masiibo qaran ah "National Emergency".

Ma jirto Masiibo Qaran marka Da'yartu Badaha ku leedayaan, Ma jirto Masiibo marka $500 Million Maalin kasta Dibada Qaad inoo dhaafayaan, Ma jirto masiibo marka Xooleheena Nool Daaqii iyo Dhirtii looga jarayo Dhuxul, Ma jirto Masiibo Marka Ardaydii jaamacaduhu Makhyaadaha bilaa Camal u fadhiyaan, Ma jirto Masiibo marka Muwaadniin dalkooda jooga 100 sano Lagu hayo Nacayb, Cunsuriyad, iyo Takoor, ma jirto masiibo marka Reer Guuraagi nolol xumo uga soo yaacayaan Baadiyihii, Iyagoon Magaalooyinka loogu diyaarin Soo dhawayn Dawladeed, Maxaynu nahay markaa, miyeynaa Damiir iyo Dadnimo inagu jirin, Miyaanay Noloshii Shalay Cashar-ba inoo noqonayn, Miyeynaa Sacabka Dharaarnimo waligeen baranayn, Miyeynaan dadkii Noloshan lahaa ahayn, miyeynaa Ubad iyo Mustaqbal Damac inagaga jirin,

Waxa Aad iiga yaabiyey, Saleebaan Gaal-na wuxu leeyahay ka kaca, dalku halis ayuu ku jiraaye, Tiro wasiiro ahna Waxay Qado u diyaariyeen, Koox lagu sheegay inay Sheffield ictiraaf ka keeneen, mar aan Hooyo wayn oo Suuqa joogta Weydiiyey Sheffield, Waxay igu tidhi Hooyo mooyi, oo Tv ka maqlay, Way-na kaa, Beentii ay Gaadhay Sheffield ayaa ina Aqoonsatay, goormay Sheffield Dawlad noqotay, Maxa laynga Ihaanaynayaa, oo waliba kuwaynu nidhi codkena ku hadla dhulka inoo jiidayaan, Way-na Kaa Danta labada Siyaasi laga Dhigayo Masiibo Qaran, Way-na kaa Caqligeeni, Aqoonteedni iyo Dadnimadeeni loo Dhufaanay "Waar nabada, Waar nabada", Nabadee! nabada Cadaaladeedi aan Ognahay, Nabada Baahideeda aan ognahay, Nabada Qabyaaladeeda aan Ognahay, Ma Nabadan Guri Caaro Noqotay, Kulmiye waa kan inoo muuqada, UCID ayeynu ogayn, UDUB ayaa xabaasha ku jirta, Wadani Guuxiisa Muuqda, Waa markay Waajib tahay "inaad Ajaanib ka jeclaato Muwaadinmo",

Wednesday, 14 May 2014

Dhawr qodob oo Dawlada Kulmiye la Wadaagto Tii Kacaanka.


Ugu horeyn waxa aanu shaki inagaga jirnin in HE. Siilaanyo uu ahaa Wasiiradii loogu jelcaa Dawladii Kacaanka, inuu ahaa Shakhsiyaadii Rayidka ahaa ee Goolihii awooda badnaa ogolaa, inuu ahaa Siyaasiyiintii Ugu mudada dheeraa ee kasoo jeeday Wixii wakhtigaa loo yaqaanay Gobolada Waqooyi, Tani cilmi ahaan waxay si dheer inoo tusaysaa Fahanka iyo Aqoonta uu Madaxweynuhu u leeyey Afakaartii Kacaanka ee Salka ku haysay Madaahibtii Shuuciga ahayd ee uu horseedka ka ahaa Carl Marx, kuwaaso Ujeedadoodu fogi ahayd Bedelida hab Fikirka Muwaadiniinta, si loola dagaalamo Afkaartii Galbeedka iyo Kuwa Diinta Islaamka. sidaa daraadeed siyaasada haasi inay kasoo shaac baxaan Maamulka Madaxweyne Siilaanyo wax Qariiba maaha, Balse way Dhacday waana marag ma doon. bal aan eegno dhawrkan qodob.

-Maxamed Siyaasad Barre mudo dheer ayuu mucaarad ku ahaa, Dawladihii Rayidka ahaa (Mucaaradad Qarsoon), Wuxuu si joogto ah ugu eedayn jiray inay majaro habaabiyeen himiladii ummada Soomaaliyeed, inay astaan u noqodeen Musuqmaasuq, Dawlad Jileec, Qaraabo Kiil iyo  inay bixiyeen Dhulkii Dalka Soomaaliyeed,  ilaa uu  aakhirkii Cudud kula wareegay Awoodii Dalka, Aakhirkiina uu Galaaftay Dawladii Soomaaliya, dhanka S.land Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa mucaaradkii ugu mudada dheeraa ee Dawladii UDUB. wuxuu si joogtaa ugu eedayn jiray wax Isdaba-marin, Saxaafad Cabudhin, Laaluush, Laynta Muwaadiniinta Cabiraya Fikirkooda (Mudaharaado), Lunsiga Hantida Qaranka, Etc, ilaa uu aakhirkii Si doorasho ah ugala wareegay Dalka, Iyadoo imika Intaba lagu eedeeyo inay ka jiraan Maamulkiisa, Si cadna aan loo ogayn waxa dhici doona sanad kadib, markay dhamaato mudadiiso, maadaamo aanay muuqan sansaan doorasho madax banaani.
- Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd hal ku dhigyo Siyaasadeed, gaar ahaan Dawladii Hanti Wadaaga Cilmiyeysan, Dawladii Kacaanka Soomaaliyeed, Dawladii Ummada Soomaaliyeed, Halka Dawlada Kulmiyena Afartii sano inoo abuurtay halku dhigyo lamida, sida: Dawladii Wax qabadka, Dawladii Rabitaanka Shacabka, Dawladii Horumarka, Dawladii Wadooyinka, (Political Slogans)
-Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd Kobcinta, Ablo-ablaynta iyo Awoodaynta Qabiilka, Halka Dawladda Kulmiye ay ku Caan baxday Dawladii Tarminta iyo Siyaasadaynta Qabiilka, Tan waxa kaaga maraga Madaxweyne Siilaanyo wuxu noqoday Siyaasigii ugu horeeyey ee Reerkooda Shir isugu yeedha, Wuxu noqday Madaxweynihii u Horeeyey ee Qof Reer ahaan u dhaw u Dhiibta Wasiirka Madaxtooyada, Wuxuu noqday Masuulkii u horeeyey ee Xisbigiisu Si Beelaysan u Alooso Shirweynohooda, Wuxu noqday Masuulkii u horeeyey ee si badheedha uga reeba Wasiirada xiga isku Shaandhayntii Dawladiisa.
-Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd dulqaad la'aanta afkaareed, halka dawladeenu ay cadaw ka dhigatay cidkastoo iyada fikir ahaan ka soo horjeedsata, waxaa arintan kaaga maraga Tacadiyada Warbaahinta, Wada Xaajoodka Soomaaliya iyo Fogaynta Asxaabta Qaranka, Abuuranka Madasha Wada tashiga iyo Diidmada Dawlada.
-Dawladii Kacaanku waxay Siyaasadaysay oo Majaro Habaabisay Ciidankii Qalabka Siday, Halka Dawladeenuna ay Kulmiyeysay Ciidamadii Qalabka Siday, Gaar ahaan Ciidamadii loo unkay Ilaalinta Amniga Muwaadiniinta iyo ladagaalkan Qolyaha Xag jirkta ah (RRU, SPU), Cutubyadan oo si badheedha loogu adeegsaday Shaqooyinka ka baxsan kuway Sharci ahaan u xil saarnaayeen, Sida Warbaahinta, Mudaharaadyada Muwaadiniinta iyo Cabashooyinkooda, iyo ugu cago juglaynta Cidii loo arko dan.
- Dawladii Kacaanku waxay Ayaamihii u horeeyey ee cimrigeeda Shacabkii Soomaaliyeed ku kasbatay Mashaariic Waaweyn oo Iska wax u qabso lagu hir-galinayey, Halka Dawlada Kulmiye Siyaasado kuwaa lamida ka Adeegsatay, Gaar ahaan Wadooyinka oo Si Beelaysan oo Habac-sanaan badan ka muuqato Dalka looga Bilaabay, Tani waxa ku tusaya in Beel kasta Wado Dhagax dhigatay, Dawladuna midkasta Wax cayim u yaboohday.
-Maxamed Siyaad Bare waxa Markii u awooda la wareegayba ay kala fogaadeen Asxaabtiisi dhanka Afkaarta, Halka Madaxweyne Siilaanyo aynu ognahay halka ay kala joogan Asxaabtiisii Halganka Dheer, Iyadoo ay ugu danbayso waxa kala haysa isaga iyo Saaxiibkii qudhee ku hadhay Muj. Muuse Biixi.
Ugu danbayntii Dawladii Kacaanku waxay Awooda dalka u gacan galisay Shakhsiyaad Kooban oo Tiro yar, Isago Waayo-aragii iyo aqoonyahankii dhaafsaday Dhalinyaro Afkaartiisa Kacaan Daacad u ahayd,  Halka Dawladeena Kulmiye ay Ruug cadaagi Siyaasadeed iyo Xog ogaalkii Taariikheed ku badalatay Dhalinyaro Kulmiyeysan, kuwaaso ku hawl gala Xeerkii Asktara "The Command Law, Do It, Yes, Sir!.

Facebook: Mustafe Barud