Wednesday, 28 May 2014

Maanta iyo Sheekh Umal (Cilmiga Yari, Qofkiisu Hafiyaa).



Aan idinla wadaago khayrka iyo nuurka Hargeisa Yaal, Tani waa wada dhalashadeena iyo waxaynu ku nahay Ummah Waaxidah, Ummah Maxamediyah, intaa kadib aan idinsoo gudbiyo suduu ahaan jawagii iyo Khudbadii Jimacaha, iyo Casharkii Caawa ee Sheekheena Wayn, Caalimka Soomaaliyeed, Sheekh Umal, uu ka galay Majsidka Weyne, Isha Khayrka, xarunta Baraaruga Kacdoonka Musliminta iyo Kobcinta Garaadka Shacabka, Sheekhu wuxu Salaadi Jimce ku soo Qaatay Qaad-ka, Tan sheekhu wuxuu u yeelay isagoo ka duulaya Xidhiidhka ka dhexeeya Hargeisa iyo Wuxuu ugu yeedhay "Sunta Cagaaran", Sheekhu Hadaanu kaa Taaban, Hargeisa ma Iman weeye, Waayo Marka laga Imaado Aafada iyo Masiibada uu Soomaali ku hayo, Hargeisi waxay kow ka tahay, Cunida, Iibinta, Buunbuuninta iyo Darajaynta Maandooriyahaas, Waa Horaan Xasuusta mar aan Boosaaso Joogay, in uu Nin igu yidhi "Hargeisa-an ka imi iyo Qaad ma Cuno kala Daa", tanina waxay ku tusaysaa xeel dheerida Sheekha iyo dareenkiisa fog.

Sheekhu wuxuu maanta na tusay, oo si Cilmi iyo Basiiro ku jirto farta noogu fiiqay, Qaadka iyo Xaaran-nimadiisa, wuxuu carabka ku adkeeyey inuu Khamrada ka Xun yahay, Isagoo tusaale usoo qaatay Dalalka Galbeedka oo Khamrada ogolaaday, Halkay Qaadka ka diideen, Wuxuu sheekhu Naga Tusay Dhankasta. Diinta iyo Dhibtiisa, Caafimaadka iyo Wax-yeeladiisa, Caqliga iyo Doorintiisa, Dhaqaalaha iyo Baabintiisa, Taranka iyo Khalkhalintiisa, Intaba waxa uga marag ahaa Shacabkii Reer Hargeisa, Wuxuu ahaa nabar Dhiigayey qofkastoo Masjidka Joogay, Waxay ahayd Boog Caqli xumo darteed Caafimaad loo waayey, Wuxuu Sheekhu Cod dheer ku sheegay in Dagaal lala Galo, sida Dagaalka loogula jiro Cadawga Gaalka, Wuxuu Dardaaray Cidkastoo Awood u leh, Min Shiikh ilaa Shariif, Madax ilaa Minjo, inay u tafa xaytaan Habaarkan Soomaali ku habsaday, Gaar ahaan Hargeisa, kaasoo Shacabkeedi ka dhigay, In Waalan, in Qayrul Masuul ah, in Baylahsan iyo In intaas ku dul nool.

Intaa kuma Eekayn, Qulqulkii Cilmigu iyo Dagaalkii Jahligu, Wuxu Caawa Shiikhu isla Masjidkii Noogu Dhigdhigay, Wuxu ugu yeedhay "Dariiq Loo Daweeyo, loolana Dhaqmo, Dadka Bidciyiinta", Sheekhu Marku meel dhexe marayo, anigu waan ka hadhay, Waxay dhaaftay intaan aqaanay, Waxay jibaaxday Meeshii Raggeeda u doona la odhan jiray, Yaryarkii Cumaamadaha Badna Dhabankay Gacanta Saareen, Caamadiina Dhagahay laabta u fureen, waayo Wuxuu sida tusbaxa midmid u taabtay dhinac kasta, Horeyso iyo Danbayso, Talaabo kasta iyo Waxa ku jira, Wuxuu hoosta ka xariiqay Degdega inbadan oo culimadeena kamuuqda, iyo Dheeldheelka Kooxaysiga, iyo Halkay ina Gaysay, Wuxuu Canaan dusha uga Tuuray kuwa Aqoon daro, ama Dano shakhsiyadeed Muslimiinta uga kooxaysanaya, Wuxuu nagu dardaaray inaanu ilaalino Dariiq Salafka Umadeena " Aqoon ku Hadal, ama Iska Aamus, oo Ehelu Cilmiga wax waydii", Allow nagu Anfac, Isna ka Abaali.

No comments:

Post a Comment