Sunday, 1 April 2012

SHACABKU MUXU UGA JAWABI WAYEY FASHILKA XUKUMADA EE GOBOLADA BARI

Tan iyo malinti la doortay xukumada cusub 2010, waxa sI isku mida ino soo gadhayey warar ukala socoda dhanka wacan iyo dhanka xun, Markaad eegto dhanta wacan waxay Xukumada cusub ku dhaqaqday arimo aad iyo ad loo taban karo, kuwaso laga xusi karo Waxbarashada lacag la'anta, Kordhinta Misaniyada Dalka, Ogolanshaha Xisibiyada Badan (Inkasto arintani dodeda leday, balse balanqad ay xukumadu kaso baxday weye), Kordhinta Mushaharoyinka qaarka mida Shaqalaha Qaranka, iyo ugu danbayntii Siyasada Arimaha Dibada oo waji cusub yelatay (inkasto habka lo maray ad logu kala duwanan karo).

Balse wararka lfiican  ka sokoow waxaan iyana indhaha laga qarsan karin khaladaadka iyo maamul xumada hafisay Xukumada cusub, kuwaason ka xusi karno Shaqaqada Bariga, Xadhiga Masuliyinta aan Makaxamdi Ogolan, Wareegtoyinka Madaxtoyada ee kusabsan Xil ka qadid iyo isku shandhayn o si tosa ku tusaya ka firsi la'anta Magacabida Marka hore, Samaysanka Maamulada Didan Dawladnimada, Baabinta Golayaashi Qaranka iyado laga duwayo habkodi shaqo ee sixida ahayd, iyo kootaynta Ilaha dhaqaale ee dalka.

Hadaan si gaara Maqalkan ugu dul istagno arinta Bariga, ood meel iska dhigto arimaha kale een soo xusnay, waxad mood in xukumada cusub aad uga gaabisay wax ka qabashada dhacdooyinka xanuunka badan ee Goboloda Bariga, waxa laga yaaba in aad is waydiiyso maxay xukumadu samayn lahayd, balse Muwaadin waxaad ogaata in arimo badani ino kala cadadan, kuwaso ay tahay wax an gorgortan galin karno oo ku dhisan Sharciyada Qaranka iyo kuwa Caalamkaba. sida

1- Dawlad kasta iyadoo masuul ka ah ilaalinta iyo joogtaynta xuduudeheeda dhuleed  (kay sheegato inay hoos imaadan maamulked).
2- Dawladna Caalamka Gorgortan ma galiso Sharciyadeeda Dawladnimo oo ku fadhida (dhul cayiman, Shacab iyo shaciyada awoded)
2- Axdiga  Qaramada Midoobey wuxu si cad u qeexaya xaqa ay Dawlad kastaa u leeday difaacida dhulkeeda iyo shacabkeeda, waxkasto awoodeeda kana difaacdo waxkasto dhib ku ah, iyado u maraysa sifa kasto wafaqsan xeerarka caalamka.
3- isla Axdiga Qaramada modoobay wuxuu dawlad kasta xaq u siinaya  baabinta Cadweega melkastu ku sugan yahay wixi awoodeeda (Tas aya kentay Cidamada shisheye Afghan, Ciraq iyo wixi lamida)
4- Goolayasha Sharci dajintu waxay u xilsaran yiin kusugida dawlad kasta Fulinta Qodobada Asasiga ee dawladnimo (sugida Aminga, Dhuled, Dadeed iyo Deganeedba).

Inago ka duulayna Mabaadida Calamiga, si wafiyaha uga warqaban Dusteerkeena iyo xeerarkenu siday Xukumada ugu wajibinaya ilaalinta xududeeda, waxay si toosa kugu cadaynaya ku fashilka Xukumadu ku fashilantay wajibka Distuuriga,  iyado ku kacday dhaman arimahan.
1- Ogolaanshaha Qabsomida Shir ka dhana Qaran nimada S.land (Xukumada iyo Qofkasta wuxu ka dharagsana Ujedoyinki shirki Khatumo)
2-Hadal galinta Qadiyada Madax bananida S.land (Xukumadu waxay markasta ku baqaysay inay la hadlayso Dad si cad u diidanay Gooni isku taga Qaranka).
3- Xukumadu Marna may fulin Wax ka badan hadal ay ka tidha warbahinta (Madaxweynuhu intii jeer uu sameeyey Isku shandhaynta Marna kuma soo darin wixi lo hanka wayna, dhelitirka Beelaha, gar ahan Kuwa Bari).
4- Weerarada Sida joogtada ugu socoda Ciidanka Qaranka ( Arintan oo sumcad xumada kadib, niyad jab ku ah cidanka, shacabka iyo Besha Calamka oon ka ibin jirnay Nabad, dhanka kalena Dhiiri galin sinaysa dhinaca kale)

Dhaman arimahani waxay si cad kuugu muujinayan Fashilka Xukmadeena mid siyasadeed iyo Ciidanba, iyadoo malinkasta Ciidanka Qaranka si toosa loogu soo weerarayo Degano ka tirsan Dalka,

Ugu danbaynti xukumadu waa inay latimaada Siyaasad Cad ooy si dhakhsa wax uga qabanasyo Shaqaaqoyinka Maalinlaha ee gobolada bariga ama si cad u qirata Fashilkeeda iscasilaadna ku dhawaaqda sida ugu dhakhsaha badan.

Hadi arinta dhici waydo waxa Goolayasha Sharcidi Dajinta Qaranka u banan  inay si dagdaga ugu yedhan Madaxda Qaranka iyagoo wax loga waydiyo wixi loo xilsaartay (Balse waxa nasib daro ah inan maanta  Goolayal awooda fulin kara jirin  iyago si tosa ugu milmay Xukumada), Hadii taasi dhacdana hawshani waxay si tosa  uugu taal shacabka inay darenkoda ku mujiyan  Banan baxayo si toosa dawlada dusha looga saarayo Ceebta ka socota Bari, laguna khasbayo isbadalo la taban karo.

Mustafe Barud
Political Analayst.
Uganda Kampala

No comments:

Post a Comment