DHAMAN WAXAN IDINKU SALAMAYA SALANTA ISLAMKA.
Qormadan maanta oo ah mid ad u xiso badan waxan ku eegaya Casharada aan ka bartay dhamaan hogaamiyayasha geyiga Somaalidu degto intaa ka aqaan, gaar ahaan Siyaasiyiinta magaca iyo awooda ku le Somalida dhexdooda.
laga so bilaabo wakhtigii calanka laga tagaay Ciida Somalida, waxa awooda sare qabtay shakhsiyaad siyaabo kala duwan taarikhdu uga warantay, kuwaason oon ka xusi karno Abihi Kacanka Somaliyed, Marxum Maxamed Siyad Bare, Abihi Dawladnimada S.land Marxum Maxamed Xaji Ibrahim Cigal, Madaxweynihi u horeyey e S.land Marxuum Abdirahman Axmed Ali, Madaxweyne u horeyey e dawlada Federalka ku meelgadhka Somalia, Marxum Abdilahi Yusuf Ahmed, Madaxeyne Dahir Riyale Kahin, Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamoud Silanyo, Madaxweyne Sh.Shareif Sh.Ahmed, Madaxweyne Ismacil Cumar Gele, iyo dhaman Hogamiyayaasha kale een laso koobi karin.
Dhamaan Madaxdan nasibka u heshay inay ku fadhistan kursiga ugu sareeya ayay tarikhdu midkasta si gaara u xustay, iyadoo laga yaabo in deegan ahaan iyo aragti ahaan lagu kala duwanaado shakhsiyada hogamiye kaste, hadana waxan muran ka taagnayn in midkasta soo qaatay ayaamo cirbo iyo cashar badan laga koradhsanyo, ayaamahas oo ku xardhanaan doona buugta taarikhda inta lagu jiro nolosha aduun.
Hadaan is gaara u dul istaago shakhsi ahaan carashada aan ka qaatay hogamiye kaste, iyo raadka laga yaabo inuu Hogamiye kasta kaga tago himiladayda Siyasaded, Ugu horeyn Alle ha u naxariste Macalinkayga siyaasada Marxuum Cigaal, waxan si dheer ula dhacay siduu u ixtirami jiray dadka saamaynta ku le rayul caamka, haday noqoto Saladin, Cuqal, Ganacsato, Culimo iyo dadka radka kaga tagaya bulshada, inta badan uu saxib uga dhigan jiray, isago isku dari jiray Aman, Gacmo furnan, iyo Madaxbuuxin, dhanka kale Marxum Abdilahi Yusuf alle ha unaxariste aya macalin iigu ah dhanka mayal adkatan iyo Hiigsiga, isagoo aha gomiye ku sifobay go'an adayg iyo u daacad ahaansho balwadiisa siyaasadeed, gaar ahaan markay timado inuu wax walba ka horeysiiyo sidu u gadhi laha mansabka u sareeya dalka, kasu aakhirkii u rumooday kadib mudo dhawr iyo sadon ah.
Isaga Madaxweyne Riyaal waxan ad ugu ixtirama dhaqankiisa wacan ee dhagaysiga, isagoo ah hogamiye ku sifoobay inuu dhagaysto qofkasto u taga,wuxu dono ha ku hadle, inta badana go'aan qaadashada iyo dhagaysigu way kala duwan yihin, tasanu Mudane Riyale ad u fahansana, wuxu Alle siyiiyey awood dhagaysi o ah dabeecad inta badan ku ray siyaasinta iyo dadka mansabyada sare qabta, Xaga Marxum Abdiraxman Tuur Ale ha u naxariste,waxaan ka majiirto hibada Go'aan qaadasho isago alle inta badan wafajin jiray go'aanada fican, caana ku ahaa maskaxbadnaa iyo fikir xeel dheeri isukuna dayi jiray inuu inbadan ka fikiro wuxu samayn doono ama talabadu qadi dono.
Markay timado Sh.Shariif waxan ad u majiirta niyad wanaagisii, isagoo kalinta kobad kaga jira xaga filashada wacan (Optimist), wuxu inta badan caan ku yahay inu mustaqbalka ku eego indho cagaaran, iyo inuu adeegsado erayada naxaliga iyo hurgufta siyaasadeed ku yaryihiin, alle na hibo u siyaye xulashada erayada macmacan, Isaga Ismacil Cumar Gele, waxan ad uga hela siduu ula jaanqaado siyasada calamka isago inta badand ku shaqeeya Eeg saxibtinimadeena Balse ha eegin cidan la saxibayo, oo ah mabda inta badan ku yar hogamiyayasha dunida sadexad, wa hogamiyaha qudha ee Somaliyed ee is isku mida ula jaanqada Siyasada calamka, wuxu xidhiidh fican la sameeyey qudaha kala duwan ee jira manta, Thanx ad bu ugaga wacan yaha dhaman inta kale Xaga arimaha dabada.
Isaga Odaygi Ina Siyad alle ha u naxariste, waxan ad u jecla siduu dadka u gubaabin jiray, isagoo ad ugu wacana hawl galinta dad waynaha taas u suura galisay inuu dhiso cudud aad u awood badan mido ad u yar, iyo isagoo caan ku ahaa xaqiraada Cadawgiisa dibada, inta badan wuxu ahaa hogaamiye han wayn kaaso jecel inuu maamulkisu ka talo bixiyo arimaha caalamiga, waxay doonto awoodisu ha ahaate, aadna u xaqira dawladaha jaarka, balse dhaman Siyasinta kale waxay isku wayneeyen awooda dalal tamar ahan ka hoseya ama lamidaba.
Ugu danbaynti Madaxweyne Silanyo waxan ad u majiirta siduu inta badan naftisa uga dheereyo canaanta khaladaadka siyasadeed isago hir galiya hanaanka maamul daajajinta, adna naftisa uga fogeeya sifaha kali talisnimo, inta badan wuxu caan ku yahay hanaanka dhisida Insititutions taaso dhalisa in canantu baahdo,lagana yaabo in khayr badani kaso baxo, dadbana ka hela fursado shaqo, wayo aragnimo iyo xirfadeedba, inkasto dadbadan u yaqanan go'an qadasho xumi balse wa hanan inta badan kena dareenka wax wada lahanshaha.
Waxan jecelay inan ka dherado ee madaxdaasi caanka ku ahayd wa Maqaal madaxbanaan inshala mar danbe ayan ka hadli doona.
Saxibkin
Barud,
No comments:
Post a Comment