Wednesday, 14 May 2014
Dhawr qodob oo Dawlada Kulmiye la Wadaagto Tii Kacaanka.
Ugu horeyn waxa aanu shaki inagaga jirnin in HE. Siilaanyo uu ahaa Wasiiradii loogu jelcaa Dawladii Kacaanka, inuu ahaa Shakhsiyaadii Rayidka ahaa ee Goolihii awooda badnaa ogolaa, inuu ahaa Siyaasiyiintii Ugu mudada dheeraa ee kasoo jeeday Wixii wakhtigaa loo yaqaanay Gobolada Waqooyi, Tani cilmi ahaan waxay si dheer inoo tusaysaa Fahanka iyo Aqoonta uu Madaxweynuhu u leeyey Afakaartii Kacaanka ee Salka ku haysay Madaahibtii Shuuciga ahayd ee uu horseedka ka ahaa Carl Marx, kuwaaso Ujeedadoodu fogi ahayd Bedelida hab Fikirka Muwaadiniinta, si loola dagaalamo Afkaartii Galbeedka iyo Kuwa Diinta Islaamka. sidaa daraadeed siyaasada haasi inay kasoo shaac baxaan Maamulka Madaxweyne Siilaanyo wax Qariiba maaha, Balse way Dhacday waana marag ma doon. bal aan eegno dhawrkan qodob.
-Maxamed Siyaasad Barre mudo dheer ayuu mucaarad ku ahaa, Dawladihii Rayidka ahaa (Mucaaradad Qarsoon), Wuxuu si joogto ah ugu eedayn jiray inay majaro habaabiyeen himiladii ummada Soomaaliyeed, inay astaan u noqodeen Musuqmaasuq, Dawlad Jileec, Qaraabo Kiil iyo inay bixiyeen Dhulkii Dalka Soomaaliyeed, ilaa uu aakhirkii Cudud kula wareegay Awoodii Dalka, Aakhirkiina uu Galaaftay Dawladii Soomaaliya, dhanka S.land Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa mucaaradkii ugu mudada dheeraa ee Dawladii UDUB. wuxuu si joogtaa ugu eedayn jiray wax Isdaba-marin, Saxaafad Cabudhin, Laaluush, Laynta Muwaadiniinta Cabiraya Fikirkooda (Mudaharaado), Lunsiga Hantida Qaranka, Etc, ilaa uu aakhirkii Si doorasho ah ugala wareegay Dalka, Iyadoo imika Intaba lagu eedeeyo inay ka jiraan Maamulkiisa, Si cadna aan loo ogayn waxa dhici doona sanad kadib, markay dhamaato mudadiiso, maadaamo aanay muuqan sansaan doorasho madax banaani.
- Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd hal ku dhigyo Siyaasadeed, gaar ahaan Dawladii Hanti Wadaaga Cilmiyeysan, Dawladii Kacaanka Soomaaliyeed, Dawladii Ummada Soomaaliyeed, Halka Dawlada Kulmiyena Afartii sano inoo abuurtay halku dhigyo lamida, sida: Dawladii Wax qabadka, Dawladii Rabitaanka Shacabka, Dawladii Horumarka, Dawladii Wadooyinka, (Political Slogans)
-Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd Kobcinta, Ablo-ablaynta iyo Awoodaynta Qabiilka, Halka Dawladda Kulmiye ay ku Caan baxday Dawladii Tarminta iyo Siyaasadaynta Qabiilka, Tan waxa kaaga maraga Madaxweyne Siilaanyo wuxu noqoday Siyaasigii ugu horeeyey ee Reerkooda Shir isugu yeedha, Wuxu noqday Madaxweynihii u Horeeyey ee Qof Reer ahaan u dhaw u Dhiibta Wasiirka Madaxtooyada, Wuxuu noqday Masuulkii u horeeyey ee Xisbigiisu Si Beelaysan u Alooso Shirweynohooda, Wuxu noqday Masuulkii u horeeyey ee si badheedha uga reeba Wasiirada xiga isku Shaandhayntii Dawladiisa.
-Dawladii Kacaanku waxay caan ku ahayd dulqaad la'aanta afkaareed, halka dawladeenu ay cadaw ka dhigatay cidkastoo iyada fikir ahaan ka soo horjeedsata, waxaa arintan kaaga maraga Tacadiyada Warbaahinta, Wada Xaajoodka Soomaaliya iyo Fogaynta Asxaabta Qaranka, Abuuranka Madasha Wada tashiga iyo Diidmada Dawlada.
-Dawladii Kacaanku waxay Siyaasadaysay oo Majaro Habaabisay Ciidankii Qalabka Siday, Halka Dawladeenuna ay Kulmiyeysay Ciidamadii Qalabka Siday, Gaar ahaan Ciidamadii loo unkay Ilaalinta Amniga Muwaadiniinta iyo ladagaalkan Qolyaha Xag jirkta ah (RRU, SPU), Cutubyadan oo si badheedha loogu adeegsaday Shaqooyinka ka baxsan kuway Sharci ahaan u xil saarnaayeen, Sida Warbaahinta, Mudaharaadyada Muwaadiniinta iyo Cabashooyinkooda, iyo ugu cago juglaynta Cidii loo arko dan.
- Dawladii Kacaanku waxay Ayaamihii u horeeyey ee cimrigeeda Shacabkii Soomaaliyeed ku kasbatay Mashaariic Waaweyn oo Iska wax u qabso lagu hir-galinayey, Halka Dawlada Kulmiye Siyaasado kuwaa lamida ka Adeegsatay, Gaar ahaan Wadooyinka oo Si Beelaysan oo Habac-sanaan badan ka muuqato Dalka looga Bilaabay, Tani waxa ku tusaya in Beel kasta Wado Dhagax dhigatay, Dawladuna midkasta Wax cayim u yaboohday.
-Maxamed Siyaad Bare waxa Markii u awooda la wareegayba ay kala fogaadeen Asxaabtiisi dhanka Afkaarta, Halka Madaxweyne Siilaanyo aynu ognahay halka ay kala joogan Asxaabtiisii Halganka Dheer, Iyadoo ay ugu danbayso waxa kala haysa isaga iyo Saaxiibkii qudhee ku hadhay Muj. Muuse Biixi.
Ugu danbayntii Dawladii Kacaanku waxay Awooda dalka u gacan galisay Shakhsiyaad Kooban oo Tiro yar, Isago Waayo-aragii iyo aqoonyahankii dhaafsaday Dhalinyaro Afkaartiisa Kacaan Daacad u ahayd, Halka Dawladeena Kulmiye ay Ruug cadaagi Siyaasadeed iyo Xog ogaalkii Taariikheed ku badalatay Dhalinyaro Kulmiyeysan, kuwaaso ku hawl gala Xeerkii Asktara "The Command Law, Do It, Yes, Sir!.
Facebook: Mustafe Barud
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment