Wednesday, 28 May 2014
Markaad Caalim Hesho, Cilmi-gaa Qiimo Yeesha!.
Waxa illaa Shalay Marti Hargeisa noogu ahaa, Caalimka Weyn, Sheekheena, iyo U hiiliyaha Xaqa wakhti Caamadii Xaalkeedu yahay Duul Caamu Culimo u eegi Waashay, Sheekh Maxamed Abdi Umal, Alle Cimriga iyo Cilmigaba ha u barakeeyee, Sheekhu Wuxu habeen hore na baray oo noo Bayaaniyey Qiimaha uu Qalbigu u leeyahay Qofka Iinsaanka, iyo in uu yahay SayidkaJidhka, Wuxu Aqoon, Xeeldheeri iyo Waayo aragnimo ahaan noo tusay Cilaaqaadka ka dhexeeya Jidhkeena iyo Qalbiga, in Alle Daalacdo Qaluubteena, ee Aanu waxba ku falin Midabkeena, iyo Xajmiga Jidheekeena, Wuxuu nagu baraarujiyey in Qalbiga shaqo laga qabto, Hadii la rabo in Aduun iyo Aakhiraba la Liibaano.
Sheekhu waxa uu Caawana Sida Falaadhaha Qoraxda noogu iftiimiyey Fidnada iyo Masiibooyinka ka dhacaya guud ahaan Dunida Muslimka, Gaar ahaan Deegaanada ay ku nooshahay Ummad Afka Soomaaliga ku hadashaa, Wuxuu na Baray oo Sidii qolyo aan Diinta hore-ba u maqal noogu sheegay Xiliga lagu jiro, in aanu ugub ahayn, iyo In Dunida Muslimku Tan iyo Geeridii Cumar Bini Khadaab kadib, Fidno iyo Masiibooyin ka jireen, Waxa qudhee kala Duwana ay ahaayeen Goobta, Samanka, Xaaladda iyo Fal Celinta Muslimiinta ay Asiibtay, Wuxuu na Tusay Aqoondarada Gaar ahaan Dhanka Diinteena iyo Xidhiidhka ka dhexeeya waxa maanta lagu samaynayo Magaca Diinteena Suuban, Wuxuu Cod dheer ku sheegay Caqli Xumada Koox Diimeedka Al-shabaab iyo siday uga fog yihiin Xaqa, Wuxuu laba saacadood oo xidhiidha Quluubtii Aqoontiisa u oomanayd u Diiday Nuuxsi, Wuxu sidii shi'ni macan heshay Quluubtayda ugu Xidhay Afkiisa, Ilayn Aqoontu waa Qof u ehela ka Qaado.
Sheekha may ahayn markii iigu horeysay, ee Waa hore ayaan Nasiib u yeeshay inaan kula Kulmo Kampala, Wakhtigaaso oo aan Waydiiyey Dhib iga Haysatay Sahwiga iyo Khushuuc yaraan Dhanka Salaada iga haysatay, Sheekhu Si sahlan oo Kalsooni ku jirto ayuu ii Dabiibay, Wuxuu isagoon i dhibsan ina Didin ii sheegay in Xanuunkaygu macruuf yahay, in Dawadiisu fududahay, Alle ha ka Abaaliye si Cajiiba ayuu ii Dabiiyey, Aqoontu Waa Muhim, Waa iftiin iyo Dariiqa nolosha ka fogeeya Lumitaanka Aduun iyo Hoogga Aakhiro, balse hadaad u gacan gasho, oo magansato Mid Seef la bood ah, Mid is macaashsiiyey, Mid Shaydaan u sheegay inuu Sheekh yahay, Waxaad halis u tahay Halaagg, Waar Saaxibayaal aynu Cilmiga ka qaadano Cida u ehelkaa, aynu Culimada ka reebno Caamada Cumaamadaha Qaatay, Aynu Diinta ka Dayno Ra'yiga iyo la ahaansha, oo Ehelkeeda u Dayno wixii nolosheena Saamaynta ku leh, Waa dhab "Siduu Cilmigu Qaali u yahay, ayaa Cida laga Qaadanayaan ay Qaali u tahay,", Aqoontu waa Aqoonta ku tusta intaad Jaahilka Tahay,
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment