Wednesday, 28 May 2014
Khilaafka Kulmiye Waa Astaan Muujinaysa Nolosheena!
Kooxo Siyaasadeedkeenu Ma Xisbi-yaa, Haday Yihiin se Ma qaar Qaran-baa?, Waa hadii Magacyada Sare yihiin Sidii loo Yaqaanay: Xisbi Siyaasadeed (Political party), Koox Muwaadiniin ah oo ku nool Dal Cayiman, kuwaaso Fikir midasan ka leh, Dhinacyada Bushada Dalka ay ku nool yihiin, Tusaale; Soo dhawaynta ajaanibka, Ama Xakamaynta iyo La dagaalankaQaadka, Halka Qarana yahay Dad Wadaaga Dhul Badeed La yaqaan kuwaasoo wadaaga ama se kulkala Duwan Midab, Diin, Luuqad, Dhaqan, Ayse midayso maslaxad Caam ah, Sida Maamul, Dhaqaale, Difaac, Etc, Awoodooduna ugu kala wareegto si ugu yaraan qancisa inta badan ee Shacabka, si Codkooda dibada u midoobo, Nasiib Daro se Innagu Kuwaana ma nihin (Modern States), Kuwii hore ee Caaqilkasta iyo Suldaan kasta intiisa Maamuli jirayna ma nihin (Traditional City States), Maalin walba 80 Jiro ayaa Isku Qabsanaya "Usha ii Dhiib aan masaakiinta la dhacee", Waxa se ka sii Ayaan Daran markuu Wax-garadkii iyo Goolayaashii Odayada ahaa, ka Dhigan Xalaad masiibo qaran ah "National Emergency".
Ma jirto Masiibo Qaran marka Da'yartu Badaha ku leedayaan, Ma jirto Masiibo marka $500 Million Maalin kasta Dibada Qaad inoo dhaafayaan, Ma jirto masiibo marka Xooleheena Nool Daaqii iyo Dhirtii looga jarayo Dhuxul, Ma jirto Masiibo Marka Ardaydii jaamacaduhu Makhyaadaha bilaa Camal u fadhiyaan, Ma jirto Masiibo marka Muwaadniin dalkooda jooga 100 sano Lagu hayo Nacayb, Cunsuriyad, iyo Takoor, ma jirto masiibo marka Reer Guuraagi nolol xumo uga soo yaacayaan Baadiyihii, Iyagoon Magaalooyinka loogu diyaarin Soo dhawayn Dawladeed, Maxaynu nahay markaa, miyeynaa Damiir iyo Dadnimo inagu jirin, Miyaanay Noloshii Shalay Cashar-ba inoo noqonayn, Miyeynaa Sacabka Dharaarnimo waligeen baranayn, Miyeynaan dadkii Noloshan lahaa ahayn, miyeynaa Ubad iyo Mustaqbal Damac inagaga jirin,
Waxa Aad iiga yaabiyey, Saleebaan Gaal-na wuxu leeyahay ka kaca, dalku halis ayuu ku jiraaye, Tiro wasiiro ahna Waxay Qado u diyaariyeen, Koox lagu sheegay inay Sheffield ictiraaf ka keeneen, mar aan Hooyo wayn oo Suuqa joogta Weydiiyey Sheffield, Waxay igu tidhi Hooyo mooyi, oo Tv ka maqlay, Way-na kaa, Beentii ay Gaadhay Sheffield ayaa ina Aqoonsatay, goormay Sheffield Dawlad noqotay, Maxa laynga Ihaanaynayaa, oo waliba kuwaynu nidhi codkena ku hadla dhulka inoo jiidayaan, Way-na Kaa Danta labada Siyaasi laga Dhigayo Masiibo Qaran, Way-na kaa Caqligeeni, Aqoonteedni iyo Dadnimadeeni loo Dhufaanay "Waar nabada, Waar nabada", Nabadee! nabada Cadaaladeedi aan Ognahay, Nabada Baahideeda aan ognahay, Nabada Qabyaaladeeda aan Ognahay, Ma Nabadan Guri Caaro Noqotay, Kulmiye waa kan inoo muuqada, UCID ayeynu ogayn, UDUB ayaa xabaasha ku jirta, Wadani Guuxiisa Muuqda, Waa markay Waajib tahay "inaad Ajaanib ka jeclaato Muwaadinmo",
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment